Allgedo News, May
26, 2009
|
Qaar
ka tirsan wufuudii kasoo qeyb gali
laheyd shirweynaha Dibad-joogta beesha
Sade ee ka dhacaya Columbus, Ohio ayaa
soo gaaray madasha shirka
 |
|
Xildhibaan Abdi Ali Hassan
(PhD) oo ka tirsan DKMG, haddana
shirka Columbus, Ohio uga yimid
Nairobi, Kenya. |
 |
|
Enj. Guleed Cali Xasan oo ah
waiil ka socda jaaliyadda beesha
Sade ee Copenhagen, Denmark,
haddana kasoo qeyb galay shirka
Columbus, Ohio |
Magaalada Columbus,
Ohio ayaa waxaa kusoo qul-qulaya wufuud
fara badan oo ka tirsan Qurba-joogta
beesha Sade oo ka kala imaanaya shanta
Qaaradood.
Inkasta oo aanay ilaa iyo hadda cadeyn
tirada rasmiga ah ee wufuudda soo
gaartay Columbus ayaa haddana waxaa
galabata ii suurtagashay in aan la kulmo
Xildhibaan Abdi Ali
Hassan (PhD) oo ka tirsan DKMG, haddana
shirka Columbus, Ohio uga yimid Nairobi,
Kenya iyo
Enj. Guleed Cali Xasan oo ah wakiil ka
socda jaaliyadda beesha Sade ee
Copenhagen, Denmark,
Columbas-na u yimid
in uu ka qeyb galo shirweynaha
Qurbajoogta beesha Sade oo bishaan May
28-keeda ka dhici doona magaalada
Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.
Labadaan nin oo sida ay sheegeen
waqtigooda iyo qarash badan usoo bixiyay
oo kaliya sidii ay uga qeyb gali
lahaayeen shirka Columbus ka dhacayo
ayaa dhanka kalena waxaa wejiyadooda ka
muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin in
ay kasoo qeyb galaan shirweyne ay beeshu
leedahay oo looga arinsanayo nabadeynta
iyo horumarinta deegaanada ay beesha
kasoo jeedo.
Wixii akhbaar ah ee kusoo kordha
furitaanka shir weynaha Columbus iyo
natiijada kasoo bixi doontaba kala soco
shebekadaha Gedonet, Gedoweb, iyo
Allgedo.
Aden A. Colujoog, Columbus/Ohio.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|