Allgedo News,
September 27, 2008
|
Kismaayo: Usuuliga iyo Qabiiligu
waa isma dhaantiyo dhasheed!
Barnaamijkiii
ugu danbeeyay ee Daltabyo, ayaa
waxaa uu sheegay Wakiilka
Al-Shabab ee Gobolka Gedo sida
uu isu magacaabay, wax aan
caqliga iyo mandiqa gali karin
kana soo horjeeda. Yacni waxa
Korneyl Warfaa abaanduulaha
Ciidamadii laga itaal roonaday
Kismaayo kasoo Bixiyay magaalada
Kismaayo "ILaahay"
Subxaana laah!!.
Usuuligaas mayalka adagi marnaba
lagama yaabo inay waaqiciyan
noolaadan ama u jiraan dagaal
la'aan! maxaa yeelay
balaayo la'aan hadaysan noolaan
waxaa dhacaya in ay iyagii is
arkaan foolxumadooda? Si ay u
ilaaliyaan midnimadooda iyo wada
jirkooda waxaa ay kuhaanada u
fakiraahi ama siyaasiyiintoodu
ay meel mar hore dhigteen inay
dagaal la galaan cid walba oo
isku dayda inay jadiidiso
afkaartooda, ama naqdisa ama
isku daya inuu mideeyo
Aydiyoolajiyadaha kala duwan ee
ay la kala bood-boodayaan.
Tusaale:
Salafiyiinta,
Siraadul-Mustaqiimta, Takfiiriga,
intaas kor aan kusoo sheegnay
marnaba ma arki karaan Kooxaha
kale sida Islaaxiyiinta,
Ikhwaanka iyo Suufiga aan
Bunaysan, kan bunaysta waa
laga wada siman yahay??....
Marka si aysan u lumin
faa'iidooyinka iyo maslaxadooda
aysan miisaanka
kalmadooda u lumin ayay
caqligaas diiday ku bilaabaan
dagaal xun oo gaara ilaa
Tasfiya Jasadiyah ama
Takfiirin, maxaa yeelay
dagaal iyo yabaq aan dhamaan oon
hadana caqliga caadi uusan fahmi
karin sida (Ilaahay Baa Warfaa
Kismaayo kasoo saaray??!! hade
Warfaagii xaguu taagan yahay oo
waa iska aamusay??!!!!) muxuu
yiraahdaa??!!.
Arintaas Qabiiliga Siyaasiga ah
ama Milatariga ah iyo Usuuliga
Mayalka adag waa ka wada Siman
yihiin?? Tusaale Gen: Caydiid,
isla dariiqadaas ayuu isticmaali
jiray si uu u ilaaliyo
Mooryaanta Midnimadeeda!!??.
In dagaal lagu qaado Cadawga
ayaa sido kale ah Mid ay ka wada
Siman Yihiin Usuuliga iyo
Qabiiliga saa xal kale ma
hayaane si ay isaga ilaaliyaan
Burbur, inkastoo ay labadaba soo
bandhigaan shicaaro Nabadgelyo
Hunuhunaa wada ah ayaa Cinfiga (Violence)
wuxuu si Jowhari ah ugu jiraa
dhismahooda Nidaameed.
Sidaa darteed ayaa dhinaca
mowduuciga ah ee ka madax banaan
labadaba uu ku qasbaa inay
qaataan qaraar nabadgelyo, oo
laakiin u muuqda mid laysku
qoslayo? oo Taktiiki ah oo
marnaba meesha ka saareyn inuu
Dagaal Dhici doono, sababo ugu
muuqda Qabiiliga iyo Usuuliga
Mayalka adag intaba in dagaalku
uu yahay xal?? oo waxay is
leeyihiin dadku waa dadkii,
dalkuna waa dalkii??!!.
Usuuligu sidiisaba waxaan is iri
markuu hadlayo Gar ahan kuwanaga,
waxaad is leedahay waxbaa si ka
ah??!! saa maba yaqaano waxa la
yiraahdo Siyaasad waxay tahay,
wuxu u haystaa inay tahay sidii
Qabqablayaashii oo kale in
hantida ummada la bililiqaysto?
saa waxay ka faa'iideysanayaan
dadka soomalida ah ee tirada
badan ee Xorta ah ee Diidan
Faragalinta Shieeye Nooc kasta
ha ahaatee, macno kastaba ha
yeelatee??!!
Siyaasadu waxa weeye iyado
kooban "TARTAN LOOGU JIRO ILAHA
DHAQAALE EE MUJTAMCA' tusaale
markaad leedahay iskoolaan dhisi,
isbitaalaan dhisi, wadooyin baan
jeexi, hadee hantida aad waxaas
ku samaynayso waa hantiidi
mujtamaca ee adiga ma lihid??
marka in Usuuligu uu mabda'
kasta oo siyaasada quseeya uu
halkaas ka galo weeye ma aha
inuu inta meel rag ku laayo, uu
hadana na yiraahdo "Ilaahay baa
idinka saaray" yacnee macnaheedu
waxaa weeye anigaa wakiil u ah
ilaahay??????????????!!!!!!!!!!!!!
taas waa waxaan la aqbali karin
ha isdhihinina Saxaafadu adinkay
idinla jirtaa??!! saxaafadu
cidna lama jirto, walaa idinka
walaa Qabiiliga Siyaasiga ah saa
labadiinaba meel badan ayaa
isaga mid yihiin Tusale kale:-
Qabiiligu waxaa uu mudo 18 sano
ah ummad nool oo xayi ah uu ku
haystay Wax aan aduunka ka jirin
luqad aan caalamka laga fahmin
iyo Biliqliqo, maxaa yeelay
Dowlada waxa uu u arkaa
Qabiiligu "Bililiqo"
Usuuliga Mayalka adagi qabiiliga
waa ka xoog badan yahay saa
wuxuu uaqrinayaa waa Diintii
muqadaska ahayd iy Siiradaii
Nabiga CSW inkastoo qabiiligu u
raaco usuuliga siyaabo ku
salaysan kula dirir qabiilka
dowlada haysta si bililiqadii
ilaahay u hesho??!! ayaa hadana
Usuuligu uu shaqsi ahaan yahay
mid ka mid ah Qabiilkii, hadana
aaminsan inu yahay Fardi ka
xoreebay Casri Jaahiligii
Qabiiliga??!! labadaba
Maadiga (Pastr) ayay
siyaasadeeyaan, dibna ugu soo
rogaan Mujtamaca oo waxay
diidaan wax walba oo xiriir la
leh Xaadir (Present) iyo
Mustaqbalka (Future)
midda uu Usuuligaasu ku Dhaamo
Qabiiliga waxa weeye shaki kuma
dhex jiro Usuuliyiinta kala
duwan?? ee kala qabiilka ah,
laakiin Qabiiligu sadexda bah ee
Hooyadii lala qabo ilamahoodii (Walaalihii)
waa inuu iska jiraa????? ka
shakiyaa????!!! ka feejignaadaa?
Waa Socotaa..................
Sadat Mohammed
Geesh
drgeesh@gmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|