WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 28, 2009

Xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab) oo shirkii Qurbajoogta beesha Sade ee maanta ka furmay Columbus qudbad qiima leh ka jeediyay
 

Ninka dhexda ku jira ee hadlaya waa Xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab)

Columbus, Ohio - Xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab) ayaa maanta qudbad qiima leh ka jeediyay furitaankii shirweynaha Qurbajoogta beesha Sade oo ka furmay magaalada Columbus, Ohio ee dalka Maraykanka.

Mar aan wax ka weydiinay Xildhibaanka rajada uu ka qabo in uu najaxo shirkaan ayaa waxuu ku jawaabay "shirku waa najaxayaa haddii uu Eebe idmo, wax garadka rag iyo dumarba leh ee halkan isugu yimidna ay muu jiyaan isu samir, dulqaad iyo xilkasnimo."

Asaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu Xildhibaan Nuur Gaab sheegay in maanta lasoo gaaray xiligii da' yarta beesha Sade ee aqoon yahanka ah lagu kaalmeyn lahaa wax qabadkooda ee ma ahan in la diido ama laga hor yimaado fekradahooda suuban ee ay soo bandhigayaan.


Aden A. Colujoog, Columbus/Ohio.
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com