WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 15, 2008

Soomaliya waa ay bugtaa!


Waxaan marka hore Akhristayaasha Soomaliyeed ee kala jooga Aduunka daafahiisa ku salaamaya salaanta Islaamka, Asalaamu caleykum waraxmatulahi wabarakatuhu. Salaanta ka dib, akhristow hadii ALLE subxaana watacalaa ku siiyey caqli suuban oo aad ku kala garan kartid waxa xun iyo waxa fiican, mugdiga iyo iftiinka bal isweydii maxaa ay la bugtaa Soomaliya? Waxaa ay la bugtaa Soomali waa Qabyaalad. Bal aynu fiirino erayga Qabiil waxa uu ka kooban yahay labo qeybood: waa Qab oo ah KIBIR iyo IIL oo ah qabriga meesha laga dhigo qofka dhinta; Qabyaaladuna waa abaabul iyo kicin dareen Qabiil oo leh ujeedo xun oo lagu kala qeybinayo Bulsho isku dan ah oo aan kala maarmin, deeganna ku wada nool. Markaan Tusaale Tusaale u soo qaato Murtidii Abwaan Cabdullahi Suldaan Timacade isagoo Tilmaamaya xumaanta Qabyaalada waxaa uu yiri:
DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYANE.

Waxaa abwaan kale oo la yiraah Cabdi Dhuux Yuusuf isagoo tilmaamaya inaan Soomali weyn qaadan waanadii Timacade oo uu tilmaamayo in Soomalidu la jiratay Qabyaalada wuxuu tiriyey Heesta Caanka ah ee Soomalidu wey bugtaa:

Soomalidu wey bugtaa              Besteed weeyoo la hubi
Inuu cudur ba'ani helay            Muqaalka laga gartaa
Ma Beerkaa laga hayaa             Ma dhabarkiyo bowdyahaa
Burburayoo aan kabmeyn         Wadnaha bidixiyo kalyaha
Miyaa howshii bar gabay           Bartii maqalkoo dhegaha
Ma aragii baa damay                 Badweyntiyo buurihiyo
Banaan ma isagu midbaa           Dareenkii miyaan bed qabin
Baadiyi meel aaney jirin             Ma helo qof ka baafiyee
Dhankee looga badan yahoo      Dawada lala beegsadaa ?

Markii loo baaray hoos Xanuunka waa bulshada Qabiilku ku beeran yahay Inuu baday ba'iyo hoog
Balaayada sabab u yahay Buugeedaba kuma dhignee Haday buunbuunisaa Ilmaha ku barbaarisaa
Abtiriskaa loo baraa Billaahiye sidii Qur'aanka Biseyl baa weli u haray Danteennii beylahdoo
Badbaadiyo nabad la'aan Booraan nagu sii ridee Sidee looga bixi karaa ? Asaageen u beegsannaa ?
Inaan boolida la cunin Inaan la rumeysan been Inuu xilku baratan yahay Beel iyo reer laga bogsado
Cadaalada loo balamo Dadweynoo baraarugiyo.

Hadaba Qofkii dhug lahow dheeho,Qofkii dhaayo lahowna arag Qabyaaladi Dugsi maleh waxay dumiso mooyaane.  Waxaana aaminsanahay in Soomaliya waxa dadkeedii isku diray in ay tahay waxa sida xun loo fasiray ee la yiraah "Qabiilka."

ALLE subxaana watacalaana waxaa uu diinteena suuban ee Islaamka ah ku sheegay in Qabiiku yahay in la isku aqoonsado oo kaliya. Hadaba Bahweynta Soomaliyeed, waxaa ay u isticmaashay bilcagsigeeda,taas oo wiiqday Sharaftii iyo karaamadii Dalkayagii hooyo iyo Sharaftii uamddii
Soomaliyeed.

Waxaan ku soo gabaganeenayaa walaalayaal sida kaliya oo looga bixi karo tahay in ALLE subxaana watacalaa loo toobad keeno,isla markaasna aan ka xorowno maskaxda, maanka in aynu ka xorowno, in aynu ka xorowno gunnimada, in aynu ka xorowno isla yaraanta, in aynu ka xorowno libirkii beenta ahaa ee mansuuqa ahaa, in aynu ka xorowno walaalayaal khiyaanada waxa la yiraah, Xaasadka in aynu ka xorowno, Xanta in aynu ka xorowno, waa in aynu ka xorowno waxakan la yirah damaaciga miskiinka ah,daciifka ah aadamiga ah waligiis firdhiya colkana u ah walaalayaal waa in aynu ka xorowno.

Waxaan aaminsanahay ILAAHAY idinkiis markaan ka xorowno waxaas aan soo sheegay dhamaantood oo qalbigayaga ay ka baxdo waxaa la yiraah Qabyaalada oo ALLE subxaana watacalaa loo toobadkeeno si wada jir ah, markaas ayaa wax walba ka soo dhawaanayaan isha baalkeeda waa hadii ALLE idmo ee.

Waxaa laga maarmaan ah in aan is xasuusino aragtida Soomalida ee oraneysa "Damiin" far waaweyn baa wax loogu dhigaa oo aynu dhamaantayo far waaweyn wax isagu dhigno oo taasi ay tahay waa markaan ka baxno Qabyaalada ee in aad anigu u shaqeyso umadda, in aad adigu u shaqeyso umadda, in uu isagu u shaqeeyo umadda, in ay iyadu u shaqeyso umadda,markii qof waliba u shaqeeyo
umadda oo laga madaxnaanado qabyaalada ayaa waxaa aynu gaaraynaa in aan hanano dalkayaga hooyo,kana difaacno cadowga dibada iyo gudahaba.

Walaalayaal aynu la dagaalano waxa dalkayagii burburiyey,taas oo ah qabyaalada foosha xun ee aynu caadeysanay. Wabilaahi Towfiiq.


Hon: Sharma'arke Mohamed Hashi Gaani (MP) for the State of Galgaduud,Somalia Member of the Committee on Finance (TFP) Secretary of the Committee on Finance (TFP.)




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com