Allgedo News, January
6, 2008
|
|
FAALO: KENYA
MA NOQON DOONTAA
RUWANDADII
2-AAD EE AFRIKADA BARI?
By
Axmed Sadiiq
DHACDOOYIN NAXDIN LEH OO KU
AADAN MUSTAQBALKA KENYA!
(Qariidad ay ka dhexmuuqato
kenya) |
|
|
 |
|
Kenya (Taariikh kooban)
Dulka Kenya waxaa uu la egyahay
masaafadiisa (580,367 km).
Kenya waxay ku taalaa bariga
afrika waxaa daris la ah ugandha
dhanka waqooyi galbeedka
tanzaaniya, koonfurta iyo koofur
galbeed waxaa ka xiga sudan
dhanka bari waxaa ka xiga Somali
iyo badweynta India.
Qarnigii 8aad ee miilaadiga
waxaa soo degan ganacsato carab
ah xeebaha bari ee Kenya
madoonayo in aan sii galo
taariikhihii iyo carabtii timid
xeebaha bari ee Kenya iyo waliba
islaamka Kenya waqtiga uu soo
galay waayo waa war aad u dheer
oo aan lagu soo koobi Karin
halkan laakiin si kooban u ogoow
islaamka Kenya waxaa loo celiyaa
in uu soo galay 12-23 hijrada oo
ku aadan 636-646 oo ku aadanayd
waqtigii Cumar R.C hadalkalaa
jira dhahaya waqtigii
umuwiyiinta C/malik min marwan
65-86 ku aadan 684-705 si walba
ha,ahaatee bariga afrika waxaa
waa ka jiri jiray imaara islami
inkastoo la'isku qilaafsanyahay
taariikhda islaamka soo galay
Kenya sida la,iskugu khilaafsan
yahay tirade dadka muslinka ah
tira koobkii waayadii
isticmaarka waxaa uu sheegayaa
dadka muslimiinta Kenya in ay
yihiin 10% halka dadka
muslimiinta Kenya naftooda ay
isku khilaafsanyihiin Shariif
Naasir waxaa uu ahaa wasiir
xukuumadii hore ee kanu waxuuna
mas,uul ooga ahaa mombasa waxuu
qabaa in muslimiinta Kenya ay
yihiin 30% ninka layiraahdo DR.
Xasan Mwakimaku oo ka dhiga
Jaamacada Kenya waxaa uu
leeyahay Muslimiinta Kenya waa
35% si walba ha ahaatee,
qarnigii 16-aad waxaa dalka
degay Purtaqiiska kadib
shirkadii afrikada bari ee ay
lahaayeen Ingiriiska waxaa ay
kireesatay dhul yar 1887
miilaadiyada ayadoo markaas
sheegatay in ay caq u leedahay
1888 waxaa heshiin dhulka lagu
qaybsanayo saxiixday Jarmalka
iyo Ingriiska, sidaas ayaa
bariga afrika lagu qabsaday
ingriiska ayaa la siiyay Kenya
iyo inta badan dhulka Soomaalida
degi jirtay. Meeshan waxaa
ku jira taariikh aad u dheer oo
aan la soo koobi Karin.
Kenya waxay xornimada qaadatay
dhib kadib sida afrika ka
jirtayba waagaas 1383 hijriga oo
ku aadanayd 1963 miilaadiga,
sanadkaas sanadka xigana waxaa
ay noqotay Jamhuuriya.
Tirada dadka
Kenya:
Tirada dadka Kenya ee sanadkii
2007 waxaa lagu sheegaa 33
malyuun. Dadka Kenya daga waxaa
lagu tilmaamaa qaarada afrika
marka laga hadlayo dad la'isku
keen keenay, waxayna u
qaybsamaan
afrikan, carab, asian iyo
yurubian,
waxaana Kenya dega dhanka
qabiilka ilaa 42 qabiil.
Tirada qabaa'isha
iyo diimahooda:
Sidaan horay ku sheegay Kenya
waxaa dega 42 qabiil, waxaan
halkan ku sheegayaa kuwa ugu waa
weyn:-
Kikuyu 22% - Waxaa ka dhashay
Kibaaki Luhya 14% waxaa dhashay
Oding Luo, 13% Kalanjin, 12%
Kamba, 11% Kisii, 6% Meru, 6%
Afrika inteeda kale, 15% Asian,
yurubta carabta 1%.
