WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 31, 2009


Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa maanta waxaa ka dhacay Xaflad xiritaan shirweynihii koowaad ee Qurbajoogta beesha Sade oo si weyn loo soo agaasimay

May 28, 2009 ayaa waxaa magaalada Columubs, Ohio ka bilowday shirweyne si aad u qurux badan loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen wufuud ka kala socotay jaaliyadda Qurbajoogta beesha Sade ee ku kala firirsan Qaarado kala duwan sida: Africa, Europe, Asia, iyo North America.

Shirweynahaan oo lagu qabtay Hilton Hotel oo ku yaala Columbus ayaa tirada wufuudda kasoo qeyb gashay waxay kor u dhaaftay 400 oo qof. 

Sida ka muuqatay agendihii shirka, sababta keentay in la qabto shirweyne noocaan ah ayaa aheyd ayada oo beesha shirkaan isugu timid ay lama huraan u aragtay in maamul ay ku mideysan yihiin loo sameeyo Qurbajoogta beesha Sade.

Inkasta oo ay Qurbajoogta beeshan qudhooda siyaabo badan ugu kala gedisnaayeen dhinacyada da'da, aqoonta, qaab u fekerka, Ideolojidaba, haddana dood dheer iyo falanqeyn arrimaha lagu kala aragti duwanaa kaddib, waxaa maalintii shalay aheyd oo ay taariikhdu aheyd May 30, 2009 suurtaga gashay in Qurbajoogta shirkaan qabsatay ay gaaraan hadafkoodii ahaa midnimo iyo in ay sameystaan maamul ay u dhan yihiin oo ay si wada jir ah u doorteen.

Labada Guddi ee la sameeyay ayaa waxay kala ahaayeen:  Guddi ka kooban Odayaal iyo Hooyooyin (Elders) oo ayagu loo xilsaaray in ay isku soo doortaan 2 bilood gudahood iyo Guddiga Fulinta oo ka kooban 38 xubnood.  Sidoo kale, waxaa la magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta oo ah Cabdinuur Sh. Cabdisalaan Aw-Maxamuud oo degan dalka Canada, gaar ahaan magaalada Toronto, Ontario.

Masawirka sare waa Guddoomiyaha la doortay mudane Cabdinuur Sh. Cabdisalaan Aw-Maxamuud, midka hoosana, ninka midigta xiga waa Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre

Kaddib markii ay saddexdii maalmood ee hore kusoo gebo-gebowday is cafin, is afgarad, guul, iyo sameyn maamul loo dhan yahay oo ay Qurbajoogta beesha Sade sameysteen, ayaa waxaa maanta oo ah maalintii 4-aad magaalada Columbus, Ohio lagu qabtay Xaflad isugu jirtay qado sharaf loo sameeyay wufuuddii ka kala timid qaaradaha kala duwan, gobolada Mareykanka oo ay dabcan ku jiraan kuwa ku nool magaalada shirka marti gelisay ee Columbus, Ohio.

Xafladaan quruxda badan ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Sheikh Aden Sh. Cabdulle oo ah Iimaanka masjidka Ibnu Taymiyah oo halkaas kasoo jeediyay wacdi xambaarsanaa muhiimadda ay leedahay is cafinta, isku duubnida iyo wax wada qabsiga.

Xafladaan oo lagu martiqaaday qeybaha kala gedisan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ayaa dadkii kasoo qeyb galay waxaa ka mid ahaa:  Suldaan Siciid Cabdi (Suldaanka Leylkase), Abdulahi Abdirahmaan (Faracade) iyo kuwo kale oo fara badan. 

Dhamaan ergooyinkii wufuudda xafladda xiritaanka shirweynaha oo isugu wax garad ka koobnaa Odayaal, Hooyooyin, culumaa'udiin, aqoon-yahano, iyo abwaano ayaa dhamaantood waxay taageero buuxda u fidiyeen go'aanka shirka kasoo baxay oo ah maamulka ay sameysteen Qurbajoogta beesha Sade.

Sidoo kale, waxaa isna xafladdii xiritaanka shirka qudbad dhaxal gal ah ka jeediyay Guddoomiyaha la doortay ee Guddiga Fulinta Qurbajoogta beesha Sade, mudane Cabdinuur Sh. Cabdisalaan Aw-Maxamuud.

Gebo-gebadiina, waxaa xafladda shirka xiray Maxamed Ugaas Xirsi oo ah wakiilka Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ee North America.  Ugaaska ayaa hadalkiisa kusoo xiray duco iyo asaga oo yiri "waxaan aqbalay, isla markaana go'aamiyay natiijada kasoo baxday shirka afarta maalmood socday ee ay Qurbajoogta beesha Sade maamulka ku sameysatay."
 

Masawirka sare - ninka bdixda xiga waa Dr. Cabdulahi Maxamed Siyaad, midka hoosana waa fanaanada caanka ah Faadumo Cali Nakruuma




 













By Aden A. Colujoog, Columbus, Ohio.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com