Allgedo News,
April 4, 2009
|
Islaamiyiinta
Kuwoodee Qaldan?
Mararka qaar ayaa waxaa isaga
dhex qasma dadka aratida
wanaagsan iyo tan xun. Markaas
ayaa waxay taasi adkeysaa in la
xadido halka la marayo? Oo laga
qiyaas qaato dhacdooyinka iyo
niyada ka danbeysa, laakiin sida
hadda muuqata oo soo bidhaantay
waxaa cad inay jirto dheelitir
xumo isu soo bandhigtay si
iskeed ah, qaas ahaan afkaarta
saaxada taala ee sababta u ah
is-xirida albaabo badan.
kuli waxay ku socdaan sidii
loogu tala galay ee lamalayay,
si kataba ha
ahaatee waxyar bay dib uga
dhaceen in ay soo suuq-geystaan
bucshiradooda raagtay! "iska
horimaad". taas waxaa sabab u ah
sida cad waa Tasaamuxa
Shareecada Islaamiga ahi ay
leedahay, saa dhaqan maahane!.
hadii taas lawada fahansan yahay,
tan soo socota qaas ahaan
dharabaaxooyinka soo fool leh
waxaa cad oo laga yaabaa inay
awoodaan inay ka dhigaan oo u
weeciyaan "dharbaaxooyin aan
dhabarka jabinayn-laakiin siiba
xoojinaya".
dalka mustaqbalkiisu wuu adag
yahay, saa nooca iyo wanaagiisa
wuxuu ku xiran yahay nooca
cilmiga, qibrada iyo aragtida
ragaan lookala qaybiyay labada
kooxood ee loo kala bixiyay "Qun-yar-Socod
iyo Xowli-Socod
(Usuuli-Mayal-adag)" jihadaas
ayay soomaaliya dadkeedu u
wadaan!. bal
woxogaa yar fikir, isweydii
xageen taaganahay? talaabada
xigtase maxay
tahay?.
Dabiici waxaa ah marka ay
kulmaan shacab dandareysan,
Siyaasi fursdad Raadis ah (Intihaazi),
Qabiili Bililiqo Doon ah (Qabqable),
iyo Cimaamadley Qunyar iyo Xowli
Socod ah!. hadana aysan kuligood
lahayn Barnaamij Wadani ah oo
lawada Aqbalo dhan walba
Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan,
Bulsho ahaan, ayaa markaas oo
kale waxaa la fili karaa in
shacabka dandareysani ay la
fiicnaadaan mashaaricda kale ee
yar-yarka ah oo markaas ka dhiga
dalkoo dhan meel ciriiri ah,
iyadoo ay jirtay Isbadal Raadin
Guul-daro iyo Guulba ku dhamatay
oo ay shacabkaasu Qiimo Qaali ah
ku Bixiyeen, kooxahaasna waxay
ugu baratamaan sidii ay yeerisyo
iyo halkudhagyo been ah ula soo
bixi lahaayeen iyagoo inkira
caqaaqib xumada ay keeni karto
beri iyo beri danbe!
Kooxahaas waxay mid walba
raadinaysaa Taageerayaal indho
iyo dhago aan midna lahayn oo u
nacamleeya oo kaliya, si ay
sahrciyad uga helaan! maqaalkaan
waxaan kusoo koobayaa kuna
jaangoynayaa saaxada soomaaliya
ee ay hadda isku haystaan
Islaamiyiinta Qaladaadka ka
buuxa ee beri keeni kara hadaan
laga digtoonaan bur-bur hor leh!.
horta ma jiro Qof Xaqiiqada
mulkiyay, hantay, laakiin waxaa
jira xaqiiqooyin kala firirsan
oo dad badan ay kala ogyihiin,
sidaa darteed inta aan anigu
ogahay waxaa ka mid ah:-
*Kow * Aragtidii lenin ee
lawareegida Mucaaradku ay la
wareegaan Nidaam waxay ku
dhisnayd "in Nidaamka laga
haabto dhexda!? yacni lala
wareego intuusan dhulka ku
dhicin oo uusan baqtiyin, maxaa
yeelay haduu dhaco oo uu baqtiyo
waxaa la baqtinaya Mujtamicii!.
laakiin hadii laga haabto inta u
dhaxeysa Dhererkiisii uu taagnaa
iyo Dhulka waxaa macquul
noqonaysa in waxyaabo badan la
badbaadiyo. tani sheeko iyo
sharaxaad uma baahna oo waanu
wada ognahay tii 1991-kii,
kooxaha socodka kala duwan lehi
mid baa halkaas ku saxsan!
