![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
|||
|
|
|||
Quraanjo aruurtay bulac waa jiidaa (Q.1-aad)
Marka hore mahadi allaha weyn ayey u sugnaatay, naxariis iyo nabadgelyona nabigeeni suubana korkiisa ha ahaato. Marka xigga waxaan halkaan ku salaamaya dhamaan ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan tacsi iyo baroordiiq u diraya ummada Soomaaliyeed ee dilka, dhaca, barakicinta iyo baabi’inta aan loo abbayeelin ee ka dhanka ah xaquuqul insaanka loo geeystay matadeenna una geeysteen Xabashida iyo xaluufadooda, uguna dambeeyeen shacabka ay mantay ugandheysku ku layeen wadada makka al mukarama (02/02/09), waxaan kalo tacsi u diraya geesiyaasha naftooda iyo dhiigooda u huray dib u xoreeynta dalka hooyo. Janaadii ilaahay ha ka waraabsho. Dhiiga shacabka masaakiinta ee maalin walba la daadinayaan insha allah maalin lagu xisaabtamo ayaa imaan doonta, lamana iloobi doono. Dulucda qoraalka haddaan u soo noqdo, waxaan rabaa bal inaan arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya kadib dorashadii madaxeyne Sh. Sharif Sh. Axmed dood yar ka irahado, taaso isugu jirta talo bixin iyo figradba. Aanse ku horeyo ujeedada cinwaanga qoraalkeyga oo maahmaahda ah: quraanjo aruurtay bulac wa jiida, waxaan yaraantii arki jirnay quraanjo(quraanyo) yaryar oo bulac weyn jiidaysa oo u wadata hooygeedii taaso markaad u fiirsato quraanyada wax jiidaysaa inta ay la egtahay iyo bahalka la jidayaa inta u la egyahay aad la yabayso. Halkaas waxaa ka soo baxaya midnimadu awooda ay leedahay, iyo bahida aan u qabno awoodeena inaan mideyno si aan uga baxno marxalada dalkeenu ku suganyahay ee dabada dheeraatay. Sh.
Sharif waxaa hortaala wado dheer oo
godaad badan, oo bahalo badan, oo qatar
badan oo runti ay adagtahay si looga
gudbo. Lakin waxan huba in laga gudbi
karo waa haddii dhawr masalo la helo.
Kuwaaso ah CAQABADAHA: Waxay u kala baxaan kuwa dibada iyo kuwa gudaha. Kuwa dibada haddaan ku hormaro waxay u kala baxaan labo, midu waa international community tan kalena waa kuwa gobolka ama IGAD. International Community: Waa deeq bixiyasha oo ay la’aantood hawshu adkaaneyso, sababta oo ah waxaa looga bahanyahay taageera dhaqaalle iyo mid siyaasadeedba, qaasatan wadamada Mareykanka, Ingriiska iyo Talyaanga tageeradooda waa lama huraan, la’aantoodna dib u heshisiintu way fashilmaysa. Kuwa gobolka ama IGAD: Waxaan wada ognahay in caqabada ugu weyn ee Soomaaliya haysaa Ethiopia tahay ayado si toos ah iyo si dadbanba uga mid ah dhibaatooyinka na haysta, mana qarin ujeedada dheer ee ay Soomaaliya ka ledahay. Xudunta dib u soo celinta dawladnimada Soomaaliya waa ayado Xabashida lala heshiiyo si loo afjaro hubka faraha badan ee dhinaca Ethiopia ka soo qulqulaya iyo kuwa ay ku shaqeysato ee inaga midka ah. Waxa kasta oo xabashidu didaantahay waa inaan ka dheeraana si u mashruucu u hirkalo. Taas mineheedu maha in la isu dhiibaa. Soomaalidu waxay tirahdaa “dantaada maqaar eey baa loogu seexda”. Wax kasta oo badbaadada shacabkeena iyo meel kasta oo ay nala gashaba waa inaan uga daba galna, si mustaqbilka dadkeena loo badbaadiyo. Waxaan ognahay in Ethiopia awoodo fara badan ku leedahay dhamaan wadankeena oo dhinacii ay doonto kasoo garto, wixii ay doontana ka sameyn karto amaba ay si dadban uga taliso. Madaxweyne Sh. Sharif waa ku saxanyahay inu Barnaamijka dib u heshiisiinta Addis Ababa kasoo bilaabo. Well done ayaan leeyahay. Soomaalidu waxay tirahda “Afxumo nabadna waa ka kaxeeysaa, colaadna wax kagama tarto”. Caqabada gobolka waxaa kalo ka mid ah Kenya, Eritria, iyo labada wadan ee cidamadu Xamar ka joogaan waa Ugaandha iyo Ruwaandha. Waxaan aminsanahay kuwaani inay Xabashida ka dhib yar yihiin. Waxaan ku talin lahaa ragga Casmara naga jooga in laga soo kaxeeyo, taasna madaxwynuhu wuu awoodaa, sidaasna Eritria siyaasada Soomaaliya dibada looga dhigo. Cidamada amisom waxay u muuqdaan kuwo aan hadda Xamar looga baahneyn, lakin haddi si kale looga fa’ideysanayo sida la dagaalnka burcad badeedka waa arin u bahan in laga fekero. Qarash badan aya amisom lagu bixiya, qarashkaas ciidamada soomaaliyeedba la siin kara oo looga fa’ideyn kara. Caqabadaha gudaha: Kuwaan waxaan u kala saarayaa Somaliland iyo kunfurta Soomaaliya.
Somaliland waa intii Ingriisku
lixdankii ka hor gumeysanayey oo 26kii
June 1960 calanka qadaatay kadibna si
sharuud la’aanta ahayd Muqdishu
calankoodi keenay oo noogu soo biiray
Soomaali jacayl daraadeed. Anagoo wada
xasuusan wixii loo geystay maantay reer
konfureedka ayaa laga rabaa inay
Hargeysa tagaan, qataana wixii ay reer
Somaliland ku taliyan. Caqabadaha kunfurta Soomaaliya ee Sh. Sharif horyaala waxaan u kala saarayaa Puntland iyo Muqdishu. Muqdishu: waxaa la huba oo marag ma doonto ah in caqabada ugu weyn ee Madaxweyne Sh. Sharif hortaala tahay dhibaatada ka taagan inta u dhaxaysa Mudug ila iyo Kismaayo oo ah dhulka aan mamulka iyo kala dambeynta laheyn. Xudunta Dhibaatadaani waa Al shabaab iyo kooxaha kale ee Dr Cumar Iimaan madaxa u yahay oo Casmara laga hago. Waxaa welwel weyn ah in labadaan garab ay dagaal ku baqeen ayagoo aragtidooda siyaasadeed qori caradi ku raadinaya. Sh Sharif waxaa looga fadhiya inu wada xaajood nabadeed kooxahaas la galo. Mamulka Maxkamadaha, Oday dhaqameedka, ganacsatada, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee shacabka reer Muqdishu waxaa looga fadhiya in loo midoobo ka hortaga dagaal dambe oo ka dhaca kunfurta Soomaaliya. Waa in dadka figirkooda siyaasadeed ku doonaya dagaal la iska qabtaa oo haday nabada diidaana la iska dhiciyaa. Soomaaliyi diin iskuma hayso ee waxaa la isku hayaa waa dane siyaasadeed, waxaana loo bahanyahay in danaha siyaasadeed lagu raadiyo si xeeladeysan oo nabad gelyo ah shacabkana aan lagu layn. Mar haddi Xabashi la iska saaray dagaal iyo jihaadba waa dhamaadeen. Madaxweynahana waxaan ka sugeyna inu asaxaabtiisi hore ee gudaha iyo dibada jooga la heeshiyo oo u gacan nabadeed u fidiyo, miska wada hadalkana keeno. Soomaaliyi isqabqabsi dambe waqti uma hayso oo dadkayagii aya meel kasta ku baaba’san. Hawlo farabadan iyo wixii 20ka sano xumaaday dib u dhiskoodi ayaa noo yaala, jihad aan jihad ahayn yaan dadka lagu sii babi’in. Puntland: waxaan ognahay in Puntland si cad uga soo horjeesaday Madaxweyne Sh. Sharif lakin waxaan filaya in wasiirka kowaad laga soo xuli doono beelaha reer puntland kaana looga fadhiyo xalinta qilaafadka jira iyo weliba la dagaalanka burcad badeedka iyo doonyaha dadka 20ka sano bada cas ku laynayey. Mawducaas iyo kuwo kaleba qoraal dambe ayaan wax uga oranayaa, haddi allaha awooda lihi ogolaado.
Waxaa qoray: Ahmed Abtidon/Sheffield/UK
Allgedo News Media Network
|
|||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|