|
|
Allgedo News, May
27, 2008
|
|
Odayaal dhaqameed lagu laayay
Tuulooyin ku yaal Xadka kala
qeeybiya gobolada Bay iyo Gedo |
Baardheere,
Somalia (AOL)
- Shan qof oo labo ka mid ay
yihiin Odoyaal dhaqameed caan ka
ah Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu
soo waramayaa in ay ku
geeriyoodeen ,halka 7 kalena
dhaawac uu ka soo gaaray, kadib
markii meel ay ku shirayeen oo
lagu magacaabo Laan garas oo u
dhexeeysa Deegaanada Buur Dhubo
iyo Ufuroow ay kooxo Dableey ahi
weerar ku qaadeen isla markaan
rasaas aan loo meel dayin ay ku
rideen odayashaasi.
Odayaasha la laayay ayaa waxaa
ay ka shirayeen sidii loo hakin
lahaa Xiisado ka dhex taagan
Xoolo dhaqato reer Guuraa ah oo
ka soo kala jeeda Beelo Wada
dega xadka u dhexeeya Gobolada
Bay iyo Gedo kuwaasi oo isku
heeysta Dhul Daaqsineed ay soo
naq raaceen dad ka tagay gobolka
Gedo.
Dadkii dhaawaca ku noqday
Rasaastaasi ayaa waxaa maanta
duhuradii loo Qaaday Deegaanka
Buur dhuubo si loogu Daaweeyo
waxaana qaar ka mid ah dadkasi
ay yihiin Xaaladooda Mid aad u
lidata.
Waxaa laga dareemayaa
Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay wadaan
maleeshiyaadka Deegaano ka
Tirsan gobolka Gedo tiiyo Qaar
ka mid ah Wax gard iyo odayaal
ay ka tagay magaalada Baardheere
ee gobolka Gedo ay ku baxeen
halka ay dhibaatada ka dhacday
ee odayasha lagu laayay kuwaasi
oo la filayo in ay iyana soo
xaliyaan qilaafaadka keenay in
odayaashaasi lagu laayo.
Dhawaanahan waxaa ka taagnaa
xiisado Colaadeed xadka kala
qeeybiya Labada gobol ee gedo
iyo Bay kaasi oo u dhexeeyay
beelo wada dega halkasi waxaana
u qilaafaadkooda salka ku hayay
isqabsi ku aadan dhul daaqsineed
ku yaal halkasi.
Oodyasha iyo Waxgaradka
degmooyinka Gobolka Gedo ayaa
waxay dadaaal ugu jiraan sidii
xiisada loo qaboojin lahaa
waxayna ugu baaqeen qeybaha kala
duwan ee Waxgaradka Gobolka Gedo
inay is dejiyaan,ayna ka
fogaadaan wax allaale waxii
dhibaato keeni kara.
Axmed Cumar Saalixi, Baardheere.
|
 |
|
|
|
|
|