Xaga diimaha waxaa ay kala
yihiin sida tan: 35% Protestant,
20% Katoliik, 40% Muslimiin, 1%
Hunuud, inta soo hartayna waa
diima kale laakiin tira kooban
tira koob ka duwan oo waxaa
lasameeyay waagii gumeestaha ka
baxayay wadanka sheegayana sida
tan laakiin, gumaystaha waxaa uu
ka lahaa ujeedo 45% Protestan,
33% Katolik, 10% dad aan diin
lahayn, 10% Muslimiinta, 2% inta
kale. Si walba ha ahaatee,
waxaa cad in wadanka maalintii
uu xuriayada qaatay ilaa hada uu
xukumayay halqabiil oo kaliya,
taasoo dhalisay dhacdada taagan
hada ama hormar la'aanta wadanka
Kenya amaba waxa loo yaqaano
domuquradiyada seefaha lagu
kobcinayo.
Goboladda Kenya:
Kenya sida lawada
ogsoonyahay waa 8, gobol (ama
mandiqo) waxaa cadeenaya
jadwalkan hoose.
Gobolada Dhexe:
Magaala madaxda nyeri
masaaxadeeda 13,236 km 2
Tirade dadka 2007 4,145,000
Inta laga deganyahay 313/km 2
Gobolka Xeebta:
Magaala madaxda mombasa
masaaxadeeda 84,113/km 2
Tirade dadka 2007 3,035,000
Inta laga deganyahay 36/m 2
Gobolada Bariga
(Eastern Province)
Magaala madaxda EMBU
masaaxadeeda 154,354/KM 2
Tirade dadka 2007 5,277,000
Inta laga deganyahay 34/M 2
Gobolka Nairobia
Magaala madaxda NAIROBIA
masaaxadeeda 684/KM 2
Tirade dadka (1999) 2143254
Inta laga deganyahay 3133.4/M 2
Gobolka Waqooyi
Bari (Northern Province East)
Magaala madaxda GARISA
masaaxadeeda 126,186/KM 2
Tirade dadka 2007 1,762,370
Inta laga deganyahay 14/M 2
Gobolka Nyanza (Nyanza
Province)
Magaala madaxda KISUMU
masaaxadeeda 12,507/KM 2
Tirade dadka 2007 5,050,000
Inta laga deganyahay 404/KM 2
Gobolka Fifti
Vally (ama Toggii qandhada
badnaa)
Magaala madaxda NAKURU
masaaxadeeda 182,413 KM 2
Tirade dadka 2007 8,786,000
Inta laga deganyahay 48/ M 2
Gobolka Galbeed
Magaala madaxda KAKAMEGA
masaaxadeeda 8,285 M 2
Tirade dadka 2007 4,023,000
Inta laga deganyahay 486/KM 2
Xasuuqii Bariga
Africa ee kowaad
(RUWNDA)
Ujeedadu
maaha ruwanda laakiin waxaan ka
soo qaadanayaa wax yaalaha la
isdhihi karo waa ay iskaga mid
yihiin Kenya iyo ruwanda
maalinta ay xornimada qaateen
waa isla sanadkii ruwanda
qaadatay xornimda qaabka
qabaa,ilka waxa ay iskaga mid
yihiin Kenya waxaa dadka ku weyn
qabiilka waxaana wadanka ugu
weyn laba qabiil Kukuya 22% iyo
Luhya oo ah 14%, halka Ruwanda 80% ay
yihiin Hutu, qabiilka Tutsigana 20%,
xaga
diimaha waa ay isku dhaw yiihiin
oo
waxaa labada wadanba ku xoogan
madhabta Protestant iyo
Katoliga waa sida waraka qaar
sheegayaan, sidoo kalena qaabka dagaalka ayaa isu yara
dhow.
April
6,1994 waxaa la duqeeyay
diyaardii siday madaxweynaha
Ruwanda, waxaana meeshaas ku
dhintay dadkii saarnaa oo dhan
24 saac kaddib, kaddibna waxaa bilaabatay
xasuusuuqii loo gaystay qabiilka
Tutsiga, waxaa la gowracay 100
maalin gudohooda 8000 kun oo
Ruwaanda ah, halka hada
dalka Kenya 24 saac in ka yar
natiijada doorashada ay
bilaabatay in la gawraco dadka,
qaab qabiil ahaan.
Waxaa kaloo la dhihi karaa oo ay
iskaga mid yihiin dadka lagu
gubayo meel walba oo ay galaan
siiba meelaha dadka Kiristaanka
ah ay
wax ku caabudaan, siiba Kaniisadaha sida 50-kii qof ee lagu
gubay Eldoret. Waxaa hada muuqata
in loo heshiiyay qabiilka
Kukuyada
oo badanaa qaabaa'ilada dega
Kenya ugu weyn. Hadii
xataa aan loo heshiin waa lawada
nacayaa hada asbaabo la xariira
xukun isku kali yeelka awgood.
