WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 17, 2009

Islaamiyiinta Kuwoodee Qaldan (Qaybtii 2-aad)
Fowdada Is-Abuurista (Creative Anarchy) (Q.1-aad)



*Kow:*  Dowlada Madaxweyne Shariif, ee Dib U heshiisiiinta ah  waxay ku timid heshiis isaga kooxdiisii Dib-u-Xoreyntana kala jabisay, tii Dowladii
Federaalkana sidoo kalena kala jabisay, buddhigeeduna uu ahaa ka bixitaanka Ciidamadii Itoobiya.  dib-u-heshiintaasuna waxay ahayd in Dowladaas uu la midoobo! Booskeediina uu galo! laakiin Dib u Heshiisiin kale oo uu la galo Xarakada Al-Shabaab iyo Xizbiga sida Mandate-keedu farayo haday ku xiran tahay Ciidamada Shisheeye Ha Baxaan, Sidii isaga Heshiiskii uu galay Dowladii Hore ee Col: Yusuf ee ay ku baxeen Ciidamadii Itoobiyaanka Ahaa Maxaa ku jaban? mise sirta meesha ku jirta waxay tahay in Itoobiya ay kusoo Gashay Marmarsiinyo u gaar ahayd iyo Garab Bushkii tagay uu siiyay, oon is ogolayn dhexdooda caalamkuna diiday! laakiin AMISOM ay wadato laba Mandate oo is ogol sida EU-da iyo UN-ka oo Ansixiyay kaliyi ay Dowladaas uga ilaaliyaan in la ceejiyo! Si kastaba ma u tahay Tabriiraad iyo Marmarsiinyo Dagaal Abuurid indho la'aan ah ama ku dhankixid Joogitaanka Ciidamada AMISOM
si ay ugu gadato Sharciyadeeda Gudaha mid Caalami ah oo aan wax cilaaqaad ah la lahayn waxa ka dhacaya dhulka?

*Labo:*  waxa xafiiska Badaha Qaramada Midoobay la gaystay Sheegashooyinka Xuduudaha Badaha, ee Dalalka Madaxa Banaan, qaar baa Cidhifyadii sheegtay, Soomaaliya Ayaan darideeda ma waxay 2009-kaan ogolaanaysaa in Xaqiiqooyin Cusub oo ku dhisan Muran aan sharicyad Caalami ah iyo mid Goboleedba aan lahayn in korkeeda lagu abuuro. Soomaaliya miyaa ahayd dhibanihii kala qaybsigii Afrika oo dhul ay lahayd Kor Madow ka arxan daran Kor Cadihii la siiyay? waligeedna ku cabiraysay Ciilkaas nooc walba oo ay heli kartay? mise keenyaan dhul soomaaliyeed Haysan?

hadii Xuduuda Badda Soomaaliya ay la wadaagto Mid ka mid ah Bahalada aan dariska nahay ee na dubanaya; waxaan ka wadaa Keenya ay Shidaal ka baaratay! 1994-tii Jaziiradaha Shanta ah ee Soomaaliyeed ee "Looma Shaaqaan" si sharci daro ah! oo uu hadana Madaxweynaha Dalkaas uu u qoray Warqad May 2005-tii Xafiiskaas aan soo sheegnay si uu uga hormaro Soomaaliya!  Shrikadii Norwey-ga ahayd ee Shidaalka baartayna ay isla 1997-kii ay joojisay Howlihii Baarista markay ku waashay Keenya in Jaziiradahaas ay ku jiraan Keyd aad u badan oo Shidaal iyo Gaaz-ka dabiiciga ah isugu jira, oo ay hadana  ogaatay in ay Badaas leedahay "Ayaan Daran" Shacabka iyo Dalka la yiraahdo ee Soomaliya! oo uu Sheekh Cabdulaahi Yusuf (Ina Yeey) ka diiday!! waxaa lays weydiin karaa oo waliba Sharci ah Maxaa ay Dowlada Madaxweyne Shariif ay u saxiixday (Mudakara Al-Tafaahum) ay leedahay Dowlada Keenya? Maxaa inta Wathiiqadaas loo soo Bandhigay loo leeyahay maxaa ka qaldan? Muxuu Wiilka Saxiixay iga Raali Ahaada? wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Qorsheynta uu noo leeyahay Sharciga ma taqaaniin?

maxaa meesha ka socda? Dowlada Keenya oo sunteeda cagaarani ee ay waliba ku beerto Bacrimiyayaashii ugu qatarsanaa aduunkana Mamnuuca ka ahaa, si ay u cirib tirto Shacbka Soomaaliyeed maxay u ogolaatay in Canshuur ay dalkeeda gudihiisa uga aruusriso Dowlada Mudane Shariif? mise Canshuurtu waa Shirkada Norway lacagtii ay ku dhex-dhexaadisay Kenya iyo Wasiirkaas? Mise Keenya waxay usoo Saareysaa iyadoo ka mas'uul ah dhinaca Amniga iyo Suug Geynta Shidaalka Jaziiradahaas Shanta ah ee Soomaaliyeed ee Looma Shaaqaan dhex Ceegaaga? oo arintu waa dahsoon tahay? oo Dalkiiba waa la kireeyay?

intaas iyo in kabadan oo su'aalo ah ayaa lala yaaban yahay cid ka
jawaabtayna lama hayo ilaa iyo hadda oon ahayn aflagaado iyo is-qaad qaadid.

