WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 27, 2009

Qaar ka tirsan wufuudii kasoo qeyb gali laheyd shirweynaha Dibad-joogta beesha Sade ee ka dhacaya Columbus, Ohio ayaa soo gaaray madasha shirka
 

Col. Cabdi Cusmaan Nuur oo ka yimid Birmingham, UK, haddana ku sugan Columbus, Ohio
Col. Maxamuud Samater Axmed oo ka yimid Seattle, WA.
Sulub Cali Nuur oo isagu ka mid ah odayaasha beesha Sade ee reer Columbus, Ohio.

Columbus, Ohio - Weli waxaa magaalada Columbus, Ohio kusoo qul-qulaya wufuud fara badan oo ka tirsan Qurba-joogta beesha Sade oo ka kala imaanaya Qaaradaha Africa, Asia, Europe iyo North America.

Magaalada Columbus, Dadka kale ee ilaa iyo iminka soo gaaray Columbus, Ohio ayaa waxaa ka mid ah: Col. Cabdi Cusmaan Nuur oo galabata kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Columbus International Airport, kana yimid Birmingham, UK, Col. Maxamuud Samater Axmed xalay kusoo galay Columbus safar cirka ah kana yimid Seattle, WA, Raage Maxamuud Jaamac iyo Liban A. Egal oo iyana ka yimid magaalada Northern Virgina.

Inkasta oo aanay ilaa iyo hadda cadeyn tirada rasmiga ah ee wufuudda kala duwan ee ka kala timid dacalada aduunka, haddana waxaa tirada rasmiga ah ee Columbus, Ohio ku sugan la ogaan doonaa maalinta berito ah oo uu shirweynaha si OFFICIAL ah u furmi doono.

Dhamaan wufuudaan soo gaaray magaalada Columbus ee ka qeyb galaya shirweynaha berito ayaa waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay kasoo qeyb galaan shirweynaha kowaad ee ay qurbajoogta beesha Sade ku yeelaneyso magaalada Columbus ee gobolka Ohio, kaasoo bilaaban doono May 28, socona doona ilaa May 31, 2009.

Wixii akhbaar ah ee kusoo kordha furitaanka shir weynaha Columbus iyo natiijada kasoo bixi doontaba kala soco shebekadaha Gedonet, Gedoweb, iyo Allgedo.
 

 

Eng. Liban A. Egal oo ka yimid Northern Virgina, haddana ku sugan Columbus, Ohio/May 27, 09 MSIS - Raghe Mahamud Jama ka yimid Northern Virgina, kuna sugan Columbus, Ohio/May 27, 09


Aden A. Colujoog, Columbus/Ohio.


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com