WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, January 25, 2009


Masiibada Soomaalida: Jaajuus Jaasuusay Jaasuus Kale!!!

 

Sheekadaan waxay dhex martay madaxii Hay'adii Sirdoonka ee Ruushka iyo Ra'iislwasaarihii ugu danbeeyay ee Midowgii Soofioyeeti ee uu madaxweynaha ka ahaa Gorbajev, sheekadaan

hadaad aqrisato waxaad  ogaanaysaa  meesha ay ka timid mushkilada Soomaalida , sikastaba yaanan war kugu daalin ee hoo sheekada:-

 

Mr.Betroviski wuxuu ahaa madaxii wakaaladii Sirdoonka Midowgii Soofiyeeti ee KGB-da, isagoo ku jiifa kursi dheer oo ku qoraxaysanayay gudaha  guryo waaweyn oo loogu tala galay dadka howlgabka ah ayaa waxaa soo booqday Wasiirkii Koowaad ee Dowladiisii ugu danbeysay Dr. Evanovitish.  labadaas nin waxay soo arkeen waxay tahay Dowlad, Haybad, Awood, iyo Aduunyoba. Laakiin Mr.Betroviski wuxuu afka ka joojin la'yahay halyeeynimadii iyo howshii wadaniga ahayd ee uu soo qabtay intuu ahaa Madaxa KGB-da isagoo la yaaban sida uu Midowgii Soofiyeeti halmar u kala Haaday u kala jabjabay una kala qaybsamay!

 

Isagoo la hadlaya Saxiibkiisan soo booqday ayuu  yiri  " Saaxiib ma ogtahay inaanan qofna ka cafin jirin Dabagalida iyo Tirinta xitaa inta jeer ee uu neefsado maalintii! Ka ugu yar iyo kan  ugu weyn ee Dowladaas kama baxsan Dabagalkeyga! Xitaa adiga Saaxiib waan ku daba galay!?" ayuu Odaygii KGB-d a ahaa ugu faanay Saaxiibkiis.

 

Wuxuu usii raaciyay "Waanu  ku dabagali  jirnay oon  ku daba taagnaan jirnay, waxayna  socotay Sanado badan, laakiin dabagalkaagii wax natiijo ah ma keenin" ayuu ugu niyad qabojiyay Saaxiibkiis. Si kastaba. Dr. Evanovitish ayaa ka codsaday Saaxibkiis inuu si furan ula sheekeysan doono, laakiin  inuu  u dhaarto si uusan u fashilin waxa uu u  sheegi doono.

 

Taas waa uu ka aqbalay Askariga Duqoobay, wuxuuna Diktoorkii dib ugu soo noqday maalin kale iyagoo bilaabay  halkaas inay  si furan isugu sheegaan  wax walba.

 

Ugu horeyntii Ra'iisal Wasaarihii ayaa qirtay in uu Camiil u ahaa CIA-da Mareykanka sanadihii lasoo dhaafay oo dhan!?. In ta markay afkiisa kasoo baxday ayuu Qaylo dheer  laso Booday Mr.Betroviski Madaxii  KGB-da.  Isla markiiba dhinacii uu fadhiyay Saaxiibkiis ayuu  usoo jeestay, isagoo wajigiisa ay ka muuqato Layaab, iyo Dhakafaar  "Macquul maaha!!!"ayuu  ku yiri, waxaad shegayso Camiiloow!. "Ninyahoow Waxaa  tahay Saaxiib Hore, oo waa runtaa inaad iga shakisay? Ood idabagali jiray? Laakiin Maxaa Sababay? Ayaan ku weydiinayaa!? Su'aasha kale sideed iigu ogolaatay inaan qabto jagooyin intaas le'eg oo heerkaas gaarsiisan ilaa aan ka gaaro Ra'iisal Wasaare!? Hadaadan sida aad sheegayso aadan igu kalsoonaan  jirin@@ " ayuu is daba dhigay odaygii Ra'iisal Wasaaraha ahaa  isagoo waydiinaya Saaxiibkiis.

 

Mr.Betroviski  Waxa uu ilka cadeeyay si  is-yasid ay ku jirtomarkasu Wuxuuna yiri  "waa sax Saaxiib inaan kaa  shakinay oonan ku aaminin, sheekaduna waxay bilaabaty maalin adigoo daawanaya Masraxii "Polilshi" ayaa waxaa noo yimid macluumaad sheegaya in nin ajnabi ah uu ku agfadhiyay, xiligaas waxaad ku jirtay da'dii Shabaabka oo waxay ahayd waqti hore. Sidaa darteed ayaan maalintaas bilawnay inaan  tirino Neefsasahdaada oo aan daba-gal  ku  samayno dhaqdhaqaaqaaga!, kaaga darane waxaan meel walba  ood tagto ama degen tahay ku rakibnay Qalabka laysku Dhagaysto! Bal saaxiib malee  xitaa  Naagtaadii Marxuumada ahayd ee "Falaria" anaga ayay noo shaqeynaysay! Waxayna noo soo qori jirtay Warbixino Sir ah maalin walba, saas darteed ayaan ku kalsoonayn Ikhlaaska aad u qabtay Dowlada!!!!!???? Ogowse hadii aan heli lahayn macluumaad kaas ka duwan walee Saaxiib  marnaba kuuma  naxariisaneen!!??" ayuu Mr.Betroviski madaxii wakaaladii Sirdoonka Midogii Soofiyeeti ee KGB-da uga jawaabay Su;aalihii uu weydiiyay Saaxiibkiis.