*Labo:* Shareecada iyo
Sharciga Islaamiga ah waxaa soo
bandhigi kara cidii wadata
mashruuc Islaami ah oo dhameys
tiran, xiligaan lagu jirana waa
waqti hore in laga hadlo
mashruuc Islaami ah oo Kaamil a,
inta ka horeysa waxaa jira
Mashruuc kastana uu leeyahay
Inta aan la gaarin hadafka kama
danbeysta ah, Ahdaaf kale oo
Furuuc ah, sidaa darteed waa in
la fushadaa ahdaaf Marxaliga ah
ee Yar yar inta aan la gaarina
waxay taagan tahay sidee laysu
badbaadin lahaa Dowladna loo
heli lahaa, Muwaafaqa looga
hortago Taxadiyada Taagana loo
raadin lahaa, halkaan isla
kooxdii hore ayaa wadata!
*Sadex * Islaamku ma
qirin marnaba Nooca iyo Qaabka
Xukunka, laakiin
Khilaafadii waxay ahayd Tajribad
taariikhi ah oo soo martay
Ummada Islaamka halkaana ku
dhamaatay. sidaa darteed maba
jirto qof awooda inuu kusoo
farad yeelo Ummada Xukun Gaar
ah. si kastaba Islaamu wuxuu
leeyahay Qiyamkii Xukunka sida
Shuurada ama Koongareeska ama
Baarlamaanka oo kale. marka
Siyaasigu ha haado Islaami ama
Calmaani ama Qowmi waxaa uu ugu
horeyn leeyahay Buug ay ugu
taalo Muhimadaha iyo kuwooda ugu
muhiimsan iyo Taxadiga hor yaala
noocuu yahay? bes markaas ayaa
la ogaanayaa in Khilaada ay
noqonayso Qodobka Shan-Boqolaad
oo kale oo ay ka horeeyaan kuwa
kale oo ka muhiimsan sida: Dibu
Dhis, Qaxootiga Soo celin, is
habayn IWM tan koox walba
ha ogaato!.
*Afar * haday jirto
aragti islaami ah oo loo rabo
inay Xal u noqoto
Mushkilada Haysata Ummada
Soomaaliyeed waa lawada ogyahay
in Siyaasadu aysan ahayn Sixir,
ama Wax mugdi uu ku jir, si
kastaba hada kaba soo qaad
aragti ayaa jirta....waa inay
taas ku dhisnaataa Ra'yi caamka
Mujtamaca , Xoriyada Guud, Rayi'
iyo Rayi'ga kale, Doorashooyin
Naziih ah, markaas haday dadki
doortaan waa ay istaahilaan inay
Xukumaan? markaas haday
guuleystaan marjiciyadu waxay
noqonaysaa Shariciga mise waxay
noqonaysaa Shaarica? taas wax
qilaaf ah kama taagna dhamaan
amdhabooyinka oo dhan sida la
yiraahdo Diintu waa "Mucaamilooyin
iyo Cibaadaad" Asalka
cibaadooyinkuna waa Raacitaan,
halkaan dood kama furna inaad
tusaale: Tukanayso Shan
Rakcadood ama aad Soomayso Bisha
Janaayo, maxaa yeelay asalka ay
tahay markay timaado
Cibaadooyinka waa inaad Raacdaa
oo u gudataa sida ay tahay.
hadaan nimaadno dhankii
Macaamaltanka; tani waa Ibdaac
"Creative" waa juhdi la sameeyo
oo
shaqsi kasta uu sameyn karo,
taasna iyadana qilaaf kama
taagna, saa qaab
gooni ah ma leh maadaama ay
mucaamalaad yihiin. haday taas
timaado in laysku farad yeelo
Nidaam goonni ah oo Dhaqan hadee
diintu dhaqan maaha oo waxay ku
kala duwan yihiin Dhaqanku waxba
ma cafiyo laakiin Diintu waxbay
Cafisaa!.
