WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 30, 2009

Shirweynihii Qurbajoogta beesha Sade uga socday magaalada Columbus, Ohio oo guul ku dhamaaday


Columbus, Ohio (AOL) - Shirweyne la doonayay in lagu mideeyo Qurbajoogta beesha Sade ayaa waxuu May 28, 2009 ka furmay magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.

Dood dheer iyo falanqeyn la xariirtay wadada ugu sahlan ee loo mari karo mideynta qurbajoogta beesha Sade kaddib, waxaa caawa oo ay taariikhdu tahay May 30, 2009 suurtagashay in Shirweynihii Qurbajoogta beesha Sade uga socday magaalada Columbus, Ohio uu ku dhamaaday guul iyo isfahan, ayada oo dhanka kalena isla caawa lagu dhawaaqay guddii maamuli lahaa Qurbajoogta beesha Sade.

Waqtiga maanta uu shirku socday oo dheeraa iyo dadka oo aad u daalanaa awgood, waxaa noo suurtagali weysay in aan isla caawaba idiin soo gudbino natiijada shirka oo faah-faahsan, balse haddii uu Rabi raali ka noqdo waxaan idiin soo gudbin doonaa natiijada shirka oo faah-faahsan maalinta berito ah.


Aden A. Colujoog/Columbus, Ohio

 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com