Wax garadka iyo siyaasiyiinta
magalada Cabudwaaq oo soo saaray
baaq ku wajahan xukuumada cusub
ee uu dhawaan soo dhisay Ra’isul
wasaare Nuur Cadde
Caabudwaaq, Somalia (AOL)
- Kulamo iyo wada xajoodyo
baryahii lasoo dhaafey ay
yeesheen wax garadka iyo
siyaasiyiinta magaalada
Caabudwaaq ayey ka soo saareen
dhaliil ay usoo jeediyeen qaabka
loo soo dhisay xukumada cusub ee
dhowaan uu soo dhisey Ra'isal
wasaare Nuur cade waxayna
sheegeen in beesha SADE aan laga
siin xukuummada cusub waxii ay
xaqa u lahayd.
Kulnka dabadii waxaa saxaafada
uga war bixiyay natiijooyinkii
kasoo baxay kulamadaa Afhayeenka
Beesha Sade ee Degmada Cawil
Geele Diiriye waxaana uu sheegay
in aanay marnaba u cuntamin
xubinta la siiyay beeshooda.
"Waxaan nahay beel weeyn oo
degta gobolada Juboyinka, Gedo
iyo Gal Gaduud, mana qaadaneeyno
sida foosha xun ee loola
dhaqmayo ayuu yiri Beesha yada
ee Quursiga ah, waayo wasaarada
la'ina siiyay ee ah wasaarada
Horomarinta Gobolada iyo
dastuurka waa mid aan u cuntamin
beesha Sade” ayuu yiri Cawil
Geele Diiriye oo ah afhayeenka
Beesha Sade ee Degmada Cabudwaaq
Sidoo kale, waxaa uu sheegay
inta madaxweyne Cabdullaahi
Yuusuf uusan ka tegin dalka in
beesha loo qorsheeyey in la
siiyo wasaarada Arimaha Dibada
lagana weeciyey meelo kale.
Arintan ayaa waxaa ay kusoo
beegmeysaa xili dhawaanahan ay
kasoo yeereeysay qeylo dhaan
Beelaha Soomaaliyeed iyo
xildhibaanda Baarlamaanka
qaarkood oo ku aadan qaabka loo
soo dhisay xukuumada ka kooban
18-ka wasaaradood.