Dhanka kale, waxaa
muuqata in Kenya ay hada ku sii
socoto wadadii Ruwanda amaba ay
kasii xumaato, waa hadii ciidanka
Kenya dagaalka soo galo ama uu u
dhaqmo qaab qabaa'il, wax walbana
waa macquul amaba waa ay dhici
karaan oo waa loo fadhiyaa, waa
hadii uusan shaqayn caqliga ama
wax garadnimo laga bad baadinayo
dawlada Kenya in ay ku soo
biirto Soomaliya ama Geeska Afrika, taasoo lagu tilmaami karo
musiibo ka dhacdo Bariga Afrika
oo dhan amaba Geeska Afrika.
Waxaa ayadana macquul noqon
karta in ay dagaalada saameeyaan
Ugandha hadii Kenya saan ay ku
bur burto. Waxaa kale oo la fili karaa
Ethopiana in ay ku xigsato, marka
waxaa soo baxaya Geeska Afrika
dhul aan lahayn xukuumado oo
dadka qaar ay u dhaqmaan qaab
qabiil oo loo noqdo waqtigii
aduunyada soo bilaabnaysay.
SOOMAALIDDA DEGAN KENYA IYO
DIRIRTA SAAMEENTEEDA.
1994 waxaa jiray dalka Ruwanda
dad deganaa oo ahaa muslimiin oo
lagu sheegi jiray 4.6% dadkaas
aadka u yar marka loo eego dadka
kale waxaa ay la soo baxayn
karti lala yaabay oo taariikda
qortay waayo dadkii la
xasuuqayay markii ay ku bad
baadi waayeen kaniisooyinka
waxaa ay u carareyn meel muslim
joogo ama masjid ama xataa qof
muslim gurigiis dad badan bey
bad baadiyeen muslimiinta, taasi
waxay keentay in dad badan ay
diinta ilaahay soo galaan hada
waxaan ka wadaa midaas ayada ah
in soomaalida gaar ahaan ama
guud ahaan dadka muslimka ah
ayku daydaan oo aysan ka qayb
galin dagaalka waayo waxaaba
suura gal hadii qof muslim ka
qayb galo dagaalada in loo
badalo dagaalka nooca uu hada
yahay mooyee nooc kale hadii ay
sameen karaan sida ay sameeyeen
dadkii deganaa ruwanda ee
muslimiinta ahaa waa ahlan
wasahlan hadii kale waa in ay
ayagu faraha kala baxaan waxaaba
suura gal ah dawladaha waa weyn
sida mareekanka in uu soo fara
galiyo maadaama dawladu tahay
dawlad meesha lagu ilaalsanayo
waa waarid warkaas
Mida kale dagaalka waxaa laga
yaabaa oo waarid in uu isku
badalo qaab hubaysan oo uu
kabaxo qaabka seefaha waa in
markaas dadka soomalida aysan
dadka hubka u kala gadid ama
aysan iskugu dhiibin.
SOOMAALIDA QAXOOTIGA AH
Hadii aan nahay soomaali waxaan
ku soo jirnay fawda inkabadan
16sano ayadoo laga yaabo dadka
qaar ay ku dhasheen dhibkaas
aysan ka naxayn dad kale waxaan
leeyahay adinkoo ka faa
ii,daysanaya khibrada dagaaladii
soomaaliya waa in aad is
aruurisaan waayo dadka wax
qiyaasa waxa ay leeyihiin 70%
hantida soomaliya waxaa ay
taalaa Kenya marka waa in aad
qiimaysaan xaaladda oo aanan la
sugin inta dadka reer galbeedka
ay dadkooda kala baxayaan dalka
oo si daxadar ah aad u
feejoknaantaan oo aad ku
xisaabtantaan xaalada.
Waxay ila tahay hada xaalada
taagan waa tii Ruwanda hadii
aysan kadarnaan doonin waa hadii
aysan dhicin wax mucjisa ah ama
culays dhanka reer galbeedka ah.
GABAGABO
Dadku waa kala fikrad duwanaan
karaan aniga waxaan qabaa dadka
ugu badan ee dhib ka soo gaaro
dagaal marka laga reebo dadka
wadanka u dhashay waa soomali
danna umaba ahan saacadan la
joogo in ay Kenya ku soo biirto
soomaaliya marka waa in laga
shaqeeyaa dhibkaas joojindeeda
waa qofkiiba samayn kara.
Waa qoray: Axmed Sadiiq
Qaahira- Masar
e-mail:
sadiiq120@hotmail.com
Xigasho:
Dhamaan
baaritaankan waxaa ii suura
galiyay bogaga internetka siiba
mawsuucada wikkip
kuwaasoo
waliba iga caawiyay xaga
baarida Google-ka. Sidoo
kale waxaan adeegsaday
makaatibta ku dhex jirta
Internet-ka.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|