WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, April 17, 2009

Xaflad Lagu Maamuusayey Sannad Guuradii Kowaad ee Asaaska Jaamacadda Gedo iyo Shahaadooyin la Guddoonsiiyey Arday ka Qalin Jabisay Qaybta Computer Training(tababarka kumbuyutarka) oo ka Dhacday Baardheere



Waxaa maalintii Jimcaha ee 17-April-2009 lagu qabtay magaalada Baardheere xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday hoyga Jaamacadda Gedo ee magaaladda Baardheere. Xafladaas ayaa lagu maamuusayey sannad guuradii koowaad ee asaaska Jaamacadda Gedo isla markaana lagu guddoonsiiyey shahaadooyin arday ka qalin jabisay qaybta Computer Training oo ah Koorso lix bilood lagu diyaariyo ardayda dhigan doonta kuliyadda Computer Science-ka marka lafuro. 

Xafladdaan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Baardheere ku dhaqan oo isugu jira maamulka Jaamacadda, Macallimiinta Jaamacadda, hayada samafalka wadaniga ah ee SADO, hayadda samafalka wadaniga ah ee HIRDA, aqoon yahanno, maamulka degmada Baardheere, maamulka gobolka Gedo, ardayda Jaamacadda dhigata, iyo odayaal dhaqameed iyo ganacsatada magaaladda Baardheere.

Waxaa ugu horeyntiiba ka hadlay xafladdaas, Hormuudka Jaamacadda Gedo Prof. Bashiir Cumar Ciise Nuunuule kana warbixyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacaddu soo martay mudadaas sannadka ah ee ay jirtay. Wuxuu mahadnaq usoo jeediyey Allaah oo isgu suura geliyey asaaska Jaamacadda Gedo, intaas ka dibna wuxuu mahadnaq usoo jeediyey dadkii kale uu ku lug lahaa abuuritaanka Jaamacadda Gedo oo ay ugu horeeyaan ururada (1) Gedo Educational Development Institute (GEDI) oo ka kooban aqoon yahanno jooga wadanka gudihiisa  iskuna duway habsami socodka Jaamacadda ee wadanka gudahiisa gacanna ka geysta xalinta arrimaha degdega ah ee Jaamacadda soo waajaha, si (volunteer) ahna Jaamacadda wax uga dhiga qaybaheeda kala duwan. (2) Markabley Relief and Development Trust (MRDT) oo saldhigoodu yahay wadanka Ingiriiska kaalinna ka geystay bilowgii Jaamacadda. Iyo (3) Somali Development Foundation (SDF) oo ah gacanta ugu weyn ee taageerta Jaamacadda Gedo ilaa maantana hawlaha jaamacadda si toos ah wax uga maamusha ugana haqab tirtay Jaamacadda wixii qalab jaamacaddu u baahneyd, sida qalabka waxbarashada, qalabka xafiisyada, iyo kuraasida ardaydu wax ku barato, waxay kaloo SDF taageero ka geysataa mushaarka macallimiinta iyo shaqalaha kale ee Jaamacadda ka hawl gala. SDF waxaa saldhigooddu yahay Waqooyiga Amerika halkaas oo ay taageerada ka soo diraan. 

Waxaa uu sidoo kale Prof. Bashiir Cumar Ciise mahadnaq weyn huwiyey hayadaha samafalka wadaniga ee kala ah (1) HIRDA oo iyagu gacan weyn ka geystay asaaskii ugu horeeyey ee Jaamacadda ka dib markay ugu deeqday si kumeel gaar ah kuraasidii ardaydu wax ku baran lahayd taasoo ay jaamacaddu isticmaalaysay ilaa ay kuraasi ka yeelatay in ka badan lix bilood. Waxaa kaloo HIRDA ay jaamacadda ka taageertay xagga qalabka computer-ka iyo hoy ay ku samaystaan xafladdii furitaanka Jaamacadda. (2) SADO oo iyagu jaamacadda ka taageeray dhinacyo badan sida qalabka xafiisyada, buugaagta wax laga dhigo oo aad u anfacay Jaamacadda iyo walibaa iyagoo taageero ka geystay agaasimidda iyo bixinta qarashaadka ku baxay xafladdaan lagu maamusay sannad guuradii koowaad ee asaaskii Jamaacadda Gedo.

Wuxuu kaloo mahdnaq usoo jeediyey Prof. Bashiir  ashkhaas reer Baardheere ah oo iyagu si kelikeli ah u taageeray Jaamacadda. Waxaa ka mid ah dadkii u sida gaarkaa u xusay Prof. Bashiir Cumar Ciise Nuunuule, C/laahi Cabdi Canshuur (C/laahi AB4) oo ka mida hawl wadeenadda SADO oo si gaar ah jaamacadda ugu deeqay qalab computer.  

Guddoomiyaha Jaamacadda Gedo oo isagu macallinna u ahaa ardayda qalin jabisay ayaa u hambalyeeyey ardaydaas horumarka ay gaareen kuna guubaabiyey inay waxbarashada sii wataan uguna baaqay dadweynaha reer Gedo inay ka faa’iideystaan fursadda ay haystaan waxbarshona loo soo jeesto si looga baxo dhibaatada jirta guud ahaan wadanka Somalia gaar ahaanna gobolka gedo.


 

Wuxuu guddoomiyuhu u caddeeyey ka soo qayb galayaashii xafladda in Jaamacadda Gedo ay buuxin doonta kaalinkii jaamacadeed oo bulshadana ay diyaar ula tahay ka caawinta qaybaha kala duwan ee nolosha iyo tawjiihinta ummadda reer Gedo.  

Ugu dambayntii wuxuu sheegay guddoomiyuhu inay rajeynayaan inay Jaamacaddu ballaaran doonto sannadka soo socda oo ay qaybo kale ku dari doonaan haddii Alle suuro geliyo taageerona loo helo taageeradaas oo ay ugu horeyso tan gudaha wadanka laga doonayo oo ah inay ilmahooda waxbarasho usoo diraan. 


Waxaa iyaguna xafladda ka hadlay (1) Wakiil ka socda hayadda SADO Aadan Subeyr(2) Sh.  Maxamed Muxumed Ismaaciil (sh. Gadaashey) oo ah madaxa tacliinta iyo dacwada ee maamulka Gobolka Gedo iyo masuuliyiin kale. 


Waxaa ugu dambeyn ay qireen dadkii kasoo qayb galay xafladda waxqabadka Jaamacadda ee muddadii sannadka ahayd, waxay ku sii dhiira geliyeen maamulka Jaamacadda inay dadaalkooda labanlaabaan ayaguna ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Jaamacadda iyo horumarkeeda. Waxay sidoo kale ka qayb galayaashii xafladdu baaq usoo jeediyeen jaaliyadda reer Gedo ee ku dhaqan dibadda gaar ahaan Yurub inay taageero buuxda ka geystaan sii ballaarinta Jaamacadda Gedo oo hadda si habsami ah ku socota. 


 

Guddoomiyaha Jaamacadda Gedo Xarunta Aasaaska ah
Prof. Bashiir Cumar Ciise Nuunuule
Telephone 0025250722422/ 002521-5202433

Email:
gacaliye85@hotmail.com / universityofgedo@yahoo.com



xaflad furitaankii

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com