Allgedo News,
July 1, 2009
|
Xuska 1da luulyo 49-Guuradii
ka soo wareegatay Maalinta
Xoriyada iyo Israacii Gobolada
Konfureed iyo Waqooyi ee
Soomaaliya
Bulsho kasta oo ku nool dunidan
waxaa ay leedahay maalmo
taariikhdeed oo u gaar ah, isla
markaana lagu xasuusto
Qaranimadooda, geesiyaashii
dhiigooda iyo maal koodaba u
huray xoriyada ay heystaan.
Ummadda soomaaliyeed oo ka mid
ah umadaha caalamka ayaa waxay
leedahay maalmo ay si gaara ay u
qadirayaan umada Soomaaliyeed
kuna weyn
xasuustooda, iyo karaamadooda,
maalmahaasina waxaa ka mid
ah 26-ka juun iyo 1-da
luuliyo,oo aalaaba si weyn loogu
xasuusto Taariikhdooda.
Hadaba hadii aan si gaara ugu
faaloono halgankii loo soo maray
xoriyada
Soomaaliyeed. Shacbiga
soomaaliyeed wuxuu qeyb ka ahaa
ummaddihii afrikaanka ee lagu
kala qeybsaday Shirkii ka
dhacay magaalada Baarliin ee
dalkii la oran jiray Jarmalka
Sanadkii 1884tii, xilagaasi oo
dalka soomaaliyeed loo
qeybiyey 5 qeybood, iyadoo
ujeedada gumeystayaashu ay ka
lahaayeena aheyd, maadaama
shacbiga soomaaliyeed uu yahay
shacbi Muslim ah, isla markaana
ka mideysan dhinaca Luqada,
Diinta, iyo Dhaqanka in leys hor
istaago dowlad soomaaliyeed oo
Muslim ah oo ka
dhalata geeska Afrika. Qodobka
labaad waxaa sabab u aheyd in
Soomaaliya loo qeybiyo 5 qeybood
waxa ay aheyd dhulka soaamliyeed
oo Ilaah uu ku manaystey
kheyraad fara badan, hadii ay
ahaan laheyd dhinaca Bada,
Xoolaha iyo Beeraha in dunida
inteeda kale laga qariyo
kheyradka ka buuxa soomaaliya.
Dhamaan arrimahaas iyo kuwa kale
ayaa sabab u ahaa in dhulkeena
si arxan darro ah
gumeystayaashii yurub ay u
qeybsadaan.
Goboladii waqooyi waxaa
qaatay Gumaysatayaashii
Ingiriiska,Goboladii
Koonfureedna Talyaaniga,
Jabuutina waxaa qeyb ahaan u
qaatay Faransiiska. Hase yeshee
markii dambe qeybka mida dhulka
soomaalida uu ku wareejiyey
xabashida. Sidoo kale qeyb ka
mida ciida soomaaliyeed
ingiriisku wuxuu si khalad ah
ugu daray dhulka Kenya. Markii
sidaa loo qeybsaday dhul
weynihii Soomaaaliya, ayaa
soomaalidu waxay bilaabeen
halgan adag oo ay kaga soo
horjeedaan gumeystayaasha.
Dhaq-dhaqaaqii ugu horeeyey ee
halganka waxaa hogaaminaayay
halgame Axmed Garaad Ibraahin (Axmed
Gureey). Halgankaasi waxa uu
bilawday sanadkii 1528-dii,
waxaana Axmed Gureey u suurta
gashay inuu jabiyo boqortooyadii
xabashida.
Markii dagaalkaasi xabashidu ay
ku jabtay, waxay u qeylo
dhaansatay ciidankii ingiriiska,
dagaal aad u qaraar ayaana
maalintaas dhex maray ciidankii
soomaalida iyo kuwii xabashida
oo ay taageerayaan kuwii
ingiriiska. Halagankii xigay
waxa uu ahaa midkii uu
hogaaminayey Sayid Maxamed
Cabdulle Xasan, ciidankii
ingiriiska iyo kuwa daraawiishta
ee soomalida dagaalkoodu waxa uu
socday inka badan 20sano, markii
ciidanka ingiriiska looga
adkaaday dhinaca lugta waxay
adeegsadeen diyaarado iney ku
duqeeyaan cidankii daraawiishta
fariisamahooda 21kii bishii
janaayo sanadkii 1920-kii
wuxuuna duqeyn ba'an ugeystay
taliskii ciidanka darwaawiishta
ee magaalada Taleex ku yiilay.
