WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 28, 2009

Qaar ka mid ah odayaasha beesha Sade oo shirka Columbus ka biyo diidsanaa oo hadda ogolaaday in ay shirka ka qeyb galaan


Columbus, Ohio - Kaddib markii ay dadaalo badan sameeyeen waxgaradka beesha Sade ee maamulaya shirka Columbus, Ohio ayaa waxay ku guuleysteen inay qanciyaan qaar odayadda Beesha Sade ka tirsan oo horay uga biyo diidsanaa hanaanka shirka Columbus loo soo agaasimay.

Waxaa xusid mudan in markii horeba qilaafka jiray oo aad u yaraa uu ku saleysnaa oo kaliya qolo qabtay in uu shirku dhaco May 28, 2009, iyo qaar qabay in shirka dib loo dhigo si ay beesha si weyn ugu tabaabusheysato shir danbe oo ay qurbajoogta yeelato.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa wax lagu farxo ah ayada oo ay hadda Hoolka weyn ee uu shirka ka socdo ee Hilton Hotel in ay ku wada sugan yihiin dhamaan wufuudda Qurbajoogta beesha Sade oo aan mucaarad iyo muxaafid midna laheyn.
 

Warkaan waxaa si wadajir ah idiinkugu soo gudbiyey: Aden Colujoog, C/rashiid Sh. Maxamuud & C/risaaq Jeesteeye.


Wixii akhbaar dheeraad ah ee kusoo kordha shirka, kala soco Gedoweb, Gedonet iyo Allgedo.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com