WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, June 8, 2008

Cambaareyn iyo digniin la xariirta dilkii arxan darida ahaa ee loo geystay Allaha u naxariistee marxuum Wariye Nasteex Daahir Faarax


Inna Lillahi Wa inna Ilayhi Raajicuun!



Alle S.W Naxariistii Janno ha geeyee Marxuum Naxteex Daahir Faarax oo June 7, 2008 ay si axmaqnimo ah loogu qudh-gooyey magaalada Kismaayo wuxuu ahaa macalin, Samafale iyo Suxufi si firfircoon farqi ugu sammeeyey una saammeeyey nolasha ummad tiro badan.
Marxuum Wariye Nasteex Daahir Faarax

Wariye Nasteex wuxuu ahaa macalin shaqadii gurmadka qaranka ku soo qaatay inuu ubadka Soomaaliyeed tacliin baro, wuxuu la soo shaqeeyey ha’adaha samafalka isagoo gargaarayey bulshada Soomaaliyeed ee la dulmiyey, markii danbana wuxuu u wareegay dhanka saxaafadda iyadoo natiijada hawlgalkiisa muddo kooban gudaheed laga dareeymay daafaha adduunka idil.

Marka aad eegto taariikh shaqo nololeedka Naxteex waxaad ogaanaysaa inuu ka duwanaa dadka intiisa badan, waxaana uu u hawlgalay si ka duwan inta badan kuwa la da’ada ahaa ee ay Soomaaliya isku wakhtiga joogeen.

Kuwa dhagaha adag, garashadii iyo garaadkiiba ka fakhriyey ee masuuliyadda magaalada meesha cidlada ah ka sheeganaya, waxay qayb ka leeyihiin eedda ammuurtan argagaxa leh ee uu ku halaagmay walaalka Naxteex Daahir Faarax.

Haddii aanan ummadyahay si sidan ka duwan u fikirin oo aanan u hawlgelin, dalka iyo deegaanadiisuba waxay noqonayaan raq (goob xoolo dugaag ku laayey oo baaddiye ah) oo ay haaddu dul heebaabto; dadkuna wuxuu isu baddelayaa dugaagga wax boobaya. Walaalkay Nasteex meel ka fiican eebbe ha geeyo. Aamiin yaa rabbi.



Cabdikhayr Sheikh Soofe
soofe@hotmail.com




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com