|
|
Allgedo News, May
4, 2008
|
|
Wareysi uu wariye Yaxye C/risaaq
Soofe la yeeshay gudoomiyaha
SORASOD Idiris Hassan Farah
|
Waxaa inoo suurta gashay in aan
wareysi dhinacyo badan taabanayo
la yeelano gudoomiyaha ururka
Somali Reconstruction And Social
Development ry (SORASOD) Idiris
Hassan Farah, ugu horeena waxaan
waydiiyay bal aragtidiisa ku
aadan marxaladda dalka
Soomaaliya uu ku sugan yahay
haatan.
Jawaab:
Mahadsanid Yaxye. Runtii
Soomaaliya waxay ku sugan tahay
xaalad laga naxo oo murugo leh,
mana jirto arin muujinayso inay
Soomaaliya kasoo raynayso balse
waxaa muuqato sanadba sanadka ka
dambeeyo, bilba bisha ka
dambayso in mushkilada
Soomaaliya ay kasii darayso.
Su'aal:
Eng. Idiris, waxaa had iyo jeer
ka dhaca dalka Soomaaliya
dagaallo u dhexeeya dawladda
Fadaraalka oo garab ka helayso
ciidamada Itoobiya iyo kooxaha
ka soo horjeeda, waxaana inta
badan dagaaladaasi ku wax
yeelooba shacab Soomaaliyeed,
hadaba yaad adigu
mas'uuliyadaasi u saarinaysaa?
Jawaab:
Runtii cida masuuliyadaas dusha
u ridanayso waa cadahay, maxaa
yeelay fidna kastaa cidii
bilawdaa baa leh. Ninka keenay
ciidamada Ethiopia wuu ogaa in
lala diriri doono oon la aqbali
doonin, wuuna ogaa in dagaalku
saamayn doono dad aanan waxba
galabsanin, maxaa yeelay inta
badan hadii dagaal dhaco caruur
iyo haween iyo dadka tabarta
daran ayaa ku wax yeeloobo waana
tan hada socoto, sidaas darteed
masuuliyadaan waxaa qaadayo cida
ciidamada Ethipia keentay
Soomaaliya, taana ma ahan mid ay
labo Cali iswaydiinayaan.
Su'aal:
Mida kale, waxaa jira dadaallo
nabadeed oo ay wado dawladda
dalka Jabuuti, taasoo lagu dhex
dhexaadinayo dawladda Fadaraalka
iyo qolooyinka ka soo horjeeda.
Ma is leedahay shirkaasi wuxuu
noqon doonaa mid najaxo,
ururkiinase ma taageeray
shirkaasi dib u heshiineed?
Jawaab:
Sida caadiga ah shir kastaa oo
Soomaalida loo qabto waxuu sii
huriyaa colaada soomaaliya marka
laga reebo shirkii Carte.
Marka shirarkii hore dab iyo
baasiin ayaa la is taabsiin
jiray, balse kani waxa uu kaga
duwan yahay baan is leeyahay
ayadoo meesha hada Soomaalidu
marayso aanay jirn meel kasii xu
oo loo sii kaxeeyo, sidaa
darteed waxay ila tahay hadiiba
uu shir dhaco inuu noqon doono
kii mushkilada Soomaaliya sii
khafiifin lahaa, mana ahan mid
la hubo ee waa rajayn. Tan
kale, la shaqaynta waxii kasoo
baxo anagu waxii Soomaali dan u
ah waan taageeraynaa, waxii
Soomalida aan dan u ahayna waan
diidaynaa.
Su'aal:
Eng Idiris waxaa tahay siyaasi
inta badan ka hadla arimaha
Soomaaliya, fikradahaagana inta
badan waxaad moodaa in ay ka soo
horjeedaan dawladda Fadaraalka
iyo ciidamada taageerayo.
Waa maxay waxa aad ku diidan
tahay siyaasadaha dawladda?
Jawaab:
Inaa lilaahi wa inaa ilaahi
raajicuun. Miyaadan arag waxa
Soomaaliya ay ka samaynayaan,
masiibada taagan duqaynta, dhaca,
barakicinta iyo halaaga?
