WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 28, 2009

Shirweynihii qurbajoogta beesha Sade ee Columbus, Ohio  oo mar dhow furmi doona


Columbus, Ohio - Ergooyinkii qurbajoogta beesha Sade ee ka kala yimid Africa, Asia, Europe iyo North America, ee doonayay in ay ka qeyb galaan shirweynahii ugu horeeyay oo kanoo kale ah ayaa hadda ku soo qul-qulaya Hoteelka uu shirku ka dhacayo oo ah Hilton Hotel oo ku yaala magaalada Columbus, Ohio.

Sida uu qorshuhu yahay, shirku waxuu furmayaa maanta oo ay taariikhdu tahay May 28, 2009, waxuuna socon doonaa 4 maalmood oo ku eg May 31, 2009.

Ma cada ilaa iyo hadda tirada guud ee wufuudda kasoo qeyb gali doonta shirweynahan, iyo jawiga uu shirku u socon doono, balse wax walba waxay cadaan doonaan saacadaha nagu soo socda oo la filaayo in uu shirka si habsami leh u furmi doono.

Wixii akhbaar ah ee kusoo kordha shirka oo goor dhow furmi doona kala soco shebekadaha Allgedo, Gedonet iyo Gedoweb.


Aden A. Colujoog/ Columbus, Ohio.


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com