Allgedo News,
August 31, 2009
|
Xaalad nolol xumo tii ugu
darneyd ayaa soo wajahdey qoysas
soo bara kacay ee daadsan
duleedka iyo daafaha magaalada
Caabudwaaq tan iyo intii laguda
galey bisha barakeysan ee
Ramadaanka
Barakacayaasha
ayaa ku jira xeryo gaaraya 5
kuwaasi oo kala ah Xurfada,
Balli Giish, Garasle, Dayacan
iyo Alla Aamin oo dhamaantoodna
ay hoy iyo harsi u tahey dadkan
ku jira oo la murugeysan baahida
ay ka dhaxleen abaarta dhameysay
dadkaasi qaar ka mida duunyadii
ay dhaqanayeeen ka hor inta
aaney soo dagin raaska ay ku
nool yihiin oo ah mid ay Alle
ugu marti yihiin, balse aaney
xiligan dhowreyn gacan ay ka
helaan bini’aadamka maadaama
baahi tire uu yahey Alle Cazaa
Wajale.
Waxaa
wehliya dad kale oo marti u
noqdey goobta il xumada leh
kadib markiii manaxayaal ay ka
soo barakiciyeen goobihii ay ku
sugnaayeen sida Muqdisho iyo
Ismaamulka Somalida ee Dowlada
Ethiopia ay maamulato, kadib
markii xiisado iyo colaado aan
dhamaad laheyn ay ku qasbeen
inay kasoo cararaan hoygoodii.
Socdaal aan ku soo marey
goobahaasi ay ku jiraan dadka
ayaan kula kulmey hooyo waayeel
ah oo da’deeda iigu sheegtey 60
sano jir oo heysay 2 gabdhood
iyo wiil, waxaa ay da’da gabar
caruurta ay heysay ugu weyneyd
iigu sheegtey 4 Sano jir halka
wiilka ugu yarna ay iigu
sheegtey 7 bilood jir, kadib
waxaa aan weydiiyey sida ay
nolosheedu tahey waxaana iyadoo
hadalkeedii sii wadata ay tiri
“waalidkii ilmahaan aan hayo oo
ahaa gabar aan anigu dhaley iyo
seygeediiba waxay aadeen
magaalka, caruurtu waa ay
hamuuman yihin, afkoodii saaka
ayay qabaan oo ma jiryto wax ka
dagey ama ay cuneen ilaa xiligan
oo aad aragto inay wareegtey
qoraxdu sababtuna waa wax la’aan,
waalidkii dhaley labadaba suuqa
ayey galeen, sidii soonku uu u
dhashey ma jirin gacan iyo gar
gaar nasoo gaarey”.
Waxaa
aan weydiiyey sababta labadii
walid ay u cidleeyeen ilmaha oo
iyada oo waayeela looga tagey?
Waxeyna tiri iyadoo hadleysa
“sida kuu muuqata ilmahaan waad
aragtaayoo waa shimbiro doonaya
afka in wax loo galiyo wax la
aanta ayaana keentey inay
labadoodii waalidba isku mar u
cararaan magaalka.”
Waqtiga
aan booqanayey xeryaha oo aheyd
duhur ku dhawaad ma jirin qof
xoog leh ama dhaq dhaqaaqi kara
oo joogey xerada, intii aan ku
sii socdayna waxaa iga hor
imaanayey haween tunka xaabo ku
sida, balse aqalada ayaa ahaa
kuwa laga dareemayo cidla halka
kuwa aan ugu dul tagey dad
waayeel caajis ah oo makacayaal
u badan; waxaana sababta la iigu
sheegay in ragii ay suuqa u
xamaali tageen, halka dumarka
xooga lehna ay xaabo ama qoryo u
qaadeen suuqa si ay u beeciyaan,
kadibna ay ugu soo badashaan
raashin ay ku maareeyaan nafta
noolaha ay uga tageen raaska
madow.
Waxaan
sidoo kale la kulmey 2 caruura
ah oo biyo ka dhaansanayey baco
ay ku hareen biyo haraa ah oo
muuqaalkoodu dilnaa ayna halis
tahey in xitaa Caafimaadkooda ay
waxyeelaan.
Ugu danbeyn, waxaa ay ii
sheegeen dadka xeryahaasi aan
kula kulmey inaysan jirin wax
gar gaara oo ay helaan oo
dhaafsiisan gacanta hay’adaha
WFP iyo UNICEF oo kala qaabilsan
quudinta caruurta iyo raashinka,
waxyna meesha ka saareen warar
shegayey in ay heleen lacago
loogu deeqay barakacayaasha oo
jaaliyaduhu leedahey taasoo ay
ku sheegeen inay tahey mid ay
maqleen oo aan gacmahooda lasoo
gaarsiin.
C/kariin Axmed Bulxan,
Caabudwaaq-Somaliya
Email:
Kulan105@gmail.com,
ibagale1@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|