|
|
Allgedo News, May
12, 2008
|
Socodku waa u dawo luga-xanuunka
Dad badan oo da' kasta leh ayaa
luga xanuun iyo adimmada oo
dikaama ka sheeganaya, gaar
ahaan marka la soconayo.
Culimmada Caafimaadku, waxay
arrintaas ku fasireen, dhiigga
oo aan si hagaagsan u
dhex-mareyn xididada yar-yar;
taas oo imaaneysa marka uu
yaraado dhiigga ku dhacaya
qaybaha jirka, gaar ahaan
darafyada ay luguhu ka mid
yihiin; waana arrin dadka
waaweyn iyo kuwa yar-yarba ku
imaan karta oo ay luguhu la
xanuuni karayaan.
Daraasad arrintan laga sameeyay
waxaa lagu ogaaday in haddii uu
ruuxu socdo maalintii ilaa
saddex jeer in uu markaas ka
yaraanayo luga xanuunka.
Haddii uu ruuxu iska sahlado oo
uu luga xanuunkiisa isaga sii
joogo muddo dheer, waxaa ku
imaan kara inuu socod dheer
samayn kari waayo, xanuunkana uu
kusii bato, dhaqdhaqaaqu uu aad
u dhibo, siiba marka uu buur ama
meel sarrays kor is-yiraahdo.
Haddii arrinkan lala tacaali
waayo, waxaa ka dhalan kara oo
soo dugsan kara xanuunno kale oo
ay qaarkood yihiin halis.
Waxaa la yiraahdaa "balaayo
madax la qabto ayay leedahay ee
mijo la qabto ma leh",
daaweynta cudurkana waxaa ka
muhimsan ka hor-taggiisa".
Culimmada arrimahan ku xeelka
dheer waxay sheegayaan in si loo
ilaaliyo habsami u socodka
dhiigga ee qaybaha jirka
aadamiga oo dhan, inay lagama
maarmaan tahay inuu ruuxu ku
dadaalo ciyaaraha "Sportiga",
jirkiisana uu dhaq-dhaqaajiyo
intii suuragal ah.
Sportiga ugu muhimsani waa
socodka, kaas oo loo qaybinayo
saacadaha maalin walba.
Waxay Culimmadu ku talinayaan
inuu ruuxu socdo maalin kasta 60
ilaa 90 daqiiqo, oo xitaa 3 ilaa
4 jeer loo kala qaybin karo
toddobaadkiiba.
Haddii uu ruuxu (Rag iyo Dumarba)
badsado fadhiga iyo jiifka,
kursiga, gambarka iyo sariirta,
ha ogaado inuu luga xanuun ku
dhacayo oo aaney kala lug-baxayn.
Waxay Daraasadu qireysaa inuu
socodku u leeyahay Aadamiga wax
tar badan; wuxuu ka qayb
qaadanayaa hagaajinta socodka
dhiigga ee jirka; taasna waxay
keeneysaa inuu jirku si
hagaagsan karti ugu yeesho habka
"Qashin-saarka."
Hab sami u socodka wareegga
dhiiggu wuxuu kaloo raad ku
leeyahay qaadashada jirka ee
hawada (Oksujiinka/Oxygen) iyo
nafaqooyinka kala gedisan ee uu
u baahan yahay jirka, kuwaas oo
iyaguna ka qayb qaata fir-fircoonida
jirka iyo iska caabinta
cudurrada.
Si uu jirkaagu u noqdo mid
caafimaad qaba, kaddib markii
aad muddo socoto ama aad
Sportiga ciyaarto, badso
cabitaanka bambeelmada iyo
cunidda Qaraha!
Daraasado dhowaan la sameeyay
ayaa waxay xaqiijinayaan in
jirka aadamiga ciyaaraha Sprtiga
uu socodku ka midka yahay kadib
uu u baahan yahay cabitaan badan
iyo Qaboojin; kuwaasna waxaa
laga heli karaa "Bambeelmada iyo
Qaraha", haddii la cuno/cabbo,
isla saacadaha hore ee ka
dambeeya Ciyaarta.
Waxay khubarradu ku soo
bandhigeen Wargeyska "Al-Riyaad"
taladooda la xiriirta cunid iyo
cabitaan badan oo jirka dib ugu
soo celin kara maadada "Ajilikojin"
ee ka qayb qaadata dib u dhiska
muruqyada, siinta Tamar (Energy)
iyo Sonkorba. Fawaakihda (Fruit)
ay ka mid yihiin labada kor ku
xusan iyo kuwa kale ayuu jirku
ka heli karayaa: Vitamiinno,
Macdan, Biyo, Cusbo iyo
Nafaqooyin kaloo jirka anfacaya.
WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
|
 |
|
|
|
|
|