WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, July 1, 2009

Xuska 1da luulyo 49-Guuradii ka soo wareegatay Maalinta Xoriyada iyo Israacii Gobolada Konfureed iyo Waqooyi ee Soomaaliya

 
Bulsho kasta oo ku nool dunidan  waxaa ay leedahay maalmo taariikhdeed oo u gaar ah, isla markaana lagu xasuusto Qaranimadooda, geesiyaashii dhiigooda iyo maal koodaba u huray xoriyada ay heystaan. Ummadda soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha caalamka ayaa waxay leedahay maalmo ay si gaara ay u qadirayaan umada Soomaaliyeed kuna weyn
xasuustooda, iyo karaamadooda, maalmahaasina  waxaa ka mid ah 26-ka juun iyo 1-da luuliyo,oo aalaaba si weyn loogu xasuusto Taariikhdooda.
 
Hadaba hadii aan si gaara ugu faaloono halgankii loo soo maray xoriyada
Soomaaliyeed. Shacbiga soomaaliyeed wuxuu qeyb ka ahaa ummaddihii afrikaanka ee lagu kala qeybsaday  Shirkii ka dhacay magaalada Baarliin ee dalkii la oran jiray Jarmalka Sanadkii 1884tii, xilagaasi oo dalka soomaaliyeed  loo qeybiyey 5 qeybood, iyadoo ujeedada gumeystayaashu ay ka lahaayeena aheyd, maadaama shacbiga soomaaliyeed uu yahay shacbi Muslim ah, isla markaana ka mideysan dhinaca Luqada, Diinta, iyo Dhaqanka in leys hor istaago dowlad soomaaliyeed oo Muslim ah  oo ka
dhalata geeska Afrika. Qodobka labaad waxaa sabab u aheyd in Soomaaliya loo qeybiyo 5 qeybood waxa ay aheyd dhulka soaamliyeed oo Ilaah uu ku manaystey kheyraad fara badan, hadii ay ahaan laheyd dhinaca Bada, Xoolaha iyo Beeraha in dunida inteeda kale laga qariyo
kheyradka ka buuxa soomaaliya. Dhamaan arrimahaas iyo kuwa kale ayaa sabab u ahaa in dhulkeena si arxan darro ah gumeystayaashii yurub ay u qeybsadaan.
 
Goboladii  waqooyi waxaa qaatay Gumaysatayaashii Ingiriiska,Goboladii Koonfureedna Talyaaniga, Jabuutina waxaa qeyb ahaan u qaatay Faransiiska. Hase yeshee markii dambe qeybka mida dhulka soomaalida uu ku wareejiyey xabashida. Sidoo kale qeyb ka mida ciida soomaaliyeed ingiriisku wuxuu si khalad ah ugu daray dhulka Kenya. Markii sidaa loo qeybsaday dhul weynihii Soomaaaliya, ayaa soomaalidu waxay bilaabeen
halgan adag oo ay kaga soo horjeedaan gumeystayaasha. Dhaq-dhaqaaqii ugu horeeyey ee halganka waxaa hogaaminaayay halgame Axmed Garaad Ibraahin (Axmed Gureey). Halgankaasi waxa uu bilawday sanadkii 1528-dii, waxaana Axmed Gureey u suurta gashay inuu jabiyo boqortooyadii xabashida.
 
Markii dagaalkaasi xabashidu ay ku jabtay, waxay u qeylo dhaansatay ciidankii ingiriiska, dagaal aad u qaraar ayaana maalintaas dhex maray ciidankii soomaalida iyo kuwii xabashida oo ay taageerayaan kuwii ingiriiska. Halagankii xigay waxa uu ahaa midkii uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, ciidankii ingiriiska iyo kuwa daraawiishta ee soomalida dagaalkoodu waxa uu socday inka badan 20sano, markii
ciidanka ingiriiska looga adkaaday dhinaca lugta waxay adeegsadeen diyaarado iney ku duqeeyaan cidankii daraawiishta fariisamahooda 21kii bishii janaayo sanadkii 1920-kii wuxuuna duqeyn ba'an ugeystay taliskii ciidanka darwaawiishta ee magaalada Taleex ku yiilay.
 