 

Laakiin wuxuu isaguna weydiiyay saaxiibkiis sida uu ula xiriiri jiray CIA-da. Hadii ayba jirto Camiilka uu u ahaa CIA-da.

 

Ka dib markii uu Dhaariyay mar labaad  inuusan  sheegin waligii arintaas, ayuu Diktoorkii Ra'iisul Wasaaraha ahaa ku bilaabay Sheekadiisii :-  " uma baahneyn  inaan la xiiiro, oo h al mar  kaliya ayaan la xiriiray CIA-da,  marka aad sheegayso ee Masraxa ayaa n qaabilay Mr. Rogers oo ahaa CID-da  ninkii ay iiso dirtay, markaas wuu ogaa inaan  lacagta  aad u jeclahay oo wuxuu iigu dhex dhiibay Tiyaatarka Dhexdiisa Boorso Buuxda oo Rubee  wada ah , waxay  iga dalbadeen  hal dalab oo kaliya oo waxay I yiraahdeen (Markasta oo uu banaanaado Boos ama Jago  ay hayeen Madax Mutacalimiin ah,  kaliya booskiisa u magacaw kan  aan Aqoonta lahayn ama aan waxba ogeyn!?. Dhabtiina waan  sameeyay oo waxaan magacaabay dad aan u qalmin oo wax ay yaqaanaan uusan  jirin kaliya shahwaaniyiin ah oo naagaha daba orda hangoolna la daba istaaga kuwa wax yaqaana oo ay arkaan inay wax dheer yihiin!? . halkaas ayaa iyagu  hadafkoodii ugu hirgalay Saaxiib iyadoon  loo baahnayn Xiriir kale oo adiga sabab aad  iiga taqalusto ku siiya!!!)".

 

Markii uu Diktoorkii u qirtay saaxiibkiis Mr.Betroviski  madaxii wakaaladii Sirdoonka Midogii Soofiyeeti ee KGB-da inuu dhab ahaantii ahaa Camiil CIA-ah ayuu  wuxu ku qayliyay  cod dheer oo xanuun badan! "say ku dhici kartaa waxaas oo dhan, iyadoo aan  hayay boqolaalo cajalado iyo Warbixino isugu jira oo adiga kugu saabsan qolna buuxin kara! "  " Waryaa ayuu yiri odaygii waxaanu tirakoobaynay soo socod  iyo sii socodkaaga kooxdii aan  kuu xilsaarnayna maysan Yareysanayn Howsha aan u dirnay oo waxay ahaayeen kuwa noogu daacad sanaa, maadaama aad  si deg deg ah u kortay jaranjaradii xukunka oo ay kugu qaadatay inaad  noqoto Ra'iisal Wasaar e   mudo 30 Sano ah!.

 

"Mar walbana waxay noo soo sugayeen daacad nimadaada!!!!!!!!!!!!!!! Beenlowyahoow aan ku weydiiyo sideed  u heli jirtay dhabarjabintooda?! " ayuu dib u wedyiiyay odaygii, laakiin si degen oo dilaa ah ayuu uga jawaabay oo yiri "maalintaas ayaan is aragnay wuxuuna ogaa inaan mustaqbal  ku  leeyahay Dowlada oo  aqaan o rag muhiim ah oo dowlada ka mid ah, kaliyana wuxuu iigula dardaarmay inaan burburiyo, Eryo, shaqada ka saaro qof walba oon ku arko calaamdaha inuu jecel yahay dalkaan si  ikhlaas iyo daacadnimo ay ku jirto.  hadaan awoodi waayo inaan  eryo inaan ciriiri ku geliyo howshiisa yacnii sahqadisa inuusan si wanagsan u gudan.,  Kadibna aan kor usoo qaado qof walba oo Munaafaq ah, Bililiqo iyo Naag Raadin Badan!, Ka badbadiye ah, Tuugna ah, sidoo kale inaan u gargaaro oo aan dalacsiiyo qofwalba oo Munaafaq bililiqo raadis ah  oon waxba aqoon, aqoonta uu  ku doodayana  ay ka timid wahmi been ah oo waadaadiyay ah!!??  Sidoo kale aan  Eryo Qof walba oo Amiin ah oo Qibrad iyo Cilmi u leh Shaqadiisa.  Kuwa igu heegaarsana ay noqdaan kuwaas oo inay wax  fahmaan aan lagu soo Karin!!??" ayuu uga nixiyay odaygii KGB-da ahaa isagoo intaa kusii daray hadal kale oo uu wadnuhu  la istaagi gaaray asagoo yiri "Laakiin Marxuumadaydii Faleria anaga ayay nala sahqeysnaysay, ee adiga kulama sahqeynayn! Taa  iskaba daaye waxayba  noo soo shaqaaleysay Naagtaadii Marxuumadii Kaarla, sidaa darteed anaga ayaa waxaan ahayn  kuwii ku tira koobi jiray oo ku daba gali jiray dhaqdhaqaaqaaga iyo Xiriikaaga  ee maya adiga! Saaxiibkeeygii Casiiska ahaayoow!!!!!!".

 

Kaan istaahilin marka wax laga dhigo kii istaahilayna laga xaaraan tinimeeyo , oo la doorto mid aan awoodin kii awoodeyna laga tago!? Waxaa si weyn u baahda Rajoxumo iyo Caro weyn oo uu sababo kan Qabqableynaya een waxba garanayn markaasaa waxaa uu kor u qaadaa oo uu saacidaa oo abuuraa Jawigii ugu wanaagsanaa ee lagu gaari lahaa Natiijoyinkii ugu Xumaa

 

 

Saadaat Maxamed Yuususf Geesh

drgeesh@hotmail.com

 



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com