*Shan:* Shareecada Diinta
Islaamku waa Quwad Mideysa
Ummada oo dhan oo uusan qilaaf
ka tagneyn Mabaa'diideeda. si
kastaba ha u kala madhab
duwanaadeene Tafsiiraadka
Mucaamaltanada. haday marka
noqoto mid ku kala duwan gudaha
dadkii Caamda ahaa ee ay so
dhaafto Fuqahadii iyo Culimadii
Cilmiga u lahaa waxay taasi
noqonaysaa Waaqica kala irdhaysa
Ummadii midnimadeedii waxay u
hogaamisaa isdil iyo is gaaleyn,
iska taqalusid Cinfi (Violent)
uu ku jiro, hadii nooc ka mid ah
uu la wareego meel ama uu
maamulka qabto, noocaan oo
mucaamaltan gooni ah oo adag
wata waxaa bilaabanaya iska hor
imaad uusan sababin Siraac
Ilihii Dhaqaalaha ah ee uu
sababay Siraac Madhabeed ama
Tafsiir Gooni ah! Is-Cunid ka
timid Qiyamkii Diiniga ahaa ee
Mujtamaca ayaa wuxuu noqonayaa
meel qilaaf uu ka taagan yahay.
halkaas waxaa ka dhalanaya
kooxo kale oo Hubaysan oo wata
magicii Islaamiga ahaa ee lawada
qaatay
laakiin wata Asbaab dhab ah oo
ku salaysan inay Isaga
Caabinayaan Kooxdaan ku farad
yeelaysa Mucaamaltan Qaas ah oo
iska xoreynaysa sida hadda
Ciraaq ka taagan. una soo socota
Afgaanstaan iyo Anagaba!
*Lix:* Dowlad waxaa la
yiraahdaa wax loogu qidmeeyo
Kujtamaca Xaajaadkiisa iyo
Maslaxadiisa, Caqiidadii
Mujtamacuna waa mida lagu
dhisayo qaabka ay dowladaasi ugu
Qidmeyn lahayd mujtamaca. si
kale, Dowlad waa wax caqliga
qaawani uu sharixi karo- oo waa
mid bulsho oo ku jaango'an
Baahida Bulshada ee Agabeed iyo
Macnawiga ah kaliye..........?
*Todoba:* Culumada Diinta
Sida wanaagsan u bartay lagama
yaabo inay uga faa'iideystaan
Diintii Qidmad "Anaani ah" oo
shaqsi ama Kooxeed maxaa yeelay
haduu saas ku kaco waxaa uu ku
iibinayaa Qowlkii Ilaahay
Maslaxad Aduunyo! sidaa darteed
haday jirto mas'alad diini ah oo
dhex taala iska-hor-imaadyada
Kooxahaan waxaa cad inaysanba
jirinba oo qilaafaadka la
doonayo in loogu tala galay in
Ikhtizaal loogu sameeyo
Mushkilada si loo waayo xal
istiraatiiji ah oo lagu xalin
lahaa mushkilada... halkaan
waxaa loo badalay Siyaasad
iyadoo awr ku kaacsasho ay
bilaabatay.
*Sideed:* Hadii ay jiraan dad u
heelan inay Siyaasada ka qayb
galaan waa
inay u halgamaan sidii ay u heli
lahaayeen qiyam caqlaani ah oo
hadafkeedu uu yahay sidii looga
shaqeyn lahaa maslaxda Mujtamaca!.
waa inay soo bandhigaan Aragti
Siyaasi ah oo Barnaamijeysan,
haba lahaato Madbuun (Contents)
Diini ah, laakiin inuusan
carabka ku adkeyn in
Barnaamijkiisu uu yahay Xaq
Mudliq ah laakiin uu yahay kan
ugu Saxsanee xalin kara
mushkiladaha hor yaala mujtamaca,
sida Axsaabta ka jirta wadama
Islaamka ah oo dhan! taas oo uu
Siyaasigaas Islaamiga ah uu
ugula jeedo inay tahay sida ay
qabaan isaga iyo Jameecadiisa.
