SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
Cadayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo News, May 12, 2008

Socodku waa u dawo luga-xanuunka

Dad badan oo da' kasta leh ayaa luga xanuun iyo adimmada oo dikaama ka sheeganaya, gaar ahaan marka la soconayo.

Culimmada Caafimaadku, waxay arrintaas ku fasireen, dhiigga oo aan si hagaagsan u dhex-mareyn xididada yar-yar; taas oo imaaneysa marka uu yaraado dhiigga ku dhacaya qaybaha jirka, gaar ahaan darafyada ay luguhu ka mid yihiin; waana arrin dadka waaweyn iyo kuwa yar-yarba ku imaan karta oo ay luguhu la xanuuni karayaan.

Daraasad arrintan laga sameeyay waxaa lagu ogaaday in haddii uu ruuxu socdo maalintii ilaa saddex jeer in uu markaas ka yaraanayo luga xanuunka.

Haddii uu ruuxu iska sahlado oo uu luga xanuunkiisa isaga sii joogo muddo dheer, waxaa ku imaan kara inuu socod dheer samayn kari waayo, xanuunkana uu kusii bato, dhaqdhaqaaqu uu aad u dhibo, siiba marka uu buur ama meel sarrays kor is-yiraahdo.

Haddii arrinkan lala tacaali waayo, waxaa ka dhalan kara oo soo dugsan kara xanuunno kale oo ay qaarkood yihiin halis.

Waxaa la yiraahdaa "balaayo madax la qabto ayay leedahay ee mijo la qabto ma leh",  daaweynta cudurkana waxaa ka muhimsan ka hor-taggiisa".

Culimmada arrimahan ku xeelka dheer waxay sheegayaan in si loo ilaaliyo habsami u socodka dhiigga ee qaybaha jirka aadamiga oo dhan, inay lagama maarmaan tahay inuu ruuxu ku dadaalo ciyaaraha "Sportiga", jirkiisana uu dhaq-dhaqaajiyo intii suuragal ah.  Sportiga ugu muhimsani waa socodka, kaas oo loo qaybinayo saacadaha maalin walba.

Waxay Culimmadu ku talinayaan inuu ruuxu socdo maalin kasta 60 ilaa 90 daqiiqo, oo xitaa 3 ilaa 4 jeer loo kala qaybin karo toddobaadkiiba.

Haddii uu ruuxu (Rag iyo Dumarba) badsado fadhiga iyo jiifka, kursiga, gambarka iyo sariirta, ha ogaado inuu luga xanuun ku dhacayo oo aaney kala lug-baxayn. Waxay Daraasadu qireysaa inuu socodku u leeyahay Aadamiga wax tar badan; wuxuu ka qayb qaadanayaa hagaajinta socodka dhiigga ee jirka; taasna waxay keeneysaa inuu jirku si hagaagsan karti ugu yeesho habka "Qashin-saarka."

Hab sami u socodka wareegga dhiiggu wuxuu kaloo raad ku leeyahay qaadashada jirka ee hawada (Oksujiinka/Oxygen) iyo nafaqooyinka kala gedisan ee uu u baahan yahay jirka, kuwaas oo iyaguna ka qayb qaata fir-fircoonida jirka iyo iska caabinta cudurrada.

Si uu jirkaagu u noqdo mid caafimaad qaba, kaddib markii aad muddo socoto ama aad Sportiga ciyaarto, badso cabitaanka bambeelmada iyo cunidda Qaraha!

Daraasado dhowaan la sameeyay ayaa waxay xaqiijinayaan in jirka aadamiga ciyaaraha Sprtiga uu socodku ka midka yahay kadib uu u baahan yahay cabitaan badan iyo Qaboojin; kuwaasna waxaa laga heli karaa "Bambeelmada iyo Qaraha", haddii la cuno/cabbo, isla saacadaha hore ee ka dambeeya Ciyaarta.

Waxay khubarradu ku soo bandhigeen Wargeyska "Al-Riyaad" taladooda la xiriirta cunid iyo cabitaan badan oo jirka dib ugu soo celin kara maadada "Ajilikojin" ee ka qayb qaadata dib u dhiska muruqyada, siinta Tamar (Energy) iyo Sonkorba. Fawaakihda (Fruit) ay ka mid yihiin labada kor ku xusan iyo kuwa kale ayuu jirku ka heli karayaa: Vitamiinno, Macdan, Biyo, Cusbo iyo Nafaqooyin kaloo jirka anfacaya.


WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com