Curashaddii Xisbigii SYL Halgankii sidaas kuma hakan waxaana meeshii kasii waday urrurkii dhalinyarada somaaliyeed ee SYL, kaasi oo la aas aasay 15kii bishii maajo sanadkii 1943-dii. Xubnihii urrurkaas oo sadex dhalinyarro ka koobnaa waxay magacyadoodu kala aaayeen.

1. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke, ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917

2. Xaaji Maxamed Xuseen Maxamad, ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1917

3. Cisman Geedi Raage ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1925- 18 jir ayuuna ahaa.

4. Xaaji Maxamed C/laahi Xayeesi, ku dhashay Muqdisho sanadkii 1918-kii.

5. C/qaadir Saqaawadiin, kuna dhashay degaanka Tayeegloow gbolka Bakool sanadii 1919-kii

6- Maxamed Xirsi Nuur Sidii, kuna dhashay degmada Mareeg ee gobolka Gal-gaduud sanadkii 1915-kii

7. Maxamed Faarax Hilowle wuxuu ku dhashay degmada Mareeg ee oolka Gal gaduud sanadkii 1925-kii 

8. Hudoow Macalin C/laahi Saalax oo ku dhashay degmada Mareereey ee gobolka Shaeellaha Hoose sanadkii 1926-kii

9. Maxamed Cismaan Baarbe oo ku dhashay degmada Bardheere ee Gedo, sanadkii 1910-kii, wuxuuna ahaa 33 jir.

10. Cali Xasan Maslax oo ku dhashey magaalada Muqdisho sanadii 1919-kii

11. Maxamed Cali Nuur wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii1927

12. Dheere Xaaji Dheere kudhashay Muqdisho sanadkii 1926-kii

13. Daahir Xaaji Cismaan ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii1925-kii

 
Xisbigii SYL durba wuxuu bilaabay inuu dadka ku wacyi geliyo difaaca
dalka hooyo, wuxuuna shirar iyo kulama gaar gaar ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed waxaana markaa ka dib u suurta gashay Xisbigii SYL Inuu noqdo xisbi siyaasaded oo aan la gamban fikirkiisa ku aadanaa gumeysi naceybka. Gumeystayaashu markii ay dareemeen in xisbiga SYL uu hantay taageerada bulshada waxa uu gumeysigu sameeyey xisbiyo daba dhalif u ah, waxaana sii labbo lixaadsaday halgankii gabanimo u dirarka soomaaliyeed. Gobolada Waqooyi ee dalkana ayaa waxaa dhinacooda ka abuurmay xisbi siyaasadeed oo lugu laguna magacaabay SNC, kaasoo laftiisa dagaal adag kala hor yimid mustacmaradii Ingiriska.
 
Labada xisbi ee SYL iyo SNC waxaa ka dhaxeeyey xiriir hoose waxayna ka mideysnaayeen in dalka laga xoreeyo gumeystaha kala qeybsaday. Kadib markii uu geeriyooday xoghayihii guud ee xisbigga SYL Yaasin Xaaji Cismaan ayaa golihii fulinta ee xisbiga waxay si buuxda isugu raceen in C/laahi Ciise Maxamuud loo magacaabo xoghayaha guud
ee xisbiga SYL.
 
Cabdulaahi Ciise Maxamuud  waxaa uu ku dhashay degmada Afgooye sanadii 1922-kii, wuxuuna xisbiga ku soo biiray isagoo 18 jir ah,mudo ka dib markii uu qabtay jagada xoghayenimo ee SYL. Wuxuu C/laahi markaasi si xowli ah isugu dubariday arrimihii shaqo ee horyaalay xisbiga, waxaana markaa ka dib loo baahday in siyaasada xisbiga ee gudaha ka socota la gaarsiiyo dalka dibadiisa. Arrimahaasina waxaa si gaar ah loogu xilsaaray C/laahi Ciise laftiisa oo dhowr shir oo caalami ah ka qeyb galay waxaana uu ciise walbana wuxuu cadeenayey in gardarada uu gumeysigu ku hayo shacbiga soomaaliyeed.
 
