WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, June 7, 2008

Ururka Samafalka Wadaniga HIRDA oo Maro kaneecooyin u qeybiyey Qoysas ku dhaqan tuulooyin Hoos yimaada Degmada Garbahaarey

Bardhere, Somalia (AOL) - Ururka Samafalka Wadaniga ah ee HIRDA ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyey waxuu gargaar maro kaneecooyin ah uu gaarsiiyey dad gaaraya ilaa 15000 oo qoys oo ku dhaqan tuulooyin hoos yimaada Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,kuwaasi oo bilihii u dambeeyey ka cabanayey cudurka malaariyada uu tuulooyinkaasi faro kulul ku hayey.

Qoysaskan loo qeybiyey gargaarka Maro kaneecooyinka ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku nool yihiin ilaa 25 tuulo oo hoos yimaada Degmada Garbahaarey,iyadoo qaar ka mid ah Qoysaskaasina la sheegayo in ay la ildaran yihiin Xanuunka Cudurka Malaariyada,kuwaasi oo aanan helin hadda ka hor Qalabkii iyo daawadii ay ugu hor tegi lahaayeen Malaariyada.

Madaxa Ururka HIRDA-Soomalia Xasan Cabdi Keynaan oo ka soo laabtey Socdaal shaqo oo uu ku kala bixiyey Tuulooyinkaasi ayaa waxaa uu sheegay deegaanadii ay booqdeen in ay ku arkeen dad kun qoys kor u dhaafay oo la ildaran xanuunka Cudurka Malaariyada, isagoo tlmaamayna gargaarka hadda loo fidiyey in uu wax ka bedeli doono xaaladahii caafimaad daro ee qoysaskaasi ay ku sugnaayeen todobaadyadii la soo dhaafey.

Xasan Cabdi Keynaan ayaa waxaa uu intaasi ku darey in Gargaarka noocani oo kale uusan ahayn kii ugu horeeyey ee Ururkoodu uu ka qeybiyo Gobolka ,balse waxaa uu sheegay in gargaar midkani la mid ah in ay horey ugu qeybiyeen Degmooyinka Baardheere,Buurdhuubo,Luuq iyo Dolow.

Si kastaba ha ahaatee qeybinta Gargaarkan maro kaneecooyinka ee deegaanadaasi ayaa waxuu ku soo beegmayaa xilli dadka ku dhaqan Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, todobaadyadii tagey ay la soo deristey xaalado caafimad daro.





 

 


Axmed Cumar Saalixi, Baardheere-Gedo.




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com