WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 29, 2009

Shirweynihii Qurbajoogta beesha Sade ee Columbus, Ohio oo maalintiisii labaad galay

 

Columbus, Ohio - Maalintii shalay aheyd ayaa waxaa magaalada Columbus, Ohio si rasmi ah uga furmay shirweynihii 1aad ee Qurbajoogta beesha Sade.  Wufuuddii shalay shirka kasoo qeyb gashay oo oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 300 oo qof. 

Agendaha looga hadlayay shirkii shalay ayaa u badnaa soo dhaweyn, is barasho, ka hadal mowduucyo gaar ahaa oo ku jiray agendihii degsanaa ee horay loo soo diyaariyay.

Dhamaan dadkii shalay meeshaas ka hadlay ayaa waxay isugu jireen dad horay loo sii diyaariyay in ay shirka ka hadlaan (Geuest speakers) iyo qaar ka mid ahaa wufuuddii ka kala timid Africa, Asia, Europe, iyo North America. 

Maanta oo ah maalintii labaad ee shirka ayaa waxaa hoolka Hilton Hotel ee uu shirka ka socdo soo camiray wufuud badan si ay uga qeyb qaataan shirka.

Markii lasoo aruuriyo qaabkii uu shalay shirku u dhacay ayaa waxaa la oran karaa waxuu ahaa mid ay ku dheehneyd fariin xambaarsaneyd iscafin, isu soo dhawaasho iyo is afgarad.

Dhanka kale, agendooyinka intooda badan maanta shirka looga hadli doona ayaa waxuu u badnaan doonaa feker dhiibasho la xariira talada ugu haboon ee ay beeshu ka yeelan karto sidii ay qurbajooga beesha Sade u yeelan lahaayeen gole ay ku mideysan yihiin.

Wixii akhbaar ah ee ku saabsan shirkan kala soco shebekadaha: Gedonet, Gedoweb iyo Allgedo.


Warbixintaan waxaa si wada jir ah idinkugu soo gudbiyay: 

Aden A. Colujoog,  Cabdirashiid Sh. Maxamuud & C/risaaq Cali Carabey (Jeesteeye.)


 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com