Bishii sebtembar sanadkii 1949-kii shirkii golaha amaanka Qaramada Mioobay ee lagu qabtay dalka Faransiiska ayaa ajandayaasha loga hadlaayey waxaa ka mid ahaa qadiyada Soomaaliya oo uu Claahi Ciise uga qeyb galayey kulankaasi, ayaa dowlada Talyaanigu waxay soo rogtay go'aan tilmaamaya qof kasta oo ka dhoofaya Soomaaliya in la tallaallayo, tallaalkaasi ah mid qofka marka latallaallo ku keenayo qandho xanuun
badan muddo laba tadobaad ah, si C/laahi uusan uga daahin shirka ayaa waxaa talaalkii isku dhigay halgame Muuri oo ahaa nin xoogaa muuqaal ahaan C/laahi ay isku ekaayeen sababtuu u sameyeyna waxa ay ahayd intii uu xanuunsan lahaa isla markaana uu ka daahi lahaa shirka UN-ka aniga aan xanuunsado.
 
Muddo ka badan laba toddobaad ayuuna la xanuunsanaa Muuri tallaalkii lagu dhiftay Claahi Ciise waxa uu sii maray magaalada London, balse safaaradii Farnsiiska ee Londan ayaa xoogaa ka meer meertay in dal ku gal in la siiyo, xiligaas ma uusan wadan wax baasaboora balse waxa uu watay warqad magaceedu uu ahaa marka la soo gaabsho BSA.
 
 Hase yeeshee wax garad Soomaaliyeed oo ku noolaa Londan ayaa u sheegay C/laahi inuu jiro tareen deg dega ah oo tagaya magaalada Paris ugu dambeyntiina sidaas ku tagay shirkii Qaramadda Midoobey. C/laahi waxa uu shirkaasi ka hor cadeeyey in soomaalidu ay u dagaalmeyso madax banaanineeda inta gumeysigu ku jiro taako ka mida gayiga Soomaaliyeed ay u dagaalamayaan xorriyadna ay u doonayaan dalkooda.
 
Hadalkaasi wax weyn ayuu ka badalay jawigii shirka, muddo gaaban kadib kulan ay yeesheen xubnaha joogtadaa ee Galaha Amaanka ayaa isku raacay in Soomaaliya loo diro 4 dal oo soo hubiya biseylka ay ummadda Soomaaliyeed ee dhinaca xoriyada.
 
Afartaas dal waxay kala haayeen Masar, Filibiin, Leyberiya iyo Kolombiya. Shirkii markii uu dhamaaday C/laahi wuxuu dib ugu laabtay dalkiisa, wuxuuna halkaasi warbixin ka siiyey golihii dhexe ee xisbiga SYL socdaalkiisii ee uu ku tagay Faransiiska iyo ka qeybgalkii Shirkii halkaasi lugu qabtay. Madaxdii afartii dal ee loo magacaabay soo eegida sida soomaalidu ugu heelan tahay helida Xorriyadoda ayaa markii ay yimadeen dalka, waxay durbaba arkeen dadkii soomaalida oo sameynaya banaanbaxyo ay ku muujinayeen rabitaanka madax banaaninooda, waxeyna ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen " Ha dhaco isticmaarku ha ka baxo dalkeena, waana u dhimaneynaa xoriyada inta qofkeena u dambeeya uu nool yahay.
 
Markii ay dib ulaabteen gudigii kormeerista waxey Qaramada Midoobey u gudibiyeen warbixin la xirriirta waxyaabihii ay ku soo arkeen Soomaaliya, ka dibna Golahu waxa uu soo saaray go,aan ah in Soomaaliya la siiyo maamul hosaad 10 sano ah oo Talyaaniguna uu sii maamulo muddadaaas. Hadaba mar haddii ay soo dhawaatay shucladii xorriyada ayaa waxaa lagama maar maan noqotay in la helo astaan ama calan ay isku aqoonsadaan shacbiga soomaaliyeed. Halgame Maxamed Cawaale Liibaan ayaa ku guuleystay inuu soo bandhigo naqshada calankan quruxda badan maanta noo muuqada ee buluuga ah xidigta cdna ay dhexda kaga taalo.
 
