Allgedo News, January
11, 2008
|
|
Maleeyshiyaad Tababar Boolis
loogu qaadey Ethiopia oo uu
hogaaminaayo Col. Xasan Dahir
Yarow (Xasan dheere) ayaa
gaarey Degmada Dolow ee Gobolka
Gedo |
|
|
 |
|
Taliyaha qeybta Booliiska
Gobolka Gedo - Col. Xasan Dahir
Yarow (Xasan dheere) |
Dowlow, Somalia
(AOL)
- Ku dowaad kun Maleyshiyooyin
ah oo laga kala keenay qeybo ka
mid ah Gobolada Koonfurta
Soomaaliya si ay tababar xaga
Booliiska ah ugu qaatabn gudaha
dalka Ethiopia ayaa xaley waxa
ay gaareen degmada Dolow
Somaliya oo u dhow xuduuda u
dhaxeysa Ethiopia iyo Soomaliya.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka
Gedo Col. Xasan Dahir Yarow (Xasan
dheere) oo ka mid ah Saraakiisha
hogaaminaysay Maleyshiyoyinka
loo tababarayo DKMG ah oo xaley
u waramayey Allgedo ayaa sheegay
in ujeedadu ay tahay sidii
maleeshiyooyinkaasi oo gaaraya
ilaa Kun Qof looga dhigi lahaa
ciidan Boolis oo ka howl-gala
gudaha dalka Soomaaliya marka ay
tababarka soo dhameystaan,
waxuuna sheegay in
maleeshiyooyinkan ay ka duwan
yihiin kuwii hore oo ay yihiin
kuwa aanan wax balwad ah lahayn,
islamarkaana lagu xushey inay ka
firfircoon yihiin
maleeshiyaadkii hore ee dalka
Soomaaliya ka jiray.
Col. Xasan-dheere ayaa intaasi
ku darey mudada ay tababarka ku
jiraan meleeshiyadaas in ay
qaadan doonaan daruus la
xariirta Asluubta Ciidanka
Booliska, Xeerarka iyo Shuruucda
iyo weliba shaqooyinka Booliska,
waxuuna tilmaamay mudada
tababarka uu socon doono inay
gaareyso 6 Bilood ilaa 2 sano,
waxaana ciidankaasi loo kala
saari doonaa ayuu yiri marka ay
tababarka soo dhameystaan kuwo
loo kala qaadan doono layli
sarkaal iyo kuwo ka howl geli
doona Saldhigyada degmooyinka
dalka oo dhan.
Tababarkan xaga ciidanka
Booliska oo maalmaha soo socda
ka furmi doona gudaha dalka
Ethiopia ayaa waxaa ka horeeyey,
tababar midkan la mid ah oo ay
soo dhamtysteen maleeyshiyooyin
kale kuwaasi oo haatan ka howl
galaya gudaha Caasimada.
Axmed Cumar Saalixi,
Baardheere-Gedo.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|