![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||||||||||||||
|
|
||||||||||||||
Munaasabad balaaran oo lagu
caleemo saarayey furitaanka
Jaamacada Gedo oo in mudo ah ka
soocotey Degmada Baardheere ayaa
shaley galab si rasmi ah daaha
looga rogay, waxaana
munasaabadii Caleemo saarka
Jaamacada Cusub ee Gedo oo lagu
qabtey Xarunta Dugsiga H/Dhexe
ee BPS ee HIRDA ka soo qeyb
galey Boqolaal dad ah oo isugu
jira rag iyo dumar, kuwaasi oo
ka kala socdey Qeybaha kale
duwan ee Bulshada ku dhaqan
degmada Baardheere.
Xafladani oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa qaban qaabadeeda waxaa iska kaashadey Maamulka Jaamacada Gedo, HIRDA iyo Markabley Relief And Development Trust ayaa ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Gedo Bashiir Cumar Ciise oo sharaxaad ka bixiyay halka iminka ay wax marayaan iyo tayada waxbarashada ee Campus-ka aas-aaska Jaamacadda Gedo laga bixinaayo iyo Maxamuud Xasan Cilmi oo isna ka tirsan Ururka SDF ayaa waxay ku nuux-nuuxsadeen heerarkii kala duwanaa ee ay soo martey in Jaamacad laga dhiso Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Baardheere, iyagoo sheegayna in Ujeedada ugu weyn in ay tahay sidii ardeyda soo dhamaysata dugsiyada Sare ee Gobolka ay u heli lahaayeen Jaamacad. Mas'uuliyiintii kala duwanaa ee iyana Munaasabadaas Caleemo saarka Jaamacada Gedo ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Farey, Gudoomiyaha Baardheere Maxamed Xirsi dhudi, Gudoomiyaha Haweenka Baardheere Diyaaro Aden Waraabe iyo Wakiilka Ugaaska Beesha Sade Maxamed Ugaas Cumar. Dhamaan xubnahaasi kala duwan ayaa waxay ku amaaneen Maamulka Jaamacada iyo Jaliyadaha Dibada ee u dhashey Gobolka doorkii iyo gacantii ay ka geysteen taabo gelinta waxbarasho gaarsiisan heer jaamacadeed oo ka taabo gasha Gobolkan Gedo. Intii ay socotey Xaflada ayaa waxaa Qadka Telefonka soo galey oo khudbado dheer halkaasi ka jeediyey Prof. Warsame Xasan Cali iyo Dr. Cali Malaaq oo labdooduba degan dalka Mareykanka kana mid ahaa Asaasayashii Jaamacada Gedo, waxayna ka warbixiyeen marxaladahii loo soo marey taabogelinta Jaamacada Gedo. Sidoo kale munaasabada intii ay socotey ayaa waxaa barbar socdey tartan Cayaar dhinaca kubada cagta ah oo ay isaga hor yimaadeen labo kooxood oo kala ah: Xulka Degmada Baardheere iyo kooxda Jaamacada, iyadoo loo tartamayey Koob lagu maamusayey Munaasabada furitaantaanka Jaamacada Gedo ayaa ciyaartii finalka waxay ku dhamaatey 3-1, waxaana halkaasi ku badiyey Xulka Degmada Baardheere. Si kastaba ha ahaatee, Jaamacada Gedo oo la furey1/4/07 ayaa ilaa iyo hadda ay howlaheedii si habsami leh ay ku socdaan, iyadoo Semestrkii u horeeyey ee Qeybta Maamulka iyo xisaabadkana uu haatan uu ku jiro fasaxii uu ugu gudbi lahaa Semesterkii labaad, waxaana haatan soconaya Isqoristii ardeyda Jaamacada. Axmed Cumar Saalixi - Baardheere, Gedo. Allgedo News Media Network allgedo@allgedo.com |
||||||||||||||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|