|
|
Allgedo News, April
30, 2008
|
Taliyihii ciidamada Qalabka sida
ee Gobolka Hiiraan oo la diley
Baladweyne, Somalia (AOL)
- Kooxo hubeysan ayaa xalay
magaalada baladwayne ee gobolka
Hiiraan waxaa ay toogasho ku
dileen taliyihii ciidamada
milatariga Dowlada KMG ah ee
Gobolkaasi G/sare C/laahi faarax
Juni.
Weerarkaasi lagu qaaday taliyaha
oo dhacay xalay saqdii dhexe
ayaa loo adeegsaday rasaas iyo
Bambaanooyin lagu riday
gurigiisa oo ku yaala gudaha
baladwayne, waxanay kooxihii
dilkaasi gaystay ay gudaha u
galeen guriga taliyaha iyagoo
kala soo baxay isla markaana ku
dilay Taliyaha meel ka baxsan
hoygiisa.
Rasaasta lala beegsaday guriga
taliyaha ayaa si wayn looga
maqlay guud ahaan Magaalada
Baladwayne, iyadoo falkaasi ay
si aad ah uga xumaadeen qeybaha
kala duwan ee bulshada ku dhaqan
degmada Baladwayne, maadaama
ninkaasi si wayn looga yaqaano
gobolka Hiiraan.
Magaalada B/wayne ayaa waxaa ka
socda kulamo looga hadlayo dilka
Taliyaha iyadoo cabsi iyo walwal
laga muujinayo xaalada amaan ee
Magaaladaasi. Ma jirto cid
sheegatay inay ka dambeysay
dilkaasi ka dhacay xalay B/wayne.
G/sare C/laahi Faarax Juni ayaa
la magacaabay 6 bilood ka hor,
kadib markii xilkaasi uu ka
geeriyooday Col. Axmed Maxamed
xudayro oo isagu ahaa taliyihii
ciidamada qalabka sida ee
gobolka Hiiraan oo xanuun Awgiis
ugu dhintay Baladwayne.
Xafiiska Wararka Allgedo ee
Muqdisho, Soomaaliya.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|