WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Natiijada Cod bixinta Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee ka socota Allgedo oo uu si weyn ugu horeeyo mudane Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) halkan ka daawo... April 27, 2008


Mudane Xuseen Sh. Cabdi Iasmaaciil (Farey) ayaa waxuu helay 894 dhibcood, taasoo ah 45% tirada guud ee cod bixisay oo dhan 1982. Farey waxuu galay kaalinta 1-aad ee cod bixinta maanta Allgedo ka dhacday.


Mudane Mudane Aden Ibraahin Aw-Xrsi (Cirro) ayaa waxuu helay 882 dhibcood, taasoo ah 45% tirada guud ee cod bixisay oo dhan 1982. Cirro waxuu galay kaalinta 2-aad ee cod bixinta maanta Allgedo ka dhacday.



Mudane Jamaal Xasan Sarey ayaa waxuu haystaa 206 dhibcood, taasoo ah 10% tirada guud ee cod bixisay oo dhan 1982. Sarey waxuu galay kaalinta 3-aad ee cod bixinta maanta Allgedo ka dhacday.

Haddaba, natiijada cod bixinta qofka mudan in ii noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee ka socotay Allgedo maanta ayaa waxay kusoo gebo-gebowday ayada oo sida hoos ka muuqataba uu ku guuleystay mudane Xuseen Sh. Cabdi Iasmaaciil (Farey.)


Fiiro gaar ah:  Natiijada doorashadani waa mid ku eg oo kaliya cod bixinta ka socotay Allgedo ee ma ahan mid rasmi ah.  Doorashada rasmiga ah maanta oo ay taariikhdu tahay April 28, 2008, saacaddu markay tahay 9:00 am waqtiga Gobolka Gedo ayay ka dhaceysaa magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey.


Fadlan akhri natiijada cod bixinta Allgedo oo ah tan hoos ka muuqata:-
 

Fadlan u codee mid ka mid ah saddexda mas'uul ee hoose kan aad isleedahay wuu mudan yahay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo. La soco doorashada waxay dhaceysaa April 29, 2008
 
Cod bixinta todobaadkaan ee Allgedo waxay ku saabsan tahay: Doorashada Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dhaceysa April 29, 2008. Haddaba adigu yaad rabtaa in uu ku guuleysto jagada Guddoomiye-nimada gobolka Gedo?
 
Answers Votes Percent
1.
 
Waxaan rabaa in uu ku guuleysto Mudane Aden Ibraahin Aw-Xrsi (Cirro) 879 45%
2.
 
Mudane Xuseen Sh. Cabdi Iasmaaciil (Farey) 885 45%
3.
 
Mudane Jamaal Xasan Sarey 204 10%
 
 
 
 
Total Votes: 1968


Return To Website



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com