Allgedo News, May
19, 2008
|
|
Hay'adda
Samafalka Wadaniga SADO oo olole
Nadaafadeed ka bilowdey Gudaha
Magaalada Baardheere |
 |
|
Goobahii
la nadiifinayay oo ay ka howl
galayaan dadweyne isugu jira rag
iyo dumar /May 19,08 - AOL. |
 |
|
Guddoomiyaha Degmada Baardheere
- Maxamed Xirsi Dhudi iyo
hawl-wadeenada SADO oo kor
meeraya goobaha la nadiifinayay/May
19, 08 - AOL. |
 |
|
Qalabkii
shaqada ee wax looga qabanayay
nadaafad darada & dadkii ku
shaqeyn lahaa oo heegan ah/May
19, 08 - AOL. |
Baardheere, Somalia (AOL) -
Hay'adda Samafalka Wadaniga ah
ee SADO ayaa maanta gudaha
Xaafadaha Baardheere iyo xeryaha
Qaxootiyada waxay ka bilowdey
Olole balaaran oo lagu
nadiifinayo xaafadaha ay ka
kooban tahay Magaalada
Baardheere, si wax loogaga qabto
xaaladaha Caafimaad daro ee ka
taagan Gudaha iyo Daafaha
Magaalada Baardheere, iyadoo
Xafladii furitaanka Ololaha
nadaafadeedna oo saaka ka
dhacdey Xarunta SADO ayaa waxaa
ka soo qeyb galey Mas'uuliyiin
ka tirsan Maamulka Degmada
Baardheere, Howlwadeenada SADO
iyo dadweyne aad u faro badan.
Axmed Maxamed Salaad (Shiino) oo
ka mid ah howlwadeenada Hay'adda
SADO ayaa waxaa uu sheegay
Ololahan nadaafadeed oo ah kii
ugu balaarnaa ee Degmada laga
fuliyo in uu socon doono mudo 15
Maalin ah, iyadoo shaqadaasina
ay fulin doonaan dad gaaraya
ilaa Boqol qof oo isugu jira rag
iyo Dumar oo loo dhameys tirey
dhamaan waxii Qalab ahaa ee lagu
shaqeyn lahaa, islamarkaana
Hay'adoodu ay kharash ku bixin
doonto howshaasi.
Axmed Shiino ayaa waxa kale oo
uu sheegay ujeedada ay ka
leeyihiin Howshan balaaran ayuu
ku tilmaamay sidii xaaladaha
Nadaafo daro ee ka taagan
Magaalada Baardheere wax loogaga
qaban lahaa, isla markaana loo
soo celin lahaa bilicdii
magaalada, maadama had iyo jeer
cudurada faafa ee ka dilaaca
deegaanka inta badan ay ka
dhashaan nadaafad darida ka
taagan deegaanka.
Sidoo kale, Gudoomiyaha Degmada
Baardheere. Maxamed Xirsi Dhudi
oo hadal kooban ka jeediyey
Goobta ayaa waxuu ku Amaanay
Hay'adda SADO, ololaha balaaran
ee nadaafadeed oo uu sheegay
inay wax kaga qabanayaan
xaaladaha nadaafad daro ee ka
taagan Gudaha iyo daafaha
Magaalada Baardheere,isagoo
tilmaamayna dhibaatada caafimaad
daro ee haatan ka jirta
Magaalada Baardhere in ay ugu
weyn tahay Arimo la xariira
nadaafad xumida.
Dadweynaha Magaalada Baardheere
oo iyagu Asbuucyadii u dambeeyey
ka cabanayey dhibaatooyin la
xariira caafimaad daro ayaa soo
dhaweeyey talaabadan cusub ee
wax loogaga qabanayo nadaafada
Magaalada Baardheere.
Axmed Cumar Saalixi - Baardheere,
Gedo.
|