|
|
Allgedo
News, January 10, 2008
|
|
Baarlamaanka Dowladda FKMG ah ee
Soomaaliya oo kalsooni siiyey
Xukuumada cusub ee uu dhawaan
soo magacaabay Rai'salwasaare
Nuur-cade |
Baydhabo, Somalia (AOL) -
Barlamaanka Dowladda FKMG ah ee
Soomaaliay ayaa maanta waxuu kalsoonidii
siiyey xukuumada cusub ee uu dhowaan soo
dhisey Ra'isalwasaaraha DKMG ee
Soomaaliay, iyadoo Munaasabad maanta ka
dhacday xarunta shirarka ee Barlamaanka
KMG ee Somalia ee magaalada Baydhabo
ayaa waxaa si rasmi ah codkii kalsoonida
loogu qaaday xukuumada cusub.
Xubnaha Baarlamaanka ee maanta soo
xaadiray fadhigii Baarlamaanka ayaa
gaarayey ilaa 230 xildhibaan waxaana
marka ugu horeyseya loo yeeray labo
xildhibaan oo watey labo hindise oo ah
in qaabka ay u dhacayso codbixinta inay
ahaato hab gacan taag ah ama lagu qaado
hab qarsoodi ah.
Ugu horeyn ayaa waxaa halkaasi ka hadlay
xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo
ka mid ahaa Xildhibaanadii watey in
habka codixinta laga dhigo mid qarsoodi
ah, ayada oo la raacayo qodobka 34 aad
ee Dastuurka Qaranka farqadiisa 1-aad ee
xeer hoosaadka oo tilmaamaya in codka
laga dhigi karo qarsoodi.
Sidoo kale, waxaa loo yeray xubnihii
kale oo iyagu qabay in codka laga dhigo
gacan taaga waxana xunahaasi iyagu
tiradoodo la ekaayeen 149 xildhibaan,
waxeyna yiraahdeen in iyadoo aynu
eegeyno colaadaha jira iyo barakaca iyo
degenaanso la'aanta, in isla markaana
lacuskanayo qodobka 71-aad ee Axdiga
Qaranka - farqadeeda labaad ee axdiga
60-kii, waxeyna yiraahden inagoo
taasi ka amba qaadeyno waa in codka
calsoonida la siiyaa xukuumadda cusub ee
uu soo dhisay Ra'isal wasaare Nuur cade.
Intaasi kadib ayaa mudane yaal ka
tirsanaa xubnihii qarsoodiga ku doonayay
in codka lagu qaado ayaa ka tanaasulay
codkoodii, waxayna sheegeen inay ku
biirayaan xubnaha gacan taaga ah,
mudanayaashaana waxay ahaayeen 43 mudane,
24 ayaana ka baxday, kadibna gudoomiyaha
baarlamaanka oo shir gudoominayey ayaa
cod u qaaday, 223 mudane ayaa ogaalatay,
5 way diiday, 2 na way ka aamustay,
sidaasi ayeyna xukuumadii Nuur Cade
kalsooni buuxda ay ku heshay.
Wax yar ka ddib ayaa gdoomiyaha
Baarlamaanka waxuu ku dhawaaqay
natiijadii, sidaas ayayna xukuumadda uu
soo dhisay Nuur Cade ay maanta codka
kalsoonida ku heshay, dabadeedna waxaa
halkaas ka hadlay Ra'isalwasaaraha
xukuumada FKMG ee Somalia Nuur Xasan
Xuseen (Nuur-cade) oo u mahad celiyey
dhammaan xildhibaanadii codka kalsoonida
siiyey, waxaana uu balan qaaday in uu
waajibaadka xukuumadiisa hor yaala ay
sidey tahay uga soo baxayso, isagoo isla
markaana xusay in kalsoonida xubnaha
barlaamka ay muujineyso rajo ah in
shacabka loo adeego.
Shuceyb Shire, Allgedo, Baydhabo/Somalia.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|