WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 23, 2009

Warqadaha Aqoonsiga Somalinimo oo dad Ajnabi ah laga iibiyo Dalka Jarmalka

By Ali Abdi Aden, Germany


Berlin, Germany (AOL)
- Warqadaha Aqoonsiga somalinimo oo dad asalkoodu u dhashay wadamada Yaman, Sudan, Kenya, Erateriya laga iibiyo. ayadoo looga iibiyo lacag ka badan 1000 Euro, isla markaana xeryaha qaxootiga Dalka Jarmalka buux dhaafiyey.  Sida la xaqiijiyey warqadahaas waxay kasoo baxeen Xafiiska Safaarada Somalidu ku leedahay Berlin, waxaana arinkaas ka danbeyeyna Shaqaale hoose (local staff) iyo dad ay qaraabo dhow yihiin Ambasador Tiifow.

Waxaa qaylo dhaan xoog leh ka muujiyey dhamaan dadka Somaliyeed ee degan Dalka Jarmalka, ayadoo ay Jaaliyada iyo Waxgaradka dacwad u gudbiyeen Hayadaha ku shaqada leh.
 
Dadka Somaliyeed ee degan Dalka Jarmalka oo ay hore dhibaatooyin badan ka haysatey dhinacyada Sharciga, Shaqada iyo isdhexgalka ayaa Dadka qaatey Aqoonsiga Somalinimo oo xambarsan dhibaatooyin ay ka mid yihiin Argagixiso, iibinta Daroogada iyo Tuuganimo oo culays badan ku kordhinaya xaaladii adkayd ee haysatey.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com