WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 27, 2009

Xaaji Maxamuud Qaliif Shire oo Columbus, Ohio u yimid si uu uga qeyb galo shirweynaha qurbajoogta beesha Sade oo beri furmi doona


Xaaji Maxamuud Qaliif Shire oo hadda ku sugan magaalada Columbus, Ohio/May 27, 2009, 7:40 ET


Columbus, Ohio - Xaaji Maxamuud Qaliif Shire oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Sade haddana ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo aan maanta kula kulmay Kaffi's Coffe oo ku yaala Columbus, Ohio ayaa waxuu ii sheegay in uu Minneapolis uga yimid si uu uga qeyb galo shirweynaha Columbus ka furmi doona maalinta berito ah oo ay taariikhdu tahay May 28, 2009.

Mar aan wax ka weydiiyay Xaaji Maxamuud rajada uu ka qabo in uu shirkaan aflaxo ayaa waxuu yiri "anigu waxaan aaminsanahay in ay haboon tahay in beesha Sade meel ay joogtaba ay shirkaan taageerto, sababtoo ah; shirku waa shir la doonayo in ay ku midoobaan Qurbajoogta beesha Sade, si markaas ay ugu suurtagasho in ay si wada jir ah uga qeyb qaataan horumarinta barnaamijyada nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta adeegyada kala duwan ee ay ay deegaanada ay beeshu dagto u baahan yihiin, si markaas loogu gudbo nabadeyn guud oo dalka Soomaaliyeed oo dhan ka hergasha."

 

Aden A. Colujoog/Columbus, Ohio
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com