WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, January 3, 2008

Tababar loo soo gabagabeeyey Macalamiinta wax ka dhigta Dugsiyada Waxarashada HIRDA ee Degmada Baardheere
 
 
 

Baardheere, Somalia (AOL) - Waxaa maanta xarunta Ururka Samafalka Wadaniga ah ee HIRDA ee Degmada Baardheere lagu soo gabagabeeyey tababar mudo 5 Maalin ah xaruntaasi uga soconayey Macalamiinta wax ka dhigta Dugsiyada Waxarashada ee ay maamulaan ururka HIRDA, iyadoo munaasabadii lagu xireyey tababarkana ay kasoo qeyb galeen Maamulka Hirda, Gudiga waalidiinta iyo xubno ka socdey Ururada Bulshada rayidka ee ka jira degmada Baardheere.

Tababarkani ayaa mudada uu soconayey waxaa ka qeyb galey ilaa 40 Xubnood oo isigu jirey dhamaan Macalamiinta Dugsiyada iyo xubno ka tirsan Gudiga waalidiinta, waxaana mudada tabarka oo  5 Malin dhameyd lagu baranayey daruus kor loogu qaadayo aqoonta macalinka, iyadoo daruustaasna uu bixinayey Cabdi Daahir Aden Diiriye oo ahaa Macalinkii ugu horeeyey oo 1998 waxarashada HIRDA ka bilaabay degmada Baardheere.

Cabdi Daahir ayaa ka warbixiyey mudada 5ta maalin ah duruustii ay qaateen Macalamiinta iyo Xubnaha Gudiga waalidiinta in ay ka mid ahaayeen habka cashir dhigista, sida manhajka iyo xiisadaha laysagu qeybinayo, wajibaadka Maamulaha iyo Macalinka, Doorka gudiga waalidiinta ee dinaca Waxbatashada iyo weliba sidii loo taageeri lahaa waxbarashada gaarka loo leeyahay.

Xirataankii tababarkan maanta ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey Gudoomiyaha HIRDA – Soomaaliya Cabdi Fataax Maxamed Cali oo ka qeyb-gala-yaashii tababarka kula dardaarmay in waxii ay ka kororsadeen tababarkan ay ku dhaqmaan, isla markaana ay ugu faa'ideeyaan ardeyda ay waxbarayaan.



Axmed Cumar Saalixi, Baardheere-Gedo.




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com