![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||
|
|
||
Shirkii Qurbajoogta qaar ka mid ah beelaha dega G/Gaduud, Jubbooyinka iyo Gedo oo guul ku dhamaaday Columbus, Ohio (AOL) Dood dheer ka dib, waxaa shalay shir socday saddex maalmood lagu soo gabagabeeyey in la doorto Labo Gole oo kala ah Golaha Odayaasha iyo Golaha Fulinta. Waxaa isla markiiba la cayimay tirada ay noqon doonaan labadaas gole, nasiib wanaag si aan dood dheer ku jirin waxaa la isku raacay in labada gole mid walba laga soo doorto 31 xubnood. Dhanka kale, buuq
badan iyo is dhex yaac ka dhashay
gudihii Hoteelka uu shirku ka socday oo
la xariiray qaabka wax loo dooranayo
awgeed, waxaa la'isku raacay
in laga soo dhex saaro ergooyinkii ka kala yimid gobolada iyo
wadamada kala duwan min laba qof oo
iyagu wax soo dooranaya. Cod bixin muddo
gaaban socotay kaddib, waxaa suurta
gashay in halkaas lagu doortay qaar ka
mid ah guddigii fulinta, ayada oo dadkii
helay codadkii yaraana laga
dhigay golaha xubnihiisa oo aan wali la
dhamaystirin, lase filayo in dhaqsiyo
loogu dhawaaqo magacyada golaha Fulinta.
AOL, Columbus, Ohio.
|
||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|