WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, September 15, 2008

Beesha Sade dagaal uma baahna ee nabad iyo horumar bay u baahan tahay!
 

Dhamaan walaalaha qora website-ka Allgedo waxaan hawada idiin soo marinayaa salaanta islaamka ee ah (السلام عليكم ورحمة الله وبركاته).  Intaa kadib, Allgedo ayaamahaan waxaad samayseen barnaamij wacan oo ah dad waynaha in aad fikradooda ku aadan dagaalkii Kismaanyo soo bandhigtaan.  Aniga waxaan aad u taageersanahay baaqa odayaasha reer Gedo ka soo baxay iyo  in aysan haboonayn xiligaan dagaal Kismaanyo lagu qaado.

Beesha Sade waxay ka mid tahay dadka burburka ugu badan uu saameeyay haday ahaan laheyd dhan dhaqaale, nafeed, caafimaad iyo waliba waxbarasho. Dagaal waanu ka soo daalnay, waxaan ka xumahay in maanta shabaabki inti ka soo hartay ee soo bad-baaday meeshi wax naftooda anfaca loo samayn lahaa sida:  Iskuulo iyo Jaamicado, waa nasiib daro weyn in weli dadka qaar ay ku fakarayaan in lasii laayo inta hartay.  

Bare Hiiraale Kismaanyo in badan buu ka talinayay, nasiib daro intuu dadka Iskuulo iyo Jaamicado u samayn lahaa sida ay sameeyeen siyaasiyiinta qayrkii ah ee kataliya Somaliland, Puntland iyo waliba meele kale, ayuu ku fakarayaa in uu sii wado dagaal macno daro ah oo uu ku laayo shabaabkii inta hartay.  Aigu waxaan leeyahay sorry! Barre, walaal ama saaxiib, ma filaayo in ay quman tahay wadada aad reerka ku wado ee bal si fiican uga feker inta aadan ciidan hor leh reerka weydiisan.

Reer Sadow, waan qaylinayaaye yaa horta i maqlaaya?  Su'aashaas waxaan ula jeedaa, reer Sadow garta waxa dantiinu tahay, aanu dagaalano micno dara ah waa waxa maanta meesha ina dhigaye.
 
Dadka qaar xamaasad Kismaanyo ayaa waalaysa, dadka caynkaas ah waxaan oran lahaa, ha kala ogaadeen in uu Barre ka tirsan yahay Sade, laakiin uusan Sade ka tirsaneyn Barre.  In si indho la'aan ah loo dabo ordo Barre ama siyaasi kale oo beesha ka tirsan oo talo xun waxaa dhaanta in ay beesha si danteeda si guud uga arinsato. 

Kismaanyo waa magaalo Soomaaliyeed, Sadena dadka dagan ayuu ka mid yahay, marka waxaa nala gudboon oo kaliya in aan dadka nabad iyo daris wanaag kula noolaano.  Waxaad moodaa ayaamahaan dambe in dagaal qura nagula bartay, dadka bulshada maslaxadeeda ka shaqeynaayo ee haddana wax ku oolka ah hala taageero. 

Gebo-gebadii, waxaan hadalkeyga kusoo aruurinayaa "
Beesha Sade dagaal uma baahna ee nabad iyo horumar bay u baahan tahay!."
 
 

من دل علي خير كفا عله
By C/rashid Qaasim
ifriiqiya@hotmail.com 

            




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com