WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, October 12, 2008

Chelsea iyo Liverpool oo aan kala harin, Hull oo mar kale wac daro dhigtay - Goolkii Joe Cole!

Kooxda reer London ee Chelsea ayaa kusoo noqotey hogaanka horyaalka Ingiriiska markii ay 2-0 ugu awood sheegteen kooxda Aston Villa.

Kulankaan oo lasii saadaalinaayey inuu noqon doono mid adag ayaa markii ay ciyaarta bilaabateyba waxaa la arkayey xidigaha Chelsea oo sida ay doonaan isaga dhex mushaaxayey garoonka iyadoo 45 daqiiqo ee ugu horeeyeyna ay Joe Cole iyo Nicolas Anelka dhaliyeen labo gool taasoo markii dambana noqotey natiijada ciyaarta.

Chelsea waxey hada hogaanka wada hayaan oo ay isku dhibco yihiin kooxda Liverpool oo kulankii ay la yeesheen Man.City si layaab leh usoo rogaal celiyey markii iyadoo lagu leeyahay 2 gool isla markaana ay banaanka ku ciyaarayaan ay 3 gool dhaliyeen kuna badiyeen 3-2.

Fernando Torres ayaa ka farxiyey Liverpool isagoo dhaliyey labada gool ee hore halka Kuyt uu goolka guusha dhaliyey intii lagu jiray waqtigii beerdarada ee lagu daray.

Laakiin kooxda Hull ayaa mar kale ka yaabsatey bahda isboortiga markii ay 1-0 kaga soo badiyeen kooxda ay beryehan ka jajabantahay ee Tottenham isla markaana ay kaalinta sedexaad soo galeen iyagoo ka mid ahaa kooxaha loo saadaalinaayey iney dib ugu noqon doonaan kooxaha haarka 2aad.

Geovanni ayaa dhaliyey goolka ay Hull ku badisay oo boloziyoon ahaa taasoo sababtey in Hull banaanka uga soo badiso oo ay is daba dhigto kooxaha reer Londo ee Arsena iyo Tottenham..

KALA HOREYNTA KOOXAHA:

Chelsea 7 5 2 0 14 - 3 17 Manchester U. 6 3 2 1 8 - 4 11
Liverpool 7 5 2 0 10 - 4 17 West Bromw. 7 3 1 3 7 - 7 10
Hull 7 4 2 1 10 - 11 14 Blackburn 7 3 1 3 8 - 14 10
Arsenal 7 4 1 2 13 - 5 13 Manchester C. 7 3 0 4 18 - 12 9
Aston Villa 7 4 1 2 12 - 10 13 Middlesbrough 7 3 0 4 7 - 9 9
West Ham 7 4 0 3 14 - 13 12 Wigan 7 2 2 3 9 - 6 8
Portsmouth 7 4 0 3 9 - 13 12 Sunderland 7 2 2 3 7 - 9 8
Everton 7 2 2 3 11 - 15 8 Bolton 7 2 1 4 8 - 10 7
Fulham 6 2 0 4 5 - 7 6 Newcastle 7 1 2 4 7 - 13 5
Stoke 7 1 1 5 8 - 14 4 Tottenham 7 0 2 5 4 - 7 2


Mahad Maxamed Sheekh - Allgedo/Hargeysa.


Todobaadkii hore iyo Isboortiga:

Didier Drogba oo dhaawacmay, iyo Chelsea oo ay murugo lasoo daristay!


Barcelona oo ku barbaratey Atletico Madrid, soona ciriirsatey kaalinta 2aad




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com