*Sagaal:* hadii ay jiri
lahayd NIdaam Siyaasadeed
Dowladeed oo Adag, ayna jiraan
Qiyam laysku Raacay oo lagu
maareyo Is-qabqabsiga dhaca
Siyaasiyiinta dhexdooda, markaa
Siyaasiga doonaya inuu ilaaliyo
Maslaxadiisa iyo Tan kooxdiisa
ama Xisbigiisa waa inuu raacaa
Aaliyaadka (Machenism) lausku
raacay oo uu mujtamacu aqbalayo.
laakiin ka warahn hadii si Iska
dheh oo Cashwaa'i ah loogu dhex
shaqeysto Ummadii oo
Xeerarkeedii aan la ilaalin,
waxaa dhacay in Siyaasigaas
nocuu doono ha noqdee ama
Aydiyoolajiyaduu doono ha watee
waxaa uu isaga ciyaarayaa
Suuqiisii iyo kii Kooxdiisa, saa
Shacbku ayagaa xadida siyaasada
ay tahay inuu raaco siyaasigooda
waxayna ku xadidaan Waaqicooda
maya Wacyigooda?.
*Toban:* Siyaasada hada
ay wataan Kooxda Qun-yar Socodka
ah ee tariikhiyan ahaa "Ikhwaanul
Muslimiin" tusaale: Cumar
Cabdirashiid Aabihiis wuxuu ahaa
Akhwaan muslimiin Xoog Badan iyo
Sheekh Shariif oo isagu ka mid
ahaa ragii soo aqriyay waxa uu
la fashilmay nidaamkii Xisbigii
Inqaad ee Suudaan uuna Hogaamin
jiray Filasoofarka Dr. Xassan
Al-Turaabi ayaa waxay u muuqataa
in laga aqbalayo gudaha
soomaaliya, inkastoo la ogyahay
inay ku timid Dagaal Qiimo badan
lagu baxshay iyo Xariiftan
Siyaasadeed adag, oo lala galay
Maafiyadii 20-kii sano
horboodayay Ummada ayaa Caqabada
ay ku dhutinkarto Dowladaani ay
tahay in ay ka horyimaadaan
Isbadalkii ay ku yimaadeen oo ay
u
wareejiyaan kursiga dhankii
Qabqablaha dhanaan ahayn!!. saa
natiijadii
keentay waxay ahayd kala wareeg
dhab ah oo ka yimid mujtamicii
oo arkay kuna qancay howshii
Siloonayd ee Jaalle Qabqable ee
ku biyo shubanaysay
"Biliqliqada". si kastaba
Qabqablihii shaqsiga kaliya ee
uu ka guuleystay
waxay ahayd Aqoonyahan ku sheeg
Karaani u noqday!? iyo Hogaan
dhaqameed Maleeshiyooyinka u soo
guri jiray! labadiiba
shaatiyadoodii waxay leeyihiin
Calaamadihii Dowladaan? oo waa
ku biireen iyagoo Bililiqadii
sidii qabqablaha dib u bilaabay.
sidaa darteed taas waxay ka hor
jeedaa haday jirto inay lidi ku
tahay Kala wareeegii dadkii
kusoo gubtay oo badalay
Waaqicoodii hore ee Awrta lagu
kacsanayay iyo Dabcigoodii wax
kasta ogolaa. hadaan laga
hortgin inta kore oo dhan waxay
noqonaysaa in soomaliya markale
ay gasho cashar cusub oo la
yiraahdo "Fowdada Is-abuurista"
ama "Fowda Al-Khlaaqah" taasna
mar kalaan ka hadli doonaa haduu
ilaahay yiraah...............................
Sadat Mohammed Geesh
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|