SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
Cadayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo News, May 2, 2008

Soomaliyey maxaa na sugaya?
Qore: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani

Marka hore dhamaan akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ee kala jooga aduunka daafahiisa iyo kuwa gudaha dalkayaga hooyo joogaba waxan ku salaamaya salaanta Islaamka Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu.

Salaanta ka dib, waxaan rabaa walaalayaal in aan idiin soo gudbiyo Hadaan nahay Bani'aadam maxaa na sugaya ? Maxaynu ku suganahay?  Waxaa na sugaya Geerida uu qof walba mar uun dhadhamin doono marey noqotaba. Maanta waxaa la dheelnaa Caruurtayada,Barina waa Qabri ciriiri ah oo mugdi dam ah, qof ALLE subxaana watacalaa u waasacsho mooyane.

Maanta waxaa xiranaa dharkaaga kan ugu fiican amaba ugu qurxoon,barina waxaa lanoo xiri doonaa karfan. Maanta waan aan qosleynaa, Baritana Qabriga in aan ku booyno ayaan halis u nahay ILAAHAY Subxaana Watacalaa ha naga koriyee.

Walaalayaal maanta waxaan ku jiifanaa gogolo wanaagsan, baritana waxaa nala dhigi doonaa ciida.  Maanta Hilibka Xoolaha mid shiilan, mid karsan, mid dhuxul lagu dubay baan cunaa, baritana hilibkayaga baa aboor cuni oo indhaheena cuni oo nagu qadeen "LAA ILAAHA ILALAAH". 

Qofkii dhego lahow maqal, Qofkii dhaayo lahow arag, Qofkii dhug lahow dheeho. Walaalayaal raga iyo dumarkow,waxaan ka sariiryoona in uu qof arko cowrayada "LAA ILAAHA ILALAAH" ka warama marka aynu hor joogno "ALLAH JALA WACALA"
Cagahu waa cad yihiin, Cowradu iyo jirku oo dhan waa qaawan yihiin Indhuhuna waa taagan yihiin oo ma libiqsanayaan.

Wajiyada oo dhani waxay ku khushuuci doonaan ALLAH Subxaana Watacalaa hortiisa,Waa midka irsaaqa oo ilaaliya waxa uunka jira oo dhan. Kiina Xambaarta culaab xumaan kaliya,macnaha kii ku gaaloobay ALLAH oo u yeeray Shariig xaga "Cibaadada" oo falay camalo ALLE Subxaana Watacala ku caasiyoowadiisa ah wuxuu noqday mid si dhab ahaantii u khasaaray oo u fashilmay maalintaas.

  "Hoog waxaa leh qofka aan ku dhaqmin kitaabka ALLE iyo Sunada Nabiga" (SCW.)
  Hoog waxaa leh qofka dayaca Salaada.
  Hoog waxaa leh qofkii dhageysta heeso baaska.
  Hoog waxaa leh qofka fiirsada Riwaayadaha iyo Aflaan baaska.
  Hoog waxaa leh ninkii dayaca Xuquuqda Naagtiisa.
  Hoog waxaa leh Naagta Raga ajnabiga ah la haasowda oo sharafteeda ku cayaarta, waxaa u sugnaatay caro ILAAHAY iyo Cadaabtii baa u sugnaatay.
  Hoog waxaa leh Naagtii ay ka soo uriyaan Catar iyo Uunsi rag ajanabi ka ah.
  Hoog waxaa leh Naagtii aan Jirtkeeda xijaabin.
  Hoog waxaa leh Qofkii ku Caasiya Waalidkii.
  Hoog weeye markii uu Qofku ku marag furi doono xubnaha jirkooda, Maxay ILAAHAY CASA WAJALA ku oron doonan?

Ikhwaanii Filaah wa Ukhwaatii Filaah:

ILAAHAY Subxaana Watacala ha laga baqo.
War Sheydaan Yuu idin hodin.
War Dunida yeysan idin hodin
War Aakharo Ogaada.

Walaalayaal, walaaley, Gacaliyayaal, Gacalisooyin, waxaan Nafteyda iyo idinkaba idiin dardaarmayaa cabsida ALLE, maxabada ALLE, Kheyr ka rajeynta ALLE, U
Hogaansanaanta Cabsida ALLE iyo ku dhaqanka Kitaabka Qur'aanka Kariimka iyo Sunada Nabiga (SCW); waa sidaase waxaan nafteyda iyo idinkaba idinkula
dardaarmaya Taqwada ALLE Subxaanahu Watacala,waayo Taqwada ALLE Subxaanahu Watacalaa waa jidka badbaadada, waxaana nafteyda iyo idinkaba idiinkaga
digayaa ku caasinta ALLE, waayo macsida waxay qofka ka fogeysaa RABIGIIS.

Akhristayaalow, hadaan wax khaldan soo gudbiyeyna waa camal Sheydaan oo iga dhacay,ILAAHAY CASA WAJALA waxaan ka baryayaa in uu iga cafiyo idinkuna I
cafisaan, hadaan wax wanaagsan idiin soo gudbiyeyna xaga rabigey baan ka asiibay.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
 

 






 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com