WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, September 19, 2008


Ra'yigayga Yaan loo Abtirin
   

 

Waxaa si xowli ah ku socday isweydiino laga Bixinayay sida loo arko isbadalada ku yimid qaybo ka mid ah Degaanada Jubbaland, qaas ahaan Kismaayo.
 

Caqli kasta sida ay la'ahayd ee uu isu tusay, ayuu uga hadlay , si kastaba waxaa nasiib daro noqotay in laga baxo xeradii dood wanaaga ku salaysneyd ee ah in qof walbaahi uu soo bandhigo Ra'yi Cilmiyeysan ama Caqliyaysan ama Camaliyeysan?  Halqabsiga wuxuu ku bilowday Co: Barre Hiiraale Gudoomiyihii Isbahaysigii Dooxada Jubba ahna Xildhibaan ka tirsan DFKS, Markaanu si madaxbanaan uga qaybqaadanay ku biirinta iyo Talo dhiibashada Xasaradaha Aydiyoojiyadaysan waxay ila ahayd in ujeedadu ay tahay labo, kan Hore waxay ahayd in Korneylka iyo Taageerayaashiisa loo soo bandhigo Ra'yi ka duwan Midka Dagaalka ee uu ku dhawaaqay inuu xal ka radinayo. Labo  iyo inuu si xilkasnimo leh u kaashado Ra'yiga kale ee kiisa kasoo horjeeda maadaama aan nahay qaar ka mid ah mufakiriinta Beesha Sade Mariixaan.

 

Waxaan ku salaynay afkaartayadii in ay tahay in Beesha Sade aysan Maslaxad ugu jirin in aysan Wajihin Milatari ahaan laba Nidaam oo hada soomaaliya ugu xooga weyn.


 1-
   Islaamiyiinta Mayalka adag ee dagaalkooda ku saleeyay la dirirka Cadow Xoog ku qabsaday Soomaaliya
 2-  Ciidamada Itoobiya iyo Taageerayaasheeda

 

Sidaa darteed ayaanu Baraahiintayada ku salaynay inay tahay doorashooyinka ugu wanaagsan ee hada na horyaala wixii kazoo hara, waxaanu Ra'yigeenii ka dhignay inay tahay Deg-degid iyo talo Xumo?! Maxaa yeelay waxaanu taas laftigeeda u cuskanay oo Baraahiinteedu uu yahay horumarka Kismaayo inuusan ahayn waaqiciyan Horumar Milatari ee uu Yahay mid Siyaasadeed?!!. Marka Dabeecadda Dagaal la galo uma cakisayo si buuxda, Qaabka Wareerka leh ee sababay in kismaayo la Qabsado?.

 

Marnaba yaan loo maleyn, maslaxada Islaamiyiinta inaanu ilaalinayno ama aanu nahay islaamiyiin mayal adag, oo waan ognahay in nimankaasu aysan ogolaaneyn Ra'yi kale, oo hadii ay arkaanba ka taqalusaya qiimo walba haku qaadatee?  laakiin Marxaladda dalku hadda uu marayo in Toban JEER INKABADAN la fakiro weeye intaadan Go'aan qaadan???

 

Kismaayo anaa leh? Degaanadeenu ma jiri doonaan  hadaanu anagu jireyn?! Bal kazoo bilow  Galinsoor iyo Bandiiradleey iyo Dhuuuso-Mareeb ilaa laga gaaro Ceel-gaab iyo Guri-jir, oon inata u dhaxaysa Xeeb ka raadin??? Haddana aanan  gudahanaga  aan dhex-maaxdo ilaa  Wardheer iyo Shilaabo oon soo noqdo Kuna dar ilaa Nageyle iyo Mooyaale inta ka dhaxeysa Kismaayo oon isku xirin wado dheer oo Gasha Nageyle iyo Jubbaland, Intaas iyo aanan magacaabin laakiin iska magacaaban, hadaan fiiriyo Waa Igu Yar tahay??!!

 

Laakiin ila dhagaysta Murtidaan.

 

Waabaa waxaa jiri jiray nin Carab ah oo beeralay ahaa, waxaa beertaas uga bixi jiray labadeeda Qaybood Xandah oo la yiraahdo Qamadiga Cad ama Bur iyo Shaciir oo ah Qamadi Guduudan, Nicmadii ilaahay buu ku jiray ninkaasu wixii uga soo go'a beertaas waa ku filnaan jireen, si kastaba maalin maalmaha ka mid ah ayuu arkay nin Sheekh ah (Yacni waa Ugaas ah)oo Faras ku taagan, ninkii beeralayda ahaa wuxuu go'aan ku qaatay inuu Sheeq noqdo, markuusuu wuxuu Iibiyay Qaybtii Xandada ee beertiisii, kuna soo Gatay Faras iyo Dharkii Sheekhnimada, sheekadu markay halkaas marayso ayaa ninkii halmar ka warhelay in Faraskii uu u baahan yahay wuxuu cuno, hadee meel dheerba lagama raadin oo jawaabtii waxay noqotay sii faraska Qaybtii Beerta kaaga hartay ee uu Shaciirku ka baxayay. 
 
Murtidu waxay marka tiraahdaa "Alimaa Yadabar Shu'uunuhu Bil Xikmah Xandatuhu Ta'kulu Shaciiratuhu" oo macnaheedu yahay "kaan arimihiisa Si xikmadi ay ku jirto u dabaran waaya, Xandadiisa ayaa Shaciirkiisa Cunta" yacni waa iscunaa. 
 
Ugu dabbeyntii kaliya yaanan is cunin baanu ka wadnayee ee halaga daayo Abtirinta.
 
 
Hanqaastii Saadaat Geesh.    
 

--
Sadat M. Geesh




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com