WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 27, 2009

Wufuud ka kala timid Qaahiro (Egypt), Canada iyo gudaha USA oo Columbus, Ohio soo gaaray
 

Cabdiweli Sheikh Axmed (PhD), uga yimid shirka Columbus, Ohio magaalada Qaahira ee dalka Egypt
MA- Cali Malaaq Axmed, SDF Chief Strategic planner, ugana yimid shirka Columbus, Ohio Windsor, Ont. Canada.
Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan
BA - Peace awarded Ambasador oo ku nool magaalada Columbus, Ohio

Columbus, Ohio - Weli waxaa magaalada Columbus, Ohio soo gaaray qaar ka mid ah wufuudda kasoo qeyb galeysa shirweynaha qurbajoogta beesha Sade oo bari ka furmaya magaalada Columbus, Ohio.

Magaalada oo aad u weyn iyo wufuudda oo ku kala degtay Hoteelyo ku yaala magaalada Columbus, Ohio awgeed, suurtagal ma ahan in la ogaado tirada rasmiga ah ee ilaa iyo hadda soo gaaray Columbus.

Waxaa ilaa iyo hadda xafiiska magaalada Columbus uga furan shebekadaha Gedonet, Allgedo iyo Gedoweb soo gaaraya teleefano ka imaanaya qaar wufuudda ka tirsan oo kusoo jira dhexda, kuwaasoo ku kala imaanaya cirka iyo dhulka kuna soo wajahan magaalada Columbus, Ohio.

Wixii akhbaar ah ee kusoo kordha furitaanka shir weynaha Columbus iyo natiijada kasoo bixi doontaba kala soco shebekadaha Gedonet, Gedoweb, iyo Allgedo.

Waxaa ii suurtagashay in aan galabata la kulmo Cabdiweli Sheikh Axmed (PhD), ugana yimid maqaalada Qaahiro ee dalka Egypt in uu kala qeyb galo qurbajoogta beesha Sade shirweynaha Columubs, Ohio uga furmaya.

Sidoo kale, qaar kale oo oo wufuudda shirka Columbus ka qeyb galeysa oo aan la kulmay ayaa waxaa ka mid ah: 
MA- Cali Malaaq Axmed, SDF Chief Strategic planner, ugana yimid shirka Columbus, Ohio Windsor, Ont. Canada,
Nabadoon Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan oo ku nool magaalada Columbus, Ohio, Cumar Sheikh Maxamuud Sh. Cabdullaahi iyo Maxamed Cali Nuur oo ka yimid magaalada Kansas City, MO, Mohamed Omar Halane oo ka yimid magaalada Chicago, Il, Cabdirshiid Sh. Maxamuud Sh. Cabdullaahi oo ah maamulaha shebekadda Gedoweb iyo Ibraahin Cabdi Galayax oo hadda kasoo degay garoonka Columbus International Airport, kana yimid magaalada Minneapolis, MN.
 

Qaar kale oo ka mid ah masawirada wufuudda soo gaaray Columbus, Ohio/ May 27, 2009

Cumar Sh. Maxamuud Sh. Cabdullaahi oo ka mid ah wufuudda shirka Columbus uga yimid magaalada Kansas, MOL/ May 27, 2009 Ibraahin Cabdi Galayax oo ka mid ah wufuudda shirka Columbus, Ohio uga yimid magaalada Minneapolis, MN/ May 27, 2009

Cabdirashiid Sh. Maxamuud Sh. Cabdulahi oo ah maamulaha shebekadda Gedoweb oo ka yimidmagaalada Minneapolis, MN/ May 27, 2009 Mohamed Omar Halane oo shirka Columbus ka dhacaya uga soo qeyb galay magaalada Chicago, IL/ May 27, 2009



Aden A. Colujoog, Columbus/Ohio.
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com