Allgedo News, May
24, 2009
|
Afhayeenka cusub ee Jaaliyadda
dhalinyarada beesha Sade oo shir
daraa'id ku qabtay Hotel Barakad oo ku
yaala magaalada Nairobi
 |
|
Xiish Aadan
Axmed - Afhayeenka Jaaliyadda
Dhalinyarada Beesha Sade ee
magaalada Nairobi, Kenya |
 |
|
Guddiga la magacaabay ee
Jaaliyadda Dhalinyarada Beesha
Sade ee magaalada Nairobi, Kenya |
 |
|
Guddiga Jaaliyadda
Dhalinyarada Beesha Sade ee
magaalada Nairobi oo dhan
|
 |
|
Qaar
ka tirsan Dhalinyarada beesha
Sade ee magaalada Nairobi, Kenya |
Afhayeenka cusub ee jaaliyadda
dhalinyarada beesha Sade ayaa waxuu
maalintii shalay aheyd shir jaraa'id ku
qabtay Hotel Barakad oo ku yaala
magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Afhayeenka cusub ee jaaliyadda
Dhalinyarada beesha Sade Xiish
Aadan Axmed ayaa waxa uu kaga hadlay
shirkaas arimo ay ka mid yihiin xaalada
Soomaalaiya ay marayso iyo dhibaatada ku
soo fool leh dhalinyarada Soomaaliyeed
meel walba ay joogaan, waxaa uuna
sheegay afhayeenku in dagaalada ka soo
cusboonaaday dalka soomaaliya ay sabab u
noqon karto baraca ku imaada dhalinta
soomaaliyeed meel kasta ay kaga sugan
yihiin dalka soomaaliya iyadoo dhawaan
ay jireen in dalka ay iskaga soo
carareen dhamaan dhalinyaradii ugu
badnaa, kuwaasoo ku soo kala firxaday
wadamada jaarka la ah dalka soomaaliya.
Shirkaani jaraa'id ee uu maanta kaga
hadlayay afhayeenka jaaliyada
dhalinyarada dhibaatada ku habsatay
dhaliyarad soomaliya ayaa waxa uu ugu
baaqay dhinacyada dagaalamayo in ay
ilaalshaan xaquuqda ay leeyihiin
shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan
dhalinyarada oo iminka ay noqdeen kuwo
loo adeegsado dhalinyarada soomaaliyeed
siyaasada soomaaliya ee maalinba
maalinta ka danbeeysay kasii dareysa ee
aan isbbadalka laheen; waxaa uuna ugu
baaqay in ay dhalinyarada ay ka
fogaadaan wax kasta oo dhibaato u keeni
karo shacabka soomaliyeed.
Dhan kale, waxaa uu ka hadlay Shirka
lagu wado in lagu qabto magaalada
Columbus ee gobolka Ohio ee wadanka
Mareykanka 28-ka bishaan May in ay soo
dhawaynayaan ka Jaaliyad ahaan hadii ay
yihiin dhalinyarad ku sugan dalka Kenya,
waxaa uuna ku booriyay in shirkaasi uu
noqdo mid miro dhalo.
Sidoo kalena, waxuu afhayeenka sheegay
muhiimadda ay leedahay in shirka
Columbus ka dhici doona looga hadlo
dhibaatada haysato deegaanada ay ka soo
jeedo beesha Sade, asaga oo dhanka
kalena mahad balaaran u diray cida qaban
qaabisay shirkaasi .
Shirka jaraa'id ee uu afhayeenka ku
qabtay Hotel Barakad ee magaalada
nairobi oo ahaa mid uu ku lafa guray
arimo dhowra ayaa waxa uu ku soo
gabagabeeyay ka dhalinyaro ahaan wixii u
qabsoomay isagoo sheegay in ay soo
bandhigeen ka hadalka nabada muhiimada
ay u leedahay dadka soomaaliyeed iyo
waliba wacyi galinta dhalinta
soomaliyeed.
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu
shaaciyay isku shaandheynta lagu
sameeyay jaaliyada dhalinayarad Beesha
Sade bishaan May gudaheeda iyadoo loo
magacaabay Gudi cusub oo ay jaaliyada
leedahay oo ah sidaan:
1. Jamaal Suufi Deerow - Gudoomiyaha Jaaliyadda
2. Aadan C/laahi Dhakat - Ku xigeenka Jaaliyadda
3. Cilmi Axmed Badal - Xoghayaha Jaaliyadda
4. Xiish Aadan Axmed - Afhayeenka Jaaliyadda
5. Mursal Cali Axmed (Facaye) - Xiriirka Arimaha Gudaha
6. Xuseen Cabdi Guure - Madaxa dhaqaalaha Jaaliyadda
Canab Cabdi Axmed,
Nairobi/Kenya
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|