Allgedo News, April
29, 2008
|
Doorashadii
gudoomiyaha gobolka Gedo oo uu si rasmi
ah ugu guuleystay mudane Xuseen
Sh. Cabdi Iasmaaciil (Farey)
Doorashada
gudoomiyaha gobolka Gedo oo maanta ka
dhacday degmada Garbahaarey oo ay ku
tartamayeen saddex musharax ayaa waxaa
ku guuleystay mudane Xuseen Sh. Cabdi
Ismaaciil (Farey.)
Saddexda musharax oo tartanka
gudoomiyaha gobolka gedo ku jiray ayaa
waxay kala yihiin: Xuseen Sh. Cabdi
Ismaaciil (Farey), Aden Ibrahin Aw-Xirsi
(Cirro) iyo Jamaal Xasan Sarey.
Mudane Farey ayaa sanadkii 2004 waxaa ay
dowladda KMG ah usoo magacowday in uu
noqdo gudoomiyaha gobolka Gedo, hase
yeeshee markii uu xilka gudoomiye nimada
hayay 11 bilood ayaa waxay isla dowladda
KGM ah gudoomiyaha gobolka gedo usoo
magacowday mudane Cirro kaas oo hadda
looga adkaaday tartanka gudoomiyaha
gobolka Gedo.
Sidoo kale, waxaa iyana jiray 5 musharax
oo jagada gudoomiye ku xigeenka gobolka
Gedo tartan ugu jiray oo kala ah:
Maxamed Axmed Cali (Sanka) oo labadii
maamul ee uu gobolku soo yeeshay kasoo
noqday gudoomiye ku xigeenka 1-aad,
Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa
Taliyihii Difaaca ciidamada gobolka Gedo,
Maxamed Xuseen Buraale (John surxun),
Cabdi Bare Cabdi iyo Cabdi Qatar.
Tartan
adag oo maanta ka dhacday magaalada
Garbahaarey kaddib, waxaa
gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee gobolka
gedo ku guuleystay Maxamed Cabdi Kaliil
(eeg masawirka midig), halka uu
gudoomiye ku xigeenka 2-aad ku
guuleystay Maxamed
Xuseen Buraale (John surxun.)
Tartanka adag ee maanta Garbahaarey ka
dhacay oo loogu tartamayay jagooyinka
gudoomiyaha gobolka Gedo iyo ku
xigeenadiisa 1-aad iyo labaad ayaa ragii
ka qeyb galay codadka ay kala heleen
waxay ahayd sida soo socota:-
SIDA LOO KALA HELAY CODADKA JAGADA
GUDOOMIYAHA GOBOLKA GEDO
1. Xuseen Sh. Cabdi Ismaaciil (Farey) oo ku guuleystay gudoomiyaha gobolka
Gedo waxuu helay 19 cod
2. Aden Ibrahin Aw-Xirsi (Cirro) waxuu helay 11 cod
3. Jamaal Xasan Sarey waxuu helay 2 cod
SIDA LOO
KALA HELAY CODADKA JAGADA GUDOOMIYE KU
XIGEENADA 1-AAD IYO 2-AAD EE GOBOLKA
GEDO
1.
Maxamed Cabdi Kaliil oo tartan ugu jiray
jagada
guddoomiye ku xigeenka 1-aad
ayaa ku guuleystay, waxuuna helay 21 cod
2. Maxamed Xuseen Buraale (John surxun) oo tartan ugu jiray jagada
gudoomiye ku
xigeenka 2-aad ayaa ku
guuleystay, waxuuna helay 26 cod
3. Maxamed Axmed Cali (Sanka) 11 cod
4. Cabdi Bare Cabdi 3 cod
5. Cabdi Qatar 2 cod
Wararkeena danbe
ee kan ku xiga waxaan idinkugu soo
gudbin doonaa qoraal faah-faahsan oo
la xariira qaabka ay doorashada u
dhacday oo wata masawiro.
Aden A. Colujoog, AOL
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|