Allgedo News, May
23, 2008
|
|
Labo beelood oo ka wada tirsan
degmada Luuq ee Gobolka Gedo
oo maanta heshiis nabadeed
gaaray
|
Luuq,
Somalia (AOL) - Labo beelood
oo ka mid ah beelaha ku dhaqan
degmada Luuq ee G/Gedo oo
bilihii u danbeeyey uu dagaal ku
dhex maray duleedka waqooyi bari
ee degmada Luuq ayaa maanta
heshiis ku gaaray degmada Luuq.
Shirweyne ballaaran oo ay ka soo
qayb galeen wax garadka labadan
beelood, maamulka degmada, kan
gobolka, ergo nabadeed oo ka
kala yimid gudaha gobolka iyo
gobollo kale oo daris ah sida
Bay iyo Bakool iyo weliba mas'uuliyiin
kale ayaa maanta lagu
heshiisiiyey labadan beelood.
Labadan
beelood oo kala ah beesha
Macallinweyne oo ka tirsan
beelaha Digil iyo Mirifle iyo
beesha Gaadsan oo iyana ka
tirsan beesha dirta ayaa shirkan
lagu heshiinayey oo socday mudo
15 cisho ah, waxaana shir
nabadeedkaan soo qaban-qaabiyey
Hay'adda CARE INTERNATIONAL ayada
oo shirkan qabanqaabadiisa
iyo tasiilaadka ku baxayba
Hay'adda uu wakiil uga ahaa
sarkaalka madaxda ka ah qaybta PEACE
BUILDING ka ee hay'addaasi Mr
Axmed Sh. Cali Guuleed.
Shirkan oo ahaa mid ahmiyad la
siinayey ayaa dhammaan
mas'uuliyiintii ka hadashay
waxay dhammaantood ku
nuux-nuuxsadeen in ay labada
beelood ee heshiiska ku gaaray
maanta degmada Luuq ka
dhabeeyaan ballan-qaadyadooda
ayna u hogaansamaan qodobada ka
soo baxay shirkan.
Sida
aad ku aragtaan sawirrada la
socda warbixintan ayaa waxaa
halkaasi lagu
gowracay labo sabeenood iyo
weliba labo rati sida lagu
yaqaan caadada beelaha
soomaaliyeed oo uu heshiiska
dhex maro.
Ugu danbayntii, waxaa maalinta
Axadda ah ee ku beegan beri
danbe loo balamay in kolonyo
baabuur ah lagu aado goobaha ay
kala degan yihiin ciidamada laba
beelood, halkaana lagu kala raro
loona gudbiyo waxii la isku
afgartay.
Mas'uuliyiintii
meesha ka hadashay ayaa waxaa ka
mid ahaa Maxamed Cabdi Kaliil oo
ah Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad
ee G/Gedo isaga oo uga
mahadceliyay Hay'adda CARE
juhdigi iyo tasiilaadkii ay ku
bixisay shirkan, isaga oo sida
oo kale u mahad celiyey
ergooyinki u yimid shirkan
kuwaasi oo ka kala yimid meelo fog-fog. |
|
Qaar kale oo ka mid ah
masawiradii laga qaaday maanta
shir nabadeedkii lagu
dhex-dhexaadinayay laba beelood
oo wada dega Degmada Luuq.
May 23, 2008/AOL |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
Abdullahi Mohamed Hassan (Abdullahi-Shino),
Luuq, Somalia.
|