Guddoomiyaha
gobolka Gedo, Mr. Adam I.
Ow-Xirsi ayaa maanta soo saaray
amar lagu mamnuucayo in aanan
hub lagu dhex wadan karin
magaala madaxda gobolka Gedo ee
Garbahaarey.
Asaga oo la hadlayay maamulka cusub ee dhawaan laga doortay Garbaharey ayaa waxuu guddoomiyuhu yiri "laga bilaabo 15-ka bishaan January, 2008, ma ogolaan doono in hub iyo xabado toona lagu dhex qaato gudaha iyo agagaarka magaalada Garbahaarey."
"Waxaan weydiistay guddoomiyaha degmada G/haarey, Mr. Maxamed Cabdulaahi Xaashi in uu qabto banaan baxyo lagu taageeraayo go'aanka mamnuucidda hubka ee magaalada Garbahaarey. Dadka ku nool magaalada Garbahaarey gudaheeda ayaa waxay isugu soo bixi doonaan bartamaha magaalada, ayada oo halkaasna ay culimada kala hadli doonaan go'aankaan masaajidyada, sidoo kalena dhamaan duqeyda, wax garadka iyo ururka haweenka ayaa iyagana kaalin libaax ka qaadan doona hergelinta go'aankaan lagu mamnuucayo hub ku dhex wadashada gudaha magaalada Garbahaarey" ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka gedo.
Talaabadaan ayaa ah mid geesinimo leh oo uu qaaday Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo dib loogu soo celinayo sumcadii magaalada ay lahaan jirtay, ayada oo ay isla markaana sugeyso amniga Hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa NGO-ga. Dhanka kalena, talaabadaan lagu mamnuucayo hub ku wadashada magaalada Garbahaarey iyo hareeraheeda ayaa waxay xakameyneysaa dilalkii macna darada ahaa ee ka dhici jiray magaalada Garbahaarey iyo nawaaxigeeda.
Guddoomiyaha
Gobolka Gedo ayaa hadda
waxuu ku talo jiraa in inta
lagu jiro bishaan January uu
doonayo in uu magaalada
Garbahaarey gudaheeda ku
macsuumo Hay'adaha UNDSS,
UNDP, VSF, iyo kuwo kaleba,
si uu u tuso nabad gelyada
magaalada Garbahaarey ka
jirta iyo in aanay xaq u
arkin bulshada reer
Garbahaarey mamnuucidii
duulimaadyada diyaaradaha ee
Garbahaarey ee ay UN-ka
kusoo rogtay.
Maamul goboleedka iyo kan
degmada ee gobolka Gedo/Garbahaarey.
Akhri go'aanka oo af
Ingiriis ku qoran
(maya
hub/no gun)