* Sadex:* Mowqifka Camaliga ah (Practical) iyo kan Mabdi'iga ah, ma xuma marnaba oo waa la fahan san yahay inuu kala duwanaan karo Asbaabo Mab'di'i ah dartood, si kastaba ugu horeyntiiba Sheekh Shariif intii ka horeysay maalintuu ka doorbiday Sheekhnimada in nBooskeeda la galiyo Mudanenimada oo uu u sheegay Al-jazeera iyo Fahad Yaasiin in Sheekhnimadu ay tahay kalmad loo xuso Cilmi diineed ahaan. waxaa uu Madaxweyne Shariif lasoo Suuq tagay isbadal weyn oo ka duwan kii hore ee Col; Yusuf ee yeerinta diyaarsan? ee ka fog waaqica dhulka ka jira! si kastaba isku mashquulinta Sheekha ee qodobo yar yar iyo af-ku adkeyntiisa qodobo aan sharci ahayn? marka laga fiiriyo Gudaha dalka waxay u muuqanaysaa oo loo arki karaa inay hordhac u tahay doonis siyasadeed lala beegsanayo isaga laftigiisa ama xeelad hor leh oo ka dhan ah Dowladiisa oo uu ku dhaqaaqayo isagoon is ogeyn! hadiiba hadafkeedu uu yahay in tiisa (Dowladiisa laftigeeda ay is afganbiso oo is ceejiso!!!) si loogu gogol xaari Awooda Al-shabaab iyo Xizbiga sidii ka dhacday Afgaanistaana dib loogu dhex matalo Shacabkaan la Cazilay?!

*Afar:* Markii lagu kacay Dowladii (AUN) General Maxamed Siyaad, ee ay ku burburtay Gacantii Kawaadirteedii! oo ay boskii Yimaadeen Qabqable Tuug ah oon naxariis lahayn! Dal iyo dadna kala Reebay? waxay markay shirayaan dhihi jireen Soomaaliya Qabiil bay isku haysataa!!! iyagoo Yeerisyo badan aqrisanaya! laakiin ma isku haysatay? maya iyo kun jeer oo Maya ah!! waxaa loo dhisay Dowlad isagaas u dhisan 4.5, ha iga hor dhicin halkaan su'aal is weydiin mayee!

Maanta Madaxweyne Shariif iyo Dowladiisu markay 100 Soomaali ah dhimato ma waxay hadda na leeyihiin Shareeco iyo Diin baa laysku haystaa?????!!!!!!! taas weeye mida maskaxdeydu qaadan la'dahay ilaa iyo
hadda!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Shareecaa la Amray (Xukuumada Dr. Cumar) Shareecaa La ansixiyay
(Baarlamaanka Qabqable Sheekh Adan Madoobe!) waa la Saxiixay Dabaqideeda!  (Madaxweyne Shariif!!!!) is weydiiya meeqaa ku dhimatay Cayaartaas Cajiibka ah? tiro kor u dhaaftay 500 oo qof oo masaakiin ah oo Soomaali ah! oo Xamar degan!?

Yaa isku haysta Shareeco sow safkaas dheer iyo Beec-geyn Badeecadaas aan loo baahnayn meeqay soomaali sarfatay? Dowladu miyeysan ogeyn in Shan Gobol oo Koonfuta Soomaaliya ah laga Dabaqo Shareecada!?

ilaahaw adaa na leh! meesha waxa waligeed la isku hayay waxaa weeye Siyaasad wax xiriir ahna lama leh Qabiil iyo Diin intuba, dhihi maayo taas hala ogaado? maxaa yeeloay waa la ogyahay.

*Shan:* Waagii la suuq geysan jiray Irhaab iyo Al-Qaacida waa dhamaaday isagoon soo noqonayn! maanta Aqalka Cad waxaa ka taliya Barako Huseen Obama oo ah ninkaad taqaan. beec-wa-shiraadaasna suuq ma leh! waxaa suuq leh maxaa Xalku uu ku jiraa ! maya maxaan idin siiyaa? ama Rabtaan? dib hanoogu daarinina Filim horey aanu u fiirsanay kun jeer wacyiga Siyaasiga ah ee Soomalida badanaa ma laha xusuus ma leh ayaa mararka qaar is weydiinaysaa?  waagii sidoo kalana la dhihi jiray Zaliibiga ha baxo maanta ma taagna? maalinwalba waxbaa taagan Jaalle Soomaaliyeey! Xalka Siyaasiga ah waa in la ogolaadaa in lagu daro Baarlamaankaan 275-kale! Madaxweyne Shariif haduu yaabo horaan ula yaabnay ogolaanshihiisii 550- shacab aan dhaafsiisneyn haday ugu bataan 15 milyan (aniga Qiyaasteyda!).