Miyaanay kuula muuqan inaanay
su'aashaasi meesha ku jirin?
Sidaa darteed, waxaan ku
diidanay arinta Soomaaliya oo ay
sii murjiyeen, runtiina shacabka
Soomaaliyeed in lagumaysto baa
la rabaa ana taas ayaan diiday.
Su'aal:
Hadii aan qal daneyn waxaa
jirtay mar aad safar ku tagtay
magaalada Baydhabo oo xarun u ah
dawladda KMG ah, waliba waxaad
halkaasi kula kulantay Ra'isal
wasaarihii hore mudane Cali
Maxamed Geedi. Maxaad ka
wada hadasheen xilligaasi?
Jawaab:
Anigu xiligaas waxaan u tagay
Soomaaliya arin sahmin ah,
waxaanan rabay inaan Iskuul
kafuro Soomaaliya. Teeda
kale, hadii aad xasuusato
xiligaas waa xiligii ay
heshiiyeen labadii garab ee
dawladii Embigaati ee qaarna
xamar joogay qaarna Jawhar
joogay. Sidaa darteed bay
munaasib u ahayd inaan tago
halkaas. Waxaan ka wada hadal
nay aniga iyo Geedi sidii ay
suuro gal u ahaan lahayd sidii
Soomaaliya loogu soo dabaali
lahaa dhanka nabada, arikaasna
markaas wuu soo dhaweeyay
laakiin sheegis uma baahna waxuu
sameeyay. Tan kale, mahil
maantay maqaaladii aan ka qori
jiray ka hor intaanan tagin
Baydhabo. Runtii waan ogaa inay
yihiin kooxda Embigaati koox ka
samaysan shar.
Su'aal:
Maadama aad horay Baydhabo u
booqatay isla markaana aad kula
kulantay qaar ka mid ah
Mas'uuliyiinti ugu sar sareysay
dawladda. Ma la is dhihi
karaa xilliyadaasi waxaad ku
fikir ahayd amaba aad
taageersaneyd dawladda
fadaraalka?
Jawaab:
Maya, maya. Runtii waligay la
fikir ma noqonin Cabdulaahi
Yuusuf, mana la noqon doono.
Waxa uu Soomaali ku sameeyay
darteed ee tagidaydu waxay aheyd
mid ku saabsanay inaan bal soo
sahmiyo Soomaaliya, bal sidii
looga saacidi lahaa dhanka wax
barashada.
Su'aal:
Ugu danbayntii, waxaa jirtay
dacwad adiga laguugu soo oogay
oo sheegayso in aad gacan saar
la leedahay kooxaha kasoo hor
jeedo dawlad waliba oo la damco
in Soomaaliya laga sameeyo.
Waxaa jirto in arintaasi dood ku
saabsan laga sii daayay TV-ga
dalka Filand, arintaasi halkee
ku danbaysay?
Jawaab:
Saaxiib, waxaan filayaa inaad
tahay nin wariye ah kana war
hayo siyaasada aduunka manta
halka ay marayso iyo waxa ka
jiro caalamka. Sidaas darteed,
caalamku maanta waxaa laguu
dilayaa oo kali ah waxa aad
aaminsan tahay, isla markaana
laga yaabo inaadan qofna ku
dhibaa taynaynin, balse laga
yaabo inaad wax ku hagaajinayso,
balse arinku si kastaaba ha
ahaadee waan u mahad celinayaa
wadankaan Finland wax badan
ayayna i tareen oo waxbay i
bareen, shaqana way i siiyeen,
balse xafiiska baasaboorada
bixiyo ayaa diiday inuu
dhalashada i siiyo, taana waa
mid dhici karto.
Aad baad u mahadsan tahay
Iddiris.
Kaasi waxa uu ahaa Gudoomiyaha
ururka Somali Reconstruction And
Social Development ry (SORASOD),
Idiris Hassan Farah oo u
waramayay shabakadda wararka
Allgedo, waxaana waraysigaasi la
yeeshay Wariye Yaxye C/risaaq
Soofe.
|
 |
|
|
|
|
|