2    


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo  News, January 9, 2008

Gudoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo ka hadley xaalada abaareed ee ka taagan degmadaasi, arimo ku saabsan caafimaadka iyo waxbarashada

Luuq, Somalia (AOL) - Gudoomiyaha degmada luuq ee Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed ayaa sheegay in xaalada nololeed ee degmada Luuq iyo deegaanada ku xeeran ay haatan marayso meeshii ugu xumayd kaddib markii labo fasal oo isku xiga aanu wax roobab ah ka di'in deegaankaas, taasina ay keentay in xoolo u badan Lo iyo Ari ay u dhintaan baad iyo biyo la'aan deeganada qaar.

Gudoomiyaha Degmada Luuq oo xaley wareysi siiyey Allgedo ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadley xaalada ay ku sugan yihiin qoysas tiro badan oo ka soo barakacay dagalada Muqdisho ka soconaya dhowaana soo garey Luuq in xaladooda nololeed ay mareyso meshii ugu xumeyd, waxuuna tilmaamay in qoysaskasi tiradoodu ay gaareyso ilaa 3000 Qoys, ilaa iyo hadda ma ayan helin ayuu yiri gargaar bini'- aadinimo, arimahan oo isbiirsadey ayaa sii adkeeyey nolosha deegaanka.

Axmed Buule Maxamed waxaa uu tibaaxey in degmada Luuq ay ka jiraan adeegyo ay ka mid yihiin
Isbitaalo iyo dugsiyo waxbarasho, isagoo sheegay in Isbitaalka Degmada oo lagu daaweeyo bukaano tiro badan ay maamulaan Hay'adda GHC oo inta badan gacanta ku haysa Isbitaalo ku yaala qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo.

Mar uu Gudoomiyahu uu ka hadlayey xaalada waxbarashada Degmada Luuq ayuu sheegay in Luuq ay ka jirto waxbarasho balaaran oo garsiisan ilaa heer dugsi dhexe, Sanad dugsiyeedka soo socdana ay furi doonaaan dugsi Sare kaasi oo dhowan la dhagax dhigi doono.

Waxbarashada ka socota degmada Luuq ayuu sheegay inay ka saacideen Urur Samafal wadani ah oo lagu magacaabo Gedo Education and Development Organization (GEDO) oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka.

Gudoomiyaha Degmada Luuq Axmed Buulle ayaa ku amaanay Ururada Samafalka wadaniga ah ee ka soo jeeda Gobolkan ee fadhigoodu yahay dalka dibadiisa talaabada ay had iyo jeer ku taageerayan xoojinta waxbarashada Gobolka Gedo.



Axmed Cumar Saalixi, Baardheere-Gedo.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com