Ciidamada AMISOM een la dhaqan iyo Caqiidada ahayn Soomaalida iyaguna ha raacaan kuwii Itoobiya. hala keeno Booskooda hadii Ceejada Dowlada ay dhab tahay! oon xal siyaasadeed aan diyaar loo ahayn, (xusuusta ku darso in 260 askari oo Pakistaniyin ah Lagu Dilay Xamar) kuwo ka socda Wadama Muslimiinta ah iyo kuwa carabta! Sheekh Shariif ha ogaado in loogu fadhiyo Xal, Laakiin aysan daruuri ahayn in Taladiisa la Qaato? yacni ay Qaataan Kooxaha Dhiiran ee kasoo Horjeeda? Kooxahaasna Usuulinimada Mayalka adag Xalna maaha Talana
maaha, Ilaahay wuxuu yiri "waxaan idinka dhignay Ummad Dhexdhexaad ah" . intaas waxaa ka horeeya yaa Madaawaca keensada oo sameysta Barnaamij Siyaasi ah? ogaadana adinka laftigiina Meesha inaan laysku haysan Diin iyo Caqiido.

ugu danbeyntii ila aqirsta Xaiiqooyinkaan soo socda ee lagama maarmaanka u ah xal u helida mushkilada Soomaaliya.

 *Xaqiiqda Koowaad*

Shacabka Soomaaliyeed waxay awoodeen xili taariikhdooda ka mid  ah ay suurto galiyaan  inay  sameeyaan horumar Bulsho iyo Mid Thaqaafadeed, ama xadaari ah, taas sharidigeedu wuxuu ahaa helitaanaka Amni iyo Madaxbanaani, Maalintii ay heleena waxay sameeyeen Mucjisooyin. lagama yaabo inay taasi soo noqoto ilaala helo Midnimo Dad iyo Dalba ah, oo ku dhisan Nidaam Shuuraa ama Dimoqraadiyad ah oo ay ka qayb galaan shacabka oo dhan.


*Xaqiiqda Labaad:*


dhacdooiyinkii ay Ummadaan soo mareen Taariikhdooda dheer, ee Dhiigooda ku shaqeynayay, ee burbur, barakac, dil, boob. Waxay aasaaskeedii burburisay dhamaan Muqawiyaadkii Ummadi ay ku dhisnayd sida: Dhaqan, Qiyam iyo Caadaba. Kaliya waxay awoodi wayday, oo kari weyday Gacanta dheer ee ummadaan walaaqi jirtay hadana walaaqaysa iyo kuwa ay adeegsanayso oo dhan  inay Burburiyaan  Iimaankii iyo Caqiidadii Ummadaan.  Xaqiiqadaas waxay inoo cadeynaysaa in Diinta Islaamku ay Waligeed ahayd Damiirka Shacabka Soomaaliyeed, waxay hoosta ka xariiqday inay awoodi karaan inay fahmaan Waaqicooda ayna ka
dhisaan aragti nabadqabta oo Xaadirkooda iyo Mustaqbalkooda.

*Xaqiiqda Sadexaad:*

Tacasub Indhoolaha ah ee Qabyaalada waanu ogaanay oon ku gubanay oon baylah u noqonay!. kan Diiniga ahna Hadafkiisu waa sidoo kale inaan inta isagana ku gubano la waayo Wax Qiyam ah oo aanu leenahay!!!!! maxaa yeelay ma Casabiyadu ma dhasho haday dhashana waxay dhashaa Shar !! isku day kasta oo ay sameyso Koox Casabiyeysan oo doonaysa inay ka taqalusto Koox kale oo ay u rabto inay si xoog ah isu hoos keento waa fashil masiirkeedu oo waxaa waliba far waaweyn oo xanuun badan noogu sheegay Taariikhda Soomaaliya oo dhan!!!!. Nabad gelyada iyo Nolosha Nuska ah ama wada dhan. yacni dhameystiran laguma helin xoog iyo dagaal laakiin waxay ku timid kuna imaanaysaa Wadahadal iyo
Isfahmid. wadahadaladaas oo ah waliba kuwo Wacyi leh! maya inloo wada hadlo wada hadlid darteed!!??  taas ayaa lagu badbaadi karaa.

*Xaqiiqda Afraad:*

Mujtamaca Soomaaliyeed Dimoqraadiyada oo macnaheedu uu yahay (Shuurada iyo Shareecada)  la'aanteed laguma gaari karo cadaalad Bulsho? lama awoodi karo in laga faa'iideysto Qayraadka Dabiiciga ah iyo midka Insaanka Soomaaliga ah uu la'yahay meel uu ku maal gashto! lamana gaari karo Horumar iyo Horusocod.

*Xaqiiqda shanaad:*

!!??  taas Mujtamaca Soomaaliyeed waxa waligiis uu ka dhiidhin jiray dulmiga iyo xaqirida Dibada iyo Tan dhexdooda ah ee Gudaha sabab kata haku timaado, meel kastana halaga keeno, isla markaasna wuxuu soo aaminsan yahay Madaxbanaani, Amaan, iyo Iimaan dhumuc dheer leh.



W/Q Saadaat Geesh


  Islaamiyiinta Kuwoodee Qaldan? (Q. 1aad)




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com