Taariikhdu markay ahayd 28 Feb. 1954 Ingiriisku isaga oo aan haba yaraatee tix-gelin Soomaalidii dhulka “reserve area” deganayd, ayuu xabashida heshiis cusub la galay. Wuxuuna si toos ah Itoobiya ugu wareejiyey dhulalkii Hawd iyo Reserve Area. Dhammaan maamulkii (shaqaalihii) dhulkaas degganaana ee Ingiriiska waxa lagu amray in ay ka
baxaan, marka laga reebo ‘xafiis yar’ oo ku yaallay Jigjiga. Xafiiska oo uu maamule ka ahaa nin la yiraahdo John Drysdale. Sida Ingriisku sheegtay, ujeedada ugu weyn ee Mr. Drysdale xafiiskaas loogu reebay waxa ay ahayd inuu ilaaliyo xuquuqda daaqsinta ee xoolaha Soomaalida ee dhulkaas. Arrintu siday doontoba ha ahaatee, arrintaas Ingiriisku ku tallaabsaday waxa ay lama filaan iyo fajac ku noqotay dadkii Soomaalida ahaa ee dhulkaas degganaa iyo kuwii reer Somaliland; waxaana isla markiiba la sameeyey bannaan baxyo aad u waaweyn oo dadku ku muujinayeen in ay ka xun yihiin ‘munaafaqnimada’ Ingiriiska. Waxaana markiiba Wefdi loo diray London si ay dacwadooda ugu soo bandhigaan. Inkasta oo magaalooyinkii Ingiriiska ee wefdigu booqday xoogaa beer jileeca looga
muujiyey, haddana faa’iido la taaban karo kama soo helin. Ka dib markii dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya—Talyaanigu xukunkii ku wareejiyey, dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed (S.N.L iyo U.S.P) ee Somaliland ka jiray way iska yaraadeen.
 
Bishii juyo 26-keedii sanadkii 1960-kii gobalada Waqooyi ee dalka waxay ku guuleysteen iney hantaan xoriyadoodii waxaana maalintaas gobolada waqooyi oo dhan ka dhacay isku soo baxyo farxadeed oo lagu muujinaayo guushii halganka Xorriyada, afar maalmood ka dib gobalada koonfureed ee dalkana waxaa u rumoowday riyaddii aheyd iney ka hoos baxaan gacanta isticmaarka reer Yurub.
 
Waxgaradkii Gobalada Waqooyi, iyagoo wada Calankii Soomaaliyeed isla markaana uu hor kacayey ayaa waxaa ka mid ahaa   Maxamed Xaaji Ibraahin iyo Cali Garaad Jaamac, waxayna xiligaasina ay  usoo ambabaxeen magaalada Muqdisho, si ay ula midoobaan walaalahooda Koonfurta Soomaaliya si weyn ayaana loogu soo dhaweeyey magaalada
Muqdisho waxaana wafdigaas la dajiyey Hotel Shabeelle. 1dii luuliyo 1960-kii saqdii dhexe ayaa daarta weyn ee Uficio Governo, waxaa laga taagay Calankii Soomaaliyeed waxaana la dajieyey calankii gumeystaha. Abwaan C/laahi Suldaan Timo Cade ayaa habeenkaas isagoo la ilmeynaya farxada xoriyada la hantiyey awgeed tiriyey maansadan.  "Sareeyoow ma nusqaamoow aan siduu yahay eegnee ka na siib kana saar!!"
 
Habeenkaas somaali oo idil meel ay joogtaba waxaa hareeyey farxad cartuur, ciroole, hooyooyin, odayaal, dhalinyaro, iyo waxgaradba waxaa kor loo wada ruxay ubaxyo iyo calankii soomaaliyeed qiirada maalintaas waxay gaartay meel aad u sareesay. Sidaas daraadeed 1da luuliyo 1960-kii, waa maalinta Xorriiyadda Soomaaliyeed, waa maalintii gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii foosha xumaa ee Talyaaniga, isla
markaana gobolada Waqooyi ay la midobeen. Waa maalintii Qaranka Soomaaliyeed laba midowday oo horey u ahaa British Somaliland iyo Italian Somaliland.
 
In kastoo Soomaaliya Maanta aanan si wanaagsan looga xusin Maalinta Qiimaha badan, hadana dadkii u soo joogay burburkii dagaalada Soomaaliya ka hor waxay maanta oo kale ay soo xasuusanayaan dabaaldegyadii iyo Taariikhahii ka bixi jirey Radio Muqdisho.

 
Axmed Cumar Saalixi
Allgedo-Baardheere
Saalixi221@hotmail.com
 

 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com