Allgedo, News, April
29, 2008
|
Xisbi Weyn oo Siyaasadeed oo
Lagaga dhawaaqay London
Urur
Siyaasadeed weyn oo loo bixiyey
Ururka Waddaniyiinta
Soomaaliyeed ee HA NOOLAATO ayaa
habeenkii xalay lagaga dhawaaqay
magaalada London.
War murtiyeed uu ururka
cusubi soo saaray isla xalay
ayaa u qornaa sidatan:-
Markaannu aragnay mushaakilaadka,
dhibaatooyinka iyo ayaan darada
ku dhacday ummadda Soomaaliyeed.
Markaanu dhuganey burburka
lixaadda leh ee ku yimi
qaranimadii soomaaliyeed iyo
halista xoogga leh ee soo
foodsaartay jirataankii iyo
madax-bannaanidii waddanka.

Markaannu u adkaysan weynay
oohinta shacabka, dilka,
cirib-tirka iyo isku dilka
ummadda Soomaaliyeed.
Markaannu helnay xogo rasmi ah
oo ku saabsan ujeeddada iyo
siyaasadda fog ee ka dambaysa
soo gelitaankii ciidamada
Ethiopia ee Soomaaliya, isla
markaana aannu u adkaysan weynay
kana damqannay dilka, tacaddiga
iyo bara kicinta joogtada ah ee
ciidamadaas Ethioipa ku hayaan
shacabka Soomaaliyeed.
Markaannu eegnay kala
qaybsanaanta, kala dhaqaaqa iyo
kala fogaanta ay ku sugan tahay
ummadda Soomaaliyeed.
Markaanu derisnay hagar-daamada
iyo halaagga ay ummadda
Soomaaliyeed badeen jiilkii naga
horreeyey ee ku soo jiray
siyaasadda Soomaaliya, isla
markaana aannu ogaannay in
hoggaamiyayaashii hore ee
siyaasiyiinta u ahaa Soomaaliya
ku fashilmeen xal u helida
dhibaatada Soomaaliya ee qaan
qaartay.
Markaanu aragnay dhibaatooyinka
bulsho ee aan xadka lahayn sida
dagaalada, abaaraha, cudurrada,
aqoon la'aanta, iyo kala
daadsanaanta bulsho ee maanta
bulshada Soomaaliyeed haysata.
Waxaa
lagama maarmaan noqotay in la
helo Urur Siyaasi ah, Kacaan ah,
Wadani ah, Is-beddel doon ah
isuna taaga badbaadinta dadka
iyo dalka soomaaliyeed. Sidaas
darteed ayay isu-tagga faca
cusub ee Soomaaliyeed ee ku kala
baahsan dacalada dunida is-tuseen,
isla gorfeeyeen, isla fahmeen,
islana garteen isla markaana
isla qaateen aasaasidda URURKA
WADDANIYIINTA SOOMAALIYEED EE HA
NOOLAATO.
Ujeedooyinka Ururka HA NOOLAATO
waa 5 ujeeddo oo kala ah:-
a) Ka xoraynta Bulshada shanta cadow ee kala ah: Colaadaha, Qabyaaladda,
Saboolnimada, Aqoon darada iyo
Sunta Cagaaran ee Qaadka
b) Dhidibo u saarista dulmiga, cadaawadda iyo kala qaybsanaanta ka jirta
Soomaalida dhexdeeda
c) Soo celinta waddaniyaddii, is jacaylkii iyo iskaashigii ummada
Somaliyeed
d) Xoojinta fahamka iyo barashada diinta Islaamka
e) Abuurista nabad, caddaalad iyo horumar si loo gaadho hannaan dowladnimo
oo wanaagsan, bulsho hodan ah
iyo qaran haybad leh.
Aasaasayaasha ururka HA NOOLAATO
waxa ay isla xalay doorteen
guddi ku meel gaar ah oo ururka
gaarsiisa shirweyne. Waxa ayna
aasaasayaasha ururku Guddoomiye
u doorteen Cismaan Abokor
Maxamed halka xubnaha kale ee
guddida ururkana loo doortay
mudanayaasha kala ah:
1) Xassan Maxamed Diiriye
2) Cabdi Xay Cismaan Garaad
3) Maxamed Cali Bilaal
4) Shariif Cali Shariif Axmed
5) Shirwac Maxamed Jaamac
6) C/Weli Maxamuud Qurux
Wixii faahfaahin ah ee aad u
baahan tahay fadlan kala soo
xiriir cinwaandan hoos ku qoran:
Emailka Ururka oo ah:
hannoolaato@googlemail.com
Ama xubnahan hoos ku qoran ee
kala ah:
Xassan Maxamed Diiriye
(07946379862)
Cismaan Abokor Maxamed
(07932986048)
C/Weli Maxamuud Qurux
(07828533441)
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|