Allgedo News,
May 22, 2009
|
Wariye Cabdirisaaq Warsame
Maxamed (Gaadaco) oo u
shaqeynayay Idaacadda Shabelle
ayaa maanta ku dhintay magaalada
Muqdisho kaddib markii ay ku
dhaceen xabado habow ah
Allaha u naxariistee Wariye ka
tirsanaa Idaacadda Shabelle ee
magaalada Muqdisho ka howlgasha
ayaa saaka ku geeriyooday
dagaalada ka socda caasimadda,
gaar ahaan nawaaxiga wadada
Wadnaha iyo suuqa Bakaaraha
xilli uu wado marayey marxuumka.
Wariye Cabdirisaaq Warsame
Maxamed (Gaadaco) oo ka mid ahaa
wariyeyaasha raadiyaha Shabelle
ayaa ku dhintay magaalada
Muqdisho ee caasimadda Somalia
kadib markii wariyaha ay ku
dhaceen xabado habow ah oo kamid
ah kuwa ay isweydaarsanayaan
dhinacyada dagaalamayo, Eebe
janadiisii ha siiyo C/risaaq
Gaadaco ayaa u soo socday xillii
uu geeriyoonayey xarunta
Idaacadda Shabelle.
Wariyahan dhintay ayaa kamid
ahaa soo jeediyeyaasha wararka
ama News-Casters, wuxuuna
Shabelle ka shaqeynayey muddo
dheer,isagoo ahaa wariye si weyn
looga yaqaano magaalada Muqdisho
oo dadkiisasi hufan ugu shaqeyn
jiray.
Dagaalada iyo colaadaha Somalia
guud ahaan ka jira ayaa guud
ahaan saameynta ay shacabkeena
ku hayeen,gaar ahaan waxaa
dhibaato aan la qarin karin ay
ku hayaan saxafiyiinta Somalida
ah, haba u badnaadaan kuwa
Muqdisho ka shaqeeya oo duruuf
adag ku jira.
Horaantii sanadkan ayey aheyd
markii isla sidan oo kale wariye
uga soo hadli Jiray Idaacadda
Shabelle degmada Afgooye oo
laoran jiray Xasan Mayow Xasan
ay toogteen kooxa hubeysan xilli
uu shaqadiisa ku guda jiray.
Mahad Maxamad, Muqdisho/Somalia.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|