Curashaddii Xisbigii SYL
Halgankii sidaas kuma hakan
waxaana meeshii kasii waday
urrurkii dhalinyarada
somaaliyeed ee SYL, kaasi oo la
aas aasay 15kii bishii maajo
sanadkii 1943-dii. Xubnihii
urrurkaas oo sadex dhalinyarro
ka koobnaa waxay magacyadoodu
kala aaayeen.
1.
Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke,
ku dhashay degmada Hobyo ee
gobolka Mudug sanadkii 1917
2. Xaaji Maxamed Xuseen Maxamad,
ku dhashay magaalada Muqdisho
sanadkii 1917
3. Cisman Geedi Raage ku dhashay
magaalada Muqdisho sanadkii
1925- 18 jir ayuuna ahaa.
4. Xaaji Maxamed C/laahi Xayeesi,
ku dhashay Muqdisho sanadkii
1918-kii.
5. C/qaadir Saqaawadiin, kuna
dhashay degaanka Tayeegloow
gbolka Bakool sanadii 1919-kii
6- Maxamed Xirsi Nuur Sidii,
kuna dhashay degmada Mareeg ee
gobolka Gal-gaduud sanadkii
1915-kii
7. Maxamed Faarax Hilowle wuxuu
ku dhashay degmada Mareeg ee
oolka Gal gaduud sanadkii
1925-kii
8. Hudoow Macalin C/laahi Saalax
oo ku dhashay degmada Mareereey
ee gobolka Shaeellaha Hoose
sanadkii 1926-kii
9. Maxamed Cismaan Baarbe oo ku
dhashay degmada Bardheere ee
Gedo, sanadkii 1910-kii, wuxuuna
ahaa 33 jir.
10. Cali Xasan Maslax oo ku
dhashey magaalada Muqdisho
sanadii 1919-kii
11. Maxamed Cali Nuur wuxuu ku
dhashay magaalada Muqdisho
sanadkii1927
12. Dheere Xaaji Dheere
kudhashay Muqdisho sanadkii
1926-kii
13. Daahir Xaaji Cismaan ku
dhashay degmada Hobyo ee gobolka
Mudug sanadkii1925-kii
Xisbigii SYL durba wuxuu
bilaabay inuu dadka ku wacyi
geliyo difaaca
dalka hooyo, wuxuuna shirar iyo
kulama gaar gaar ah la yeeshay
qeybaha kala duwan ee bulshada
soomaaliyeed waxaana markaa ka
dib u suurta gashay Xisbigii SYL
Inuu noqdo xisbi siyaasaded oo
aan la gamban fikirkiisa ku
aadanaa gumeysi naceybka.
Gumeystayaashu markii ay
dareemeen in xisbiga SYL uu
hantay taageerada bulshada waxa
uu gumeysigu sameeyey xisbiyo
daba dhalif u ah, waxaana sii
labbo lixaadsaday halgankii
gabanimo u dirarka soomaaliyeed.
Gobolada Waqooyi ee dalkana ayaa
waxaa dhinacooda ka abuurmay
xisbi siyaasadeed oo lugu laguna
magacaabay SNC, kaasoo laftiisa
dagaal adag kala hor yimid
mustacmaradii Ingiriska.
Labada xisbi ee SYL iyo SNC
waxaa ka dhaxeeyey xiriir hoose
waxayna ka mideysnaayeen in
dalka laga xoreeyo gumeystaha
kala qeybsaday. Kadib markii uu
geeriyooday xoghayihii guud ee
xisbigga SYL Yaasin Xaaji
Cismaan ayaa golihii fulinta ee
xisbiga waxay si buuxda isugu
raceen in C/laahi Ciise Maxamuud
loo magacaabo xoghayaha guud
ee xisbiga SYL.
Cabdulaahi Ciise Maxamuud
waxaa uu ku dhashay degmada
Afgooye sanadii 1922-kii,
wuxuuna xisbiga ku soo biiray
isagoo 18 jir ah,mudo ka dib
markii uu qabtay jagada
xoghayenimo ee SYL. Wuxuu C/laahi
markaasi si xowli ah isugu
dubariday arrimihii shaqo ee
horyaalay xisbiga, waxaana
markaa ka dib loo baahday in
siyaasada xisbiga ee gudaha ka
socota la gaarsiiyo dalka
dibadiisa. Arrimahaasina waxaa
si gaar ah loogu xilsaaray C/laahi
Ciise laftiisa oo dhowr shir oo
caalami ah ka qeyb galay waxaana
uu ciise walbana wuxuu
cadeenayey in gardarada uu
gumeysigu ku hayo shacbiga
soomaaliyeed.
