|
Qaybtii dambe
bilowgeedii ayey Barcelona
feestadii goolasha halkoodii
kasii wadeen iyadoo 3dii daqiiqo
ee ugu horeysey bilowgii qeybtii
dambe ay 2 gool u kala dhaliyeen
Xavi iyo Bojan Krkic iyadoo
natiijadii ciyaartana noqotey 5
gool iyo waxba taasoo u suurta
gelisey Barcelona iney hantaan
guushoodii 3aad waxeyna hada 9
dhibcood ku hogaaminayaan
guruubka C.
Kulan adag oo magaalada London
ku dhexmarey Chelsea iyo Roma
ayaa kusoo dhamaadey 1-0 oo ay
guusha ku raacday kooxda Chelsea
waxaana goolka keliya ee
ciyaarta teesto ku dhaliyey
kabtan Terry rubi saac ka hor
dhamaadkii ciyaarta.
Adriano ayaa Inter u suura
geliyey iney helaan 3dii
dhibcood ee loo tartamayey
markii uu gool madax ah dhaliyey
kulankii ay la lahaayeen kooxda
tartankan wacdaraha ka dhigtey
ee reer Qubrus Anorthosis
Famagusta.
Labadan koox ayaa weli hogaanka
u haya guruubka B maadaama
kooxihii kale ee Panathinaikos
iyo Werder Bremen bareejo 2-2 ah
isla dhaafi waayeen.
Liverpool ayaa u ekeyd iney 3dii
dhibcood ee ciyaarta gurigooda
kula soo noqonayaan markii uu
gool u dhaliyey Keane daqiiqadii
14aad ee qeybtii hore hase
yeeshee waxaa ka diiday
ciyaaryahan Simao uu Atletico
Madrid gll barbardhac ah u
dhaliyey 7 daqiiqo ka hor
dhamaadkii ciyaarta.
Labadan koox ayaa min 7 dhibcood
ku hogaaminaya guruubka D oo ay
kuwada jiraan kooxaha PSV
Eindhoven oo 2-0 ku martey
Marseille.
Kulamadii xalay:
Grubka A: Bordeaux - Cluj 1-0
Chelsea - Roma 1-0Fiiro Gaar ah:
u akhri koox, kulamada, badisay,
bareejo, laga badiyey iyo
dhibcaha.
B: Inter - Anorthosis Famagusta
1-0 Panathinaikos - Werder
Bremen 2-2
Mahad Maxamed Sheekh - Allgedo/Hargeysa.
C: Basel -
Barcelona 0-5Sjakhtar Donetsk -
Sporting Lisboa 0-1
D: Atlético Madrid - Liverpool
1-1 PSV Eindhoven - Marseille
2-0
|