Allgedo News, May
27, 2008
|
|
Dhaqaatiirta Soomaalida ee
Waqooyiga Amerika |
Minnesota,
Minneapolis (AOL)
- Xaflad si qurux badan loo soo
agaasimay ayaa waxa ay ka
dhacday gobalka Minnesota,
magaalada Minneapolis, xafladaas
oo ay soo qaban qaabiyeen
dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee
degan waqooyiga America.
Xafladaas oo ay ka soo qayb
galeen dhaqaatiir badan, arday
hada barata dhaqtarnimo, iyo
kalkaaliyayaal isugu jiray kuwo
arday ah iyo kuwo dhameeyey.
Xafldaas ayaa waxa ay hayd
sanadguuradii markii la aasaasay
ururka weyn ee lagu magacaabo
Somali Medical Association of
North America ee ay leeyihiin
dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee
degan waqooyiga America.
Madaxa
urukaas Dr. Maxamed Afqarshe, oo
hayay xilka ururka mudo labo
sano ah ayaa hadana loo doortay
in uu xilka sii hayo. Intii
xaflada socotay ayaa halkaas
waxa lagu soo bandhigay film
laga soo duubay Soomaaliya oo ku
saabsanaa baahida caafimaad ee
ka jirta wadanka Soomaaliya,
halkaas oo ay ku soo bandhigeen
dhalinyaro iyagu tagay wadankii
oo ka soo duubay barnaamijkaas,
soona wareystay dhaqaatiir iyo
bukaano ku jiray isbitaalada.
Ururka soo bandhigay flimkaas
ayaa waxa loogu yeeraa the
African Futur, waxana ay ururka
u sameeyeen sidii ay u caawimi
lahaayeen isbitaalada ka jira
Soomaaliya, iyagoo la kaashanaya
taqaatiirta Soomaaliyeed ee
degan waqooyiga America.
Sanadkan gudihiisana wa xa ay ku
laaban doonaan wadankii iyagoo
ay raaci doonaan dhaqaatiir
Soomaali ah oo degan gobalka
Minnesota sida Dr. Fowsiyo
Abraar.
Sidoo
kale waxa halkaas la isku
weydaarsaday aqoon kororsi ku
saabsanaa dhinaca caafimaadka oo
ay soo diyaariyeen labo dhaqtar
oo ka kala hadlayey beerka iyo
sid loo cabiro dhiiga.
Gebegabadii ayaa xaflada waxa
lagu soo gunaanaday abaalmarino
la siinayey dadkii ururka ugu
firfircoonaa oo si habsami leh
uga shaqeeyey. Abaalmarinadaas
ayaa waxa la gudoonsiiyey Dr.
Xaraare iyo Dr. Cusmaan Munye,
oo runtii halkaas lagu soo
bandhigay howlihii ay ururka u
qabteen, sida Dr. Xaraare oo
hirgaliyey in uu ururku yeesho
xafiis, iyo Muunyi oo hirgaliyey
in uu ururku yeesho website.
Fadlan halkan ka daawo sawiradii
xaflada oo dhan:
http://www.insideminnesota.org/sports.html
Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|