Bishii sebtembar sanadkii
1949-kii shirkii golaha amaanka
Qaramada Mioobay ee lagu qabtay
dalka Faransiiska ayaa
ajandayaasha loga hadlaayey
waxaa ka mid ahaa qadiyada
Soomaaliya oo uu Claahi Ciise
uga qeyb galayey kulankaasi,
ayaa dowlada Talyaanigu waxay
soo rogtay go'aan tilmaamaya qof
kasta oo ka dhoofaya Soomaaliya
in la tallaallayo, tallaalkaasi
ah mid qofka marka latallaallo
ku keenayo qandho xanuun
badan muddo laba tadobaad ah, si
C/laahi uusan uga daahin shirka
ayaa waxaa talaalkii isku dhigay
halgame Muuri oo ahaa nin xoogaa
muuqaal ahaan C/laahi ay isku
ekaayeen sababtuu u sameyeyna
waxa ay ahayd intii uu xanuunsan
lahaa isla markaana uu ka daahi
lahaa shirka UN-ka aniga aan
xanuunsado.
Muddo ka badan laba toddobaad
ayuuna la xanuunsanaa Muuri
tallaalkii lagu dhiftay Claahi
Ciise waxa uu sii maray
magaalada London, balse
safaaradii Farnsiiska ee Londan
ayaa xoogaa ka meer meertay in
dal ku gal in la siiyo, xiligaas
ma uusan wadan wax baasaboora
balse waxa uu watay warqad
magaceedu uu ahaa marka la soo
gaabsho BSA.
Hase yeeshee wax garad Soomaaliyeed oo ku noolaa Londan ayaa u sheegay C/laahi
inuu jiro tareen deg dega ah oo
tagaya magaalada Paris ugu
dambeyntiina sidaas ku tagay
shirkii Qaramadda Midoobey. C/laahi
waxa uu shirkaasi ka hor
cadeeyey in soomaalidu ay u
dagaalmeyso madax banaanineeda
inta gumeysigu ku jiro taako ka
mida gayiga Soomaaliyeed ay u
dagaalamayaan xorriyadna ay u
doonayaan dalkooda.
Hadalkaasi wax weyn ayuu ka
badalay jawigii shirka, muddo
gaaban kadib kulan ay yeesheen
xubnaha joogtadaa ee Galaha
Amaanka ayaa isku raacay in
Soomaaliya loo diro 4 dal oo soo
hubiya biseylka ay ummadda
Soomaaliyeed ee dhinaca xoriyada.
Afartaas dal waxay kala haayeen
Masar, Filibiin, Leyberiya iyo
Kolombiya. Shirkii markii uu
dhamaaday C/laahi wuxuu dib ugu
laabtay dalkiisa, wuxuuna
halkaasi warbixin ka siiyey
golihii dhexe ee xisbiga SYL
socdaalkiisii ee uu ku tagay
Faransiiska iyo ka qeybgalkii
Shirkii halkaasi lugu qabtay.
Madaxdii afartii dal ee loo
magacaabay soo eegida sida
soomaalidu ugu heelan tahay
helida Xorriyadoda ayaa markii
ay yimadeen dalka, waxay durbaba
arkeen dadkii soomaalida oo
sameynaya banaanbaxyo ay ku
muujinayeen rabitaanka madax
banaaninooda, waxeyna ku
dhawaaqayeen ereyo ay ka mid
ahaayeen " Ha dhaco isticmaarku
ha ka baxo dalkeena, waana u
dhimaneynaa xoriyada inta
qofkeena u dambeeya uu nool
yahay.
Markii ay dib ulaabteen gudigii
kormeerista waxey Qaramada
Midoobey u gudibiyeen warbixin
la xirriirta waxyaabihii ay ku
soo arkeen Soomaaliya, ka dibna
Golahu waxa uu soo saaray go,aan
ah in Soomaaliya la siiyo maamul
hosaad 10 sano ah oo
Talyaaniguna uu sii maamulo
muddadaaas. Hadaba mar haddii ay
soo dhawaatay shucladii
xorriyada ayaa waxaa lagama maar
maan noqotay in la helo astaan
ama calan ay isku aqoonsadaan
shacbiga soomaaliyeed. Halgame
Maxamed Cawaale Liibaan ayaa ku
guuleystay inuu soo bandhigo
naqshada calankan quruxda badan
maanta noo muuqada ee buluuga ah
xidigta cdna ay dhexda kaga
taalo.
Taariikhdu markay ahayd 28 Feb.
1954 Ingiriisku isaga oo aan
haba yaraatee tix-gelin
Soomaalidii dhulka “reserve
area” deganayd, ayuu xabashida
heshiis cusub la galay. Wuxuuna
si toos ah Itoobiya ugu
wareejiyey dhulalkii Hawd iyo
Reserve Area. Dhammaan maamulkii
(shaqaalihii) dhulkaas
degganaana ee Ingiriiska waxa
lagu amray in ay ka
baxaan, marka laga reebo ‘xafiis
yar’ oo ku yaallay Jigjiga.
Xafiiska oo uu maamule ka ahaa
nin la yiraahdo John Drysdale.
Sida Ingriisku sheegtay,
ujeedada ugu weyn ee Mr.
Drysdale xafiiskaas loogu reebay
waxa ay ahayd inuu ilaaliyo
xuquuqda daaqsinta ee xoolaha
Soomaalida ee dhulkaas. Arrintu
siday doontoba ha ahaatee,
arrintaas Ingiriisku ku
tallaabsaday waxa ay lama filaan
iyo fajac ku noqotay dadkii
Soomaalida ahaa ee dhulkaas
degganaa iyo kuwii reer
Somaliland; waxaana isla
markiiba la sameeyey bannaan
baxyo aad u waaweyn oo dadku ku
muujinayeen in ay ka xun yihiin
‘munaafaqnimada’ Ingiriiska.
Waxaana markiiba Wefdi loo diray
London si ay dacwadooda ugu soo
bandhigaan. Inkasta oo
magaalooyinkii Ingiriiska ee
wefdigu booqday xoogaa beer
jileeca looga
muujiyey, haddana faa’iido la
taaban karo kama soo helin. Ka
dib markii dawladdii ku meel
gaadhka ahayd ee Soomaaliya—Talyaanigu
xukunkii ku wareejiyey,
dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed (S.N.L
iyo U.S.P) ee Somaliland ka
jiray way iska yaraadeen.
Bishii juyo 26-keedii sanadkii
1960-kii gobalada Waqooyi ee
dalka waxay ku guuleysteen iney
hantaan xoriyadoodii waxaana
maalintaas gobolada waqooyi oo
dhan ka dhacay isku soo baxyo
farxadeed oo lagu muujinaayo
guushii halganka Xorriyada, afar
maalmood ka dib gobalada
koonfureed ee dalkana waxaa u
rumoowday riyaddii aheyd iney ka
hoos baxaan gacanta isticmaarka
reer Yurub.
Waxgaradkii Gobalada Waqooyi,
iyagoo wada Calankii
Soomaaliyeed isla markaana uu
hor kacayey ayaa waxaa ka mid
ahaa Maxamed Xaaji
Ibraahin iyo Cali Garaad Jaamac,
waxayna xiligaasina ay
usoo ambabaxeen magaalada
Muqdisho, si ay ula midoobaan
walaalahooda Koonfurta
Soomaaliya si weyn ayaana loogu
soo dhaweeyey magaalada
Muqdisho waxaana wafdigaas la
dajiyey Hotel Shabeelle. 1dii
luuliyo 1960-kii saqdii dhexe
ayaa daarta weyn ee Uficio
Governo, waxaa laga taagay
Calankii Soomaaliyeed waxaana la
dajieyey calankii gumeystaha.
Abwaan C/laahi Suldaan Timo Cade
ayaa habeenkaas isagoo la
ilmeynaya farxada xoriyada la
hantiyey awgeed tiriyey
maansadan. "Sareeyoow ma
nusqaamoow aan siduu yahay
eegnee ka na siib kana saar!!"
Habeenkaas somaali oo idil meel
ay joogtaba waxaa hareeyey
farxad cartuur, ciroole,
hooyooyin, odayaal, dhalinyaro,
iyo waxgaradba waxaa kor loo
wada ruxay ubaxyo iyo calankii
soomaaliyeed qiirada maalintaas
waxay gaartay meel aad u
sareesay. Sidaas daraadeed 1da
luuliyo 1960-kii, waa maalinta
Xorriiyadda Soomaaliyeed, waa
maalintii gobolada Koonfureed ay
ka xoroobeen gumeystihii foosha
xumaa ee Talyaaniga, isla
markaana gobolada Waqooyi ay la
midobeen. Waa maalintii Qaranka
Soomaaliyeed laba midowday oo
horey u ahaa British Somaliland
iyo Italian Somaliland.
In kastoo Soomaaliya Maanta
aanan si wanaagsan looga xusin
Maalinta Qiimaha badan, hadana
dadkii u soo joogay burburkii
dagaalada Soomaaliya ka hor
waxay maanta oo kale ay soo
xasuusanayaan dabaaldegyadii iyo
Taariikhahii ka bixi jirey Radio
Muqdisho.
Axmed Cumar Saalixi
Allgedo-Baardheere
Saalixi221@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|