WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, December 19, 2008

 
Ardaydii Jaamacadda Gedo oo u fariistay imtixaanaadkii semester-kii labaad iyo Jaamacadda oo qaadanaysa arday cusub 
 
Masawirka Prof. Bashir ee bidix waxaa la qaaday August 29, 2008 oo ah munaasabaddii lagu caleemo saarayay furitaanka Jaamacadda Gedo oo ka dhacday Baardheere, Gedo/Somalia.  




 



Waxaa maalintii khamiista ahayd ee December 18, 2008 soo xirmay imtixaankii semester-kii labaad ee ardayda dhigata kuliyadda maamulka iyo maaraynta (Business Administration) ee Jaamacadda Gedo. Waxaana Jaamacaddu qaadanaysaa arday cusub oo ah kuliyaddaas kor ku xusan iyadoo shuruudaha aqbalaaduna laga heli doono xarunta Jaamacadda ee Bardheere. 

Jaamacadda Gedo waxay ku hawlantay buuxinta kaalinkii jaamacadeed ee uu u baahnaa gobolka Gedo wallow ay jaamacaddu ku jirto marxalad bilow ah, haddana intii ay jirtay waxay fulisay hawlo la xiriira tacliinta sare, seminaaarro iyo baraarujinta bulshada si ay iskaga kaashadaan danta guud iyo horumarinta gobolkooda. 

Waxaan idiin xaqiijinayaa in Jaamacadda Gedo tahay mid ay ka faa’iidaysan karaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan gobalada koonfureed.

Gobalada Gedo, Bay, Bakool iyo Jubbooyinka ayaa noqon doona kuwa ugu horreeya ee hela miraha waxbarashada Jaamacadda Gedo. Waxaan bogaadin iyo mahad naq u dirayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddamada dibadda gaar ahaan waqooyiga Ameerika oo Ururka Somali Development Foundation (SDF) ay jaamacadda ka taageereen qalabaynta iyo mushaaraadka macallimiinta, 5-tii bilood ee lasoo dhafayna ay ugu deeqeen Jaamacadda Gedo lacag gaaraysa $12,535 oo isugu jirtay qalab xafiiseed, mid waxbarsho, kuraasidii Jaamacadda iyo lacag caddaan ah oo mushaaraadka macallimiinta lagu kabayey.  

Waxaan kale mahad naq u dirayaa C/laahi Cabdi Canshuur (AB4) oo ka mid ah hawl-wadeenada ururka samafalka waddaniga ah ee SADO oo qalab iyo buugaag ugu deeqay Maktabadda Jaamacadda qalab iyo iyadoo horeyna ay SADO jaamacadda ugu deeqday buugaag ay aad ugu baahnayd xarunta aasaaska Jaamacadda Gedo.  

Jaamacadda Gedo waxaa la aasaasay bishii Maarso ee 2008-da waxayna tiigsanaysaa sidii ay bulshada reer Gedo uga haqab tiri lahayd waxbarasho heersare ah si ay uga kaaftoomaan aadista wadamada deriska ah iyo u haajiridda meelo ka fog gobolkii ay u dhasheen iyagoo raadinaya waxbarasho heer Jaamacadeed ah. Jaamacaddu waxay wajahaysaa arrimahaas la xiriira horumarinta bulshada iyadoon cidna u xaglinayn kana madax bannaan ururrada siyaasadda, kuwa diinta iyo kuwa qabyaaladda ku dhisan. Waxay jaamacadda Gedo ku sifoowday dhexdhexaadnimo taasoo ay ka markhaati kici karaan bulshada reer Baardheere ee la socday hawlaha jaamacadda muddadii ay jirtay. 

Jaamacadda Gedo waxay xariir toos ah iyo wada shaqayn la yeelan doontaa ururro iyo mac’hadyo goboleedyo iyo kuwo caalami ah oo si toos ah ugu lug leh horumarinta, hagidda iyo hanuuninta bulshada Soomaaliyeed. Jaamacadda Gedo waxay udub dhaxaad u noqon doontaa dib u hanashada haykalkii qaranimo iyadoo tacliin iyo tababar u  sii maraysa. 

Maamulka Jaamacadda Gedo wuxuu si horumaris ugu hambalyeynayaa Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Center for Research & Integrated Development (CeRID) oo iminka un biloowday wada tashiyo baahsan oo aan filayno inay horseedi doonto talo iyo tusaale wanaagsan. Waxaan ku rajo weynahay inay CeRID keeni doonto tilmaamo hufan oo soo celiya rajadii luntay.  

Ugu dabayntii waxaan ugu baaqayaa bulshada reer Gedo iyo Gobolada ku xeeranba inay ka faa’iidaystaan fursadda ugu soo gashay gurigooda ayna tiigsadaan gobolada kale ee dalka ee isku tashaday. Waxaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Yurub ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan sidii aan mustaqbal fiican ugu horseedi lahayn gobalka Gedo iyo  koonfurta Soomaaliya.  

 

Prof. Bashir Cumar Ciise  (Nuunuule)
Guddoomiyaha Jaamacadda Gedo, Xarunta Aasaaska
Baardheere, Gedo, Somalia
Gacaliye85@hotmail.com

 



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 


 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com