WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, September 19, 2008

Deeqay raali ahaw:  By  A. M. Daa’uud

Hadda ka hor baan laba goor ka shanqariyey in uusan siyaasigu qaraabo gaar ah oo u doodda iyo jifo meelo [websites] ku amaanta lahaan karin. Maqaalkaygii In Defence of Warsame 101 waxaan iri “Deeqa Sonna iyo ilma-adeerradeed toona abaal ugama rabo in aan difaaco Barre iyo qiimahiisa.” Mar labaad qoraalkii AwXirsi iyo Reer Gedoodnimada Cusub: Dantee Lagu Gaarayaa? waxaan tibaaxay in aan aaminsanahay in “uu siyaasigu yahay hanti bulsho oo markii la doono, goortii la doono, sidii la doono, wixii la doono [oo aan aflegaaddo shakhsiyadeed ahayn] laga sheegi karo.” 

Markii aan qormadaa qoray waa jiraan dad badan oo emaillo ii soo diray, waxaana ka mid ah kuwo ay isku dhaw yihiin siyaasigii aan weerarayey oo igu yiri “Adigaa nooga xog ogaalsan. Mana fahmi karro meesha uu ninkaasi wax u wado.” Laakiin ma jiraan dad ay is xigaan Mr. AwXirsi oo soo qoray Daa’uud Maxaa ka Khaldan? Waxaanan aad u rajeynayaa in dad badan oo uu xitaa magacooda dambe [last name] AwXirsi yahay oo buuq iyo jabaq ku fillaan kara ay ila joogaan Mandera, Moyale, Beled Xaawo iyo nawaaxigan.

Aniga oo aaminsan in Barre Hiiraale iyo siyaasi kasta oo Marreexaan uhu ay ixtiraamkooda leeyihiin, aamminsanna in ay gar tahay in Barre lagu caawiyo in uu soo celiyo sharaftii uu Marreexaan Jubbaland ku lahaa, ayaan haddana waxaan aaminsanahay in ay gardarro tahay in ay Deeqa saxaafadaha qaar weerarto oo ay Barre Hiiraale u muujiso nin ay dadku wada neceb yihiin oo ay walaashiis difaacanayso.  

Waxaa sidoo kale aad iiga yaabiyey qormo BaroordiiqEulogyu ekayd oo uu Warsame oo ay muuqato in ay Barre magaca Afraad wadaagaan, bogagga Jubanet iyo MarehanSade-na maamula uu ku qoray bogagga internet-ka.  

Waxaan marka qabaa in aan Barre la qiimo ridin oo an dadka lagu dirin oo waraaqaha yar-yar iyo ol-olaha dacaayadda ah smear campaign oo la isku deyayo in ay jifo difaacato la joojiyo.  

 

A. M. Daa’uud
abdirizaquedawott@